asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

hub iyo daroogo waxaa daba yaala god iyo geeri

no-drug-and-no-guns-Tirada aadanaha ku nool dunida ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan 7.6 billion oo ruux, dadka intaas le,eg sacad walba waxbaa ka dhinta , is barbardhig lagu sameeyey dadka cusub ee dunida ku soo biira iyo kuwa ka taga dunida ee dhinta waxaa %80 badan dadka dunida ka taga,  waxa sababay in aadanaha geeridiisu badato ayaa loo aanaynaa hubka iyo daroogada  ku soo batay dunida, dadka u dhinta waxyeelada daroogada iyo hubka waxaa ay %100 ka badan yihiin dadka ku shilalka ama jirooyinka ama sida caadiga ah u dhinta, dadka u badan ee hada dunida ku dhinta waxaa ay u badan yihiin dad dhalinyaro ah  oo cimrigoodu u dhaxeeyo 15  ilaa 45, waxaa sababay geeridooda ayaa ah hub iyo daroogo, dunida deegamada ay ku badan tahay daroogada iyo hubku waxaa ay caan ku tahay amaandaro xasarad iyo dilal, magaalo walba magaaladii ay ka hub iyo daroogo badan tahay waaka geeri badan tahay, dhanka kale hadii aad aragtaan magaalo qarmuun oo uraysa  ama  uu ku badan yahay  danbiyadu waxaa ku badan daroogada, hadii aad aragtaan magaalo dilku ku badan yahay waxaa ku badan hubka, aadanaha dunida ku nool intiisa badan waa ogaaday  wax yeelada uu lee yahay  hubka iyo daroogadu, laakiin waxaa jira umado badan oo iska dhaga tiray xumaanta ay leedahay daroogada iyo hubku, waliba waxaa loo faxay in dadka si sharci ah looga iibiyo daroogada iyo hubka,dawladaha sidaas yeelay kama aysan fakarin mustaqbalka shacabkooda iyo dhalaanka soo koraya.

laba qarni kahor dunida kama aysan jirin dhibaatada maantay haysa aadanaha dunida ku nool, %90 dadku waxaa ay u dhiman jireen si caadi ah laakiin maantay xaaladu waa ka gadisan tahay oo dadku %100 waxaa ay u dhintaan koox koox, si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah in laga fogaado wax kasta oo keeni kara in dadka dhintaan macno la,aan, waxaan ku talin lahaa  in dadka dhexdiisa laga sifeeyaa daroogada iyo hubka nooc walba uu yahay, waa in sharci adag laga soo saaro qadashada hubka iyo isticmaalka daroogada, qofkii lagu helo daroogo iyo hub waa in la miriyaa ciqaab adag, hadii sidaas la yeelo waxaa dhacaysa inay aadanaha dunida ku nool uu ahaadaan kuwo haysta nabad iyo nolol , ugu danbayn aadanahu waa inay ka fogadaan daroogada iyo hubka.

by xaash

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :