asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

xagee ku nool yihiin qurba joogta habowday

gangisterTan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliya 1991dii waxaa qurbaha u soo baxay malaayiin soomaali ah, waxaana ay magangalyo ka heleen wadamo banadan, majiro wadan dunida ku yaal oo aysan soomaalidu qoxooti ku ahayn, in kastoo ay wadamada ku kala badan yihiin.

Soomaalidu wadamadii ay qoxootinida u galeen waxaa ay kala kulmeen faaiidooyin badan iyo qasaarooyin badan, soomaali badan ayaa guulo badan ka gaaray wadamadii ay u qaxeen, waxaa ii suurto gashay inaan socdaal ku kala bixiyo wadamo badan oo ay soomaalidu qoxooti ku yihiin, soomaalidii aan la kulmay waxaa ay u noolaayeen sida ay u nool yihiin shacabka kale ee degan wadanka ay ku nool yihiin, soomaalidii aan la kulmay waxaa ay qalbiga ku hayeen dalkii soomaaliya, waxaana ay isha ku hayeen waxa ka socda dalkoodii hooyo ee soomaaliya, balse waxaan soo arkay qurbajooog soomaali ah oo aad uga badalan qurba joogta ka ee soomaalida ah ee qurbaha ku nool, qurbajoogta soomaaliyeed ee ku nool dalka maraykanka aad iyo aad ayey uga badalmeen soomaalida kale ee qurbaha joogta, soomaalida ku nool maraykanku wax dan ah kama lahayn dalkoodii hooyo ee ay ka soo qaxeen, soomaalidasu waxaa ay ku tartamayeen sidii ay maraykan waxa uga noqon lahaayeen, indhahooda iyo qalbigoodu waxaa ay ku sii jeedeen inay madax iyo madax wayne ka noqdaan dalka maraykanka, hase ahaatee dadkaasu ma ahayn kuwo isku xiran oo isku mowqif ah, waxaana ay u kala fadhiyeen qabiil qabiil, soomaalidaasu maraykanka kama muuqan maraykanka kama maqnayn maraykanka.

qurbajoogta maraykaku goobaha ay ku noolyihiin waxaa ku badnaa daroogada iyo danbiyada, dhalinyaradii soomaalidu waxaa ay intooda badan ahaayeen gaangistaro, waxaa isu kay qaban waayey soomalida ku noo maraykanka sida aysan ula qabsan dalka maraykanka iyo sida ay u fakarayaan, shacabka soomaaliyeed ee ku noo maraykanku waa shacabka dunida u nasiib badan hadan u nasiib xun, maraykanku waa dal qani ah oo hadan leh fursado badan, soomaalidu sidii la rabay ugama aysan faiidaysan fursadaha yaalay maraykanka, waxaad mooda soomaalidu isan fahmin maraykanka.

Hadaba in soomaalidu ay ku jahwareeraan dalka maraykanka waxaa sababteeda iska leh aqoon yahano waawayn oomaraykan ah, aqoon yahanada maraykanka ahi  waxaa ay soomaalida ka lumiyeed jidkii ay lahaayeen, aqoon yahana maraykanka ahi markii ay darseen hab dhaqanka soomaalida waxaa ay u sameeyeen wixii ay soomaalidu jeclaayeen oo ahaa xukun iyo wax gooni loo yeesho.

maraykanka waxaa ku nool  in ka badan 350 malyan oo ruux, soomaaliduna waa %0 hadana waxaa ay aqoon yahanada maraykanku ahi  ay go,aamiyeed in jid yar oo ku yaal xaafad ay soomaalidu ag degan tahay loo bixiyo somali street, sidoo dhor qof oo qoxooti soomaali ahna waxaa lagu daray golada deegaanka, waxaa kale oo ay qoubajoogtii reer maraykan codsadeen in la siiyo suuq gooni u ah waana la siiyey, hase yeeshee aqoonyahanada maraykanku waa og yihiin in waalida soomalidu aysan ka sii shaqaynayn dalka maraykanka, si kastaba ha noqotee soomaalida maraykanka degan ma ahan kuwo 30ka sano ee soocda maraykanka ka sii dhex muuqan doona, maxaa yeelay 20kii sano ay joogeen maraykana soomaalidu waxaa ay nodeen kuwo doqoobay iyo kuwo xanuunsan oo uu strees ku dhacay iyo dhalintoodiina gangistaro u bateen, ma jiraan wax dhaxal ah ay soomaalidu uga tagayso maraykanka, ugu danbayn soomaalida qoxootiga maraykanka ku ah ayaa ah qurbajoogta ugu liidata soomaalidii dibada u soo baxday, waxaan sugaynaa jidka somaali street iyo qoxootiga soomaalida midka hordhamaad.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :