asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

waa sidee shacabka ku nool gudaha soomaaliya

GAANGISTAROSocdaal dheer oo aan ku tagay gudaha soomaaliya ayaan ku soo ogaaday sida ay nool yihiin shacabka soomaaliyeed ee ku  nool gudaha soomaaliya, shacabka soomaaliyeed uu ku nool gudaha soomaaliya waxaa ay soo mareen 28 sano oo dawlad la,aan ah waxaana ay la kulmeen dhibaatooyin aad u farara badan , walina kuma aysan dhamaan dhibtii haysatay, shacabku waxaa ay marwalba rajaynayeen inay helaan dawlad xoog leh oo wax ka qabata dhibaatada haysata, shacabka soomaaliyeed ee ku nool gudaha soomaaliya ay u afduubnaayeen kooxo gaangistaro ah,waxana ay khaati ka taagnaayeen khaati ka taaganaayeen dhinaatada joogtada ah ee ay ku hayaan kooxaha  gangistaradu, shacabka soomaaliyeed ma ahan kuwo xor u ah inay dalkooda wax walba ka sameeyaan, ama codkooda ay mujiyaan, dhaqaalaha soomaaliya waxaa uu gacanta ugu jiraa kooxo gaangistaro ah oo soomaali ah u fadhigoodu yahay dalka iyo dibada, kooxahaasu dalka soomaaliya waxaa ay soo galiyaan malaayin tan oo raashin iyo daawo dhacday oo halis ah, waxaana si khasab ah uga iibiyaan shacabka soomaaliyeed, waxaana ay dibada u dhoofiyaan wax yaalo ay ka mid yihiin daroogo iyo iyo xubnaha iyo dhiiga dadka iyo caruurta yaryar iyo iyo khayraadkii dalka sida dhuxusha iyo macdanta kaluunka iyo waxkasta oo ay dhaqaalo ka helayaan,  waxaa si doo kale ay kooxahaanu dilaan qof kasta oo ka soo horjeeda fikirkooda , majiro qof shacab ah oo ku dhiiran kara inuu sheego wixii uu arko, waxaana shacabka lagu hayey dilal joogto ah oo uga imanayey kooxaha gaagiska ah.

shacabka soomaaliyeed waxaa ay ahaayeen kuwo biyo ugu jira afar yaxaas oo waawayn oo wada baahan, afarta cadaw ee shacabka soomaaliyeed laynayey waxaa ay kala ahaayeen(1) ganacsato maafiyo ah (2) argagixisada (3) amisom (4) iyo dawlada, afartaas qolo mid walba tacadiyo gooni ah ayey  ku hayeenshacabka ,waxaase ay shacabku xoogaa tageero ah  ay u hayeen dawlada soomaliya, ganacsatadu waxaa ay gacansaar buuxda la  lahaayeen kooxaha argagixisada, dawladuna waxaa ay  gacansaar la lahaayeen amisom, amisomna waxaa ay gacansaar la  lahaayeen argixisada, shacabka soomaaliyeed kuma aysan qanacsanayn joogi taanka imisom, maxaa yeelay shacabku uma arkayn in amisom ay waxtar u lee yihiin, sidaas oo ay tahay shacabka soomaaliyeed ma ahayn kuwo is dhiibay, shacabku waxaa ay ahaayeen kuwo aan ka daalin maaraynta noloshooda iyo humarinta dalkooda, shacabka soomaaliyeed waxaa ay ahaayeen kuwo la socda dhibaatooyinta ay dawladaha shisheeye  ku hayaan dhulka soomaaliya, shacabka soomaaliyeed waxaa ay isha ku hayeen edebdarada ay  dawlada kenya ka wado  dhulbadeedka soomaaliya iyo darbiga ay ka dhisayso dhulka soomaaliyeed,  shacabka soomaaliyeed ma aysan ahayn kuwo ku niyad jabay dawlad la,aantii mudada dheer haysay, shacabka soomaaliyeed waxaa ay ahaayeen kuwo jecel midnimada iyo dawladnimada, shacbka soomaaliyeed waxaa ay ahaayeen kuwo iska nacay qabyaaladii, waxaana ka ay door badeen inay wada noolaadan, shacabka soomaaliyeed  ee soo arkay waxaa ay ahaayeen kuwo iskood isu maamulayey , waxaa xusid mudan in shacabku iskood u dhisteen goobo wax barasho, malaayiin dhalinyaro ah ayaa jaamacado ku dhameeyey gudaha soomaaliya, aqoontii maadiga ahaa iyo tii diinta islaamkaba si wayn ayaa loogu bartay gudaha soomaaliya, dhalinyaradii aan kula kulmay soomaaliya waxaa ay ahaayeen dhalinyaro casri ah oo ka aqoon badan dhalinta dibada jooga,in kastoo waxbarasha iskuuladu ay ahaayeen kuwo lacag ah waxaa meesha ka baxay dhalinyaro badan ka soo jeeda qoysas sabool ah, dhanka kale gudaha soomaali waxaa ku yaala kumaan isbitaal oo ah kuwo gaar looleeyahay iyo kuwo ay hayado maamuulaan, gudaha soomaaliya waxaad ka helaysaa daawayn iyo qaliin laguugu samaynayo lacag aad u jaban, ilkaha iyo gawsaha daqiiqad ka yar ayaa laguugu samaynayaa, dhanka kale soomaaliya waxaa si wayn uga socda kaluumaysiga, suuqyada waxaa aad loogu kala iibsanayaan noocyada kaluunka, sidoo kale xoolaha nool ayaa aad ugu badan dalka soomaaliya, suuqyada waxaa buux dhaafiyey cunooyin laga soo guray beeraha soomaaliya, dalka soomaaliya waxaa uu ahaa dal aad hodan u ah, si kastaba ha noqotee dalka soomaliya waxaa uu u baahnaa in laga dulqaado argagixisada iyo amisom ganacsada oo aan filayo in isku meel laga xukumo, ugu danbayn shacabka soomaaliyeed ee qurbaha ku wareeray waxaan kula talin lahaa inay aadaan dhulka barwaaqada ah ee soomaaliya. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :