asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

macquul ma ahan in dhiig yacab uu bulshada ka hor muuqdo

world killer manBariga africa khaasan deegaamada soomaalida waxa ka muuqda dhaqamo gaboobay oo aan caalamka kale laga heli karin,meelaha ay soomalidu ka degan tahay bariga afrika waxaad ku arkaysaa danbiileyaal badan oo  xasuuqay dad aad u badan oo si nabad ah u nool , oo waliba haysta dad hab qabiil u taageersan, taasina waxaa ay keentay in danbiile walba oo soomaali ku abtirsada uu ku dhiirado  inuu dadkii uu rabo xasuuqo hadana uu si nabad ah u sii noolaado, waa arin aad cajiib u ah, gudaha soomaliya waxaa ku nool kumaankum danbiile oo dhibaatooyin fara badan  kula  kacay dad shacab ah oo ayaga oo aan wax maxkamad ah lasoo taagin si nabad ah guryahooda ku jooga, waliba danbiilayaashu waxaa ay u dhoofeen dibada oo walibawaxaa ay ku nool yihiin wadamo maxkamado wanaagsan leh,, maantay qoraalkayga waxaan ku soo qaadanayaa sadex danbiile oo aad u waawayn oo 20kiisano ee u danbaysay  bariga afrika ka gaystay xasuuqyo aad u badan, sadexdaas danbiile waxaa ay kala yihiin.

Danbiile cabdi iley, danbiile axmad madoobe, danbiile c/rashiid janan, sadexdaan nin ayaa danbiyo ad u xun ka galay shacabka soomaaliyeed, waxaana ay xasuuqeen shacab aad u badan, kumaankum caruur ah oo agoon iyo rajo ah oo ay laayeen waalidiintood ayaa soomaaliya ku layacan.

Danbiile  cabdi iley ayaa ku eedaysan kumaankum shacab soomaaliyeed oo uu si foolxun u xasuuqay, waxaa kale oo uu ku eedaysan yahay kumaankum shacab ah oo uu jirka iyo maskaxda ka cuuryaamiyey ,iyo kumaankum haween soomaaliyeed ah  oo uu duleeyey sharaftoodiina ku ciyaaray, cabdi iley dhibaatada uu shacabka soomaali galbeed iyo kuwa soomaaliya uu  u gaystay ayaa ah kuwo uu xabashi waji uga raadinayey, wa mid ay shacabka soomaaliyeed  waligood  iloobi doonin, hada waxaa laga yaaba in danbiile cabdi iley ay jiraan soomaali habqabiil u taagersan,.

Danbiile axmad madoobe ayaa ah danbiile galay danbiyo aad u waawayn oo ka dhan ah xuquuda aadanaha,danbiile axmad madoobe ayaa ku eedaysan xasuuqyo aad u badan oo uu ka gaystay gudaha soomaaliya, dabiile axmad madoobe ayaa sabab u noqday  in 5000 oo kun oo ruux oo soomaali ah  ay noqdaan wax uu dilay iyo kuwo uu xiray iyo kuwo qaxay iyo kuwo uu masaafuriyey, axmad madoobe wajiyo kala gadisan ayuu ku xasuuqay shacabka soomaaliyeed, axmad madoobe mar asaga oo ka tirsan argagixsada caalamiga ah ayuu dad badan laayey, mar asaga oo hogaamiye qabiiled ah aya dadka ku laayey, mar asaga oo raaskambooni ah ayuu dadka ku laayey, markii danbana  asagoo ciidamo kenyati ah ayuu dadka laayey, si kastaba ha noqotee  axmad madoobe waxaa u qaangaaray agoontii uu aabahood laayey,

Cabdi rashiid janan waa nin danbiile ah oo dhiigyacab ah fadhigiisu waa magaalada doolow, danbiile janan waxaa uu ku eedaysan yahay inuu xasuuqay shacab aad u badan oo soomaali ah,danbiile janan waqtiyda uu dilalka gaystay iyo meelaha uu ka gaystay  iyo dadkii u gaystay waxaa loo hayaa cadaymo iyo marqaati, dandiile janan xasuuqa dadka waxaa uu bilaabay 1991dii xiligaas oo uu ahaa nin mooryaan ah hubaysan, waxaa uu hadana dad badan xasuuqay asaga oo argagixisada ka tirsan, waxaa uu hadana dad aad u badan xasuuqay asaga oo tigreega u shaqanaya, danbiile janan  caruur badan ayuu agoon iyo rajo ka dhigay.

Si kastaba ha noqotee arinta cajiibka ayaa ah in sadexda danbiile ay yihiin ku saaxiibo ah oo ku saaxiibay dhiiga shacabka soomaaliyeed. sadexdaan danbiile iyo danbiilayaal badan oo soomaali ah ayaa u baahan in la soo taago maxkad si loo mariyo ciqaab adag, ugu danbayn umada soomaaliyeed waxaa u liita qofkii qof danbiile ah qabiil iyo qarash ku taageera. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :