asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

yaa baalaha u yeelay c/raxmaan bad iibshe

yaa balaha u yeelay cabdi raxmaan bad iibsheUmada soomaaliyeed waxaa haysata dagaal aad u xoog badan oo dhan walba looga soo qaaday, umada soomaaliyeed waxaa laga dagaalamay maxkaxda dadnimada ficilada wadaniyada dhaqanka diinta soomaalinimada, faragalinta foosha xun ee afartankii sano ee u danbaysay lagu hayey umada soomaaliyeed ayaa keentay inay soomaalidu ogalaato wax badan oo ceeb ku ahaa jirtay dhaqan soomaalida, waxyaabaha dhaqanka somaalida ceebta ka ahaan jiray  ee ay hada soomaalidu caadada ka dhigatay waxaa ka mid ah , ruufiyaanimo, shisheeye u adeeg, khaaimul wadan, diin ka bood, dumarkooda oo ay  ka iibsadaan, iyo xabashi oo ay u kala dhuuntaan.

faragalinta shisheeyuhu waxaa ay mar walba sharaf huwisaa qofka dalka iyo dadka soomaaliyeed wax u dhima, maantay qoraalkayga waxaan ku soo qaadanayaa mawaadinka la yiraahdo c/raxmaan cabdi shakuur, c/raxmaan uma soo qadaadan inaan caayo ama habaaro laakiin waxaan ku dabajoognaa wax umada soomaaliyeed ka dhexeeyey ee uu ku tagri falay, cabdi raxmaan iyo rag kale oo uu ka mid yahay cumar cabdi rashiid iyo cabdiraxmaan ibi iyo rag kale oo dhawr ah waxaa ay ku eedaysan yihiin inay galeen danbi qiyaamo qaran ah, ragaasu waxaa ay isku dayeen inay qayb ka mid ah badwayn soomaaliya ay ka iibsadaan dawlada sawaaxiga ah ee kenya, 11kii sano ee u danbaysay umada soomaaliyeed aad ayey ula socotay dhaqdhaqaaqa danbiilayaashaas galay qiyaaada qaran.

Danbiilayaashaasu markii ay socon wayday qiyaamadii ay  ka galeen dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaa ay difaac ka dhigteen qabyaala, waxaana ay salka la galeen qabiiladii ay ka soo jeedeen iyo umadihii faragalinta ku haydey soomaaliya.

Fargalin shisheeye oo aad u xoog badan ayaa mar labaad sababtay in umada soomaaliyeed la horkeeno cumar cabdi rashiid, kaasoo mar labaad noqday raiisal wasaare, umada soomaaliyeed marnaba uma cun tamin  cumar c rasiid, laakiin  qabiil 4.5 ayuu salka la galay, sababta loo soo celiyey cumar waxaa ay ahayd in umada soomaaliyeed laga lumiyo la xisabtanka qofka danbiilaha ah, kumaankum danbiile ayaa soomaaliya dhex fadhiya,  cabsina kama qabaan  in la maxkamadeeyo.

Waxaa hada baalo uu ku duulo loo sameeyey  cabdiraxmaan cabi shakuur, cida baalaha u samaysayna waa  shisheeyaha dhibaatada joogtada ah ku haya dalka iyo dadka soomaaliyeed, c/raxmaan cabdi shakuur waxaa si tijaabo ah loo horgeeyey  shacabka soomaaliyeed ee qurba joogta ah ,cabdiraxmaan waxaa uu shirar ku qabtay wadamada  ingiriiska iyo canada iyo maraykanka, ujeedada shirsrkaasu waxaa ay ahaayeen mid cabiraxmaan cabdi shakuur lagu ogalaysiiyo shacabka soomaaliyeed,

cabdi raxmaan cabdi shakuur shirarka uu ku qabanayo qurbaha dhaqalaha ku baxaya waxaa bixinaya umado shisheeye oo daaha dabadiisa ku jira, waxaa la doonayaa in cabdiraxmaan dibada laga soo dhiso ka dibna umada soomaaliyeed mar labaad la horkeeno, sidii cumar cabdi rashiid,

Hadaba cabdiraxmaan cabdi shakuur xaq waxaa uu u lee yahay inuu ka qayb qaado siyaasada dalka soomaaliya laakiin hada ma ahan, cabdiraxmaan waqtigaan waxaa ay umada soomaaliyeed u haystaan inuu wax badan ka haleeyey, walina wax maxkamad ah lama horgayn, waxaa taas dheer cabdiraxmaan cabdishakuur iyo cumar cabdi rashiid labadooduba waxaa ay mucaarad ku yihiin dawlada hada jirta, waxaa taas dheer waxaa ay labadooduba u adeegayaan dawlado cadow ku ah dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaa taas dheer in cabdiraxmaan waxaa uu umada soomaaliyeed dhexdeeda ka garaacayo gurbaankii qabiilka, si kastaba ha ahaatee cabdiraxmaan wixii uu horay u dhigay waxa ka daran waxa uu hada wado waxaa kasii daran waxa uu keeni doono, ugu danbayn soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa geel diday waxaro lagama dhexqabto, hadii aan nahay shacabka soomaaliyeed aad iyo aad ayaan uga dhiidhinay ficilada xun xun ee ka muuqda cabdiraxmaan cabdi shakuur, waxkasta oo la sameeyana aad ayey u adag tahay in c/raxmaan cabdi shakuur ka gadmo umada soomaaliyeed ilaa laga cadeeyo danbigii uu ku lahaa iibkii isku dayga aha ee kenya laga iibiyey dhul badeedka soomaaliya.

by shaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :