asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

socdaalkii taariikhiga ahaa ee 2018 aan ku tagay soomaaliya

dalkaygii hooyoSanadkaan waxaa ii suurto gashay inaan socdaal gaaban ku tago gudaha dalkaygii hooyo ee soomaaliya oo aan mudo dheer qoxootinimo uga maqnaa, markii aan galay gudaha soomaaliya waxaa is furfuray jirkaygii iyo maskaxdaydii, waxaana aan mooday in password igu xirnaa uu iga furmay, waxaan noqday qof hurdo kakacay oo kale, waxaa jirkaygu ogolaaday cimilada iyo ciida soomaaliya, waxaa durba indhahaydu qabteen geedo yaryar oo yaraantaydii arki jiray, waxaan dib u milicsaday meelihii aan caruurnimadaydii ku ciyaari jiray, waxaanse soomaaliya ka waayey dad aan isku cimriga ahayn ee aan wada ciyaari jiray, dadkii aan soomaalaya ugu tagay waxaan ka gartay 100%1, kuwaasoo qaarkood doqow dartiis igaranwaayey, waxaan soo booqday goobihii aan badwaynta hindia aan uga dabaalan jiray, kuwaas oo aan isbadalin, waxaan booqday schoolkii aan dhigan jiray oo aad u dayacan, waxaan tagay meelihii aan buugta ku aqrisan jiray, farxad iyo qosol ayaa wajigayga ka muuqday, dadka yaryar ee ila socda aad ayey ula yaabanaayeen meelaha aan booqanayo iyo sida aan ugu faraxsanahay, maalin iyo habeen isku si aan u booqanayey maalihii aan ku koray, kama daalin booqashada ilaa aan katago qabrigii hooyaday  allaha u naxariistee, si kastaba ha noqotee safarka sanadkaan waxaa uu ii ahaa mid taariikhi ah oo maskaxdayda  dib u cusboonaysiiyey,hadaba qoraalkayga  xiga waxaan uga warami doonaa wixii aan soomaaliya ku soo arkay  iyo xaalada uu shacabku ku nool yahay  iyo waxyaalo kale oo fara badan oo ka jira soomaliya. umada soomaaliyeed waxaan kula dardaamayaa dalka soomaaliya in uu yahay lama huraankoodii ee waa inay waraabaha ka ceshadaan. wabilaalhi tawfiiq.

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :