asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

maxaad kala socotaa wax ka jira dalka soomaaliya ?

xaalada soomaaliyaDad badan oo soomaali ah oo ku kala nool dalka iyo dibada ayaan si sax ah u aqoon waxa ka jira dalkooda hooyo ee soomaaliya, soomaalida qaarkood waxaa  ka jira dalkooda waxaa ay dusha ka saaraan hogaanka dalka u sareeya .soomaalida kuwooda aadka u liita  waxaa ay ku mashquulsan yihiin arimo qabyaaladeed. soomaalida qaarkood waaba la saxan tahay waxa foosha xun ee ka socda soomaaliya.

Sida xaqiiqada ah dalka soomaaliya waxaa ka jira arimo aad u murugsan oo u baahan inay umada soomaaliyeed ka dhiidhido, hadii aan sharaxaad ka bixiyo dalkii soomaaliya gabi ahaantiis waa la qabsaday, waxaana ku soo duulay umado shisheeye oo aad u fara badan, waxaa si aan gabasho lahayn loo afduubay madaxbanaanindii dalka soomaaliya, waxaa badaha iyo bariga soomaaliya camiray ciidamo shisheeye, waxaa laboobayaa dhamaan khayraadkii ku jiray dalka soomaaliya, waxaa meesha laga saaray dawlad xoog leh oo dalka iyo dadka difaaci karta, waxaa shacabkii soomaaliyeed lagu qasbay inay dalkooda ka qaxaan ama ay darxumo ugu noolaadan, shacabka soomaaliyeed waxaa macaawino looga dhigay qaraxyo is daba joog ah, waxaa gudaha soomaaliya laga sameeye kooxo argagixiso oo meeshii loo diro degdeg ku  qarxiya,waxaa mid mid loo ugaarsaday aqoon yahanadii iyo waxgaradkii iyo qofkasta oo la is lee yahay xoogaa ficilo ah ayaa ku jirta, 28 sano ayaa dalka iyo dadka soomaaliyeed lagu waday siyaasado lugooyo ah, markii danbana umada soomaaliyeed waxaa lagu qasbay inay qaataan fedelal ,waxaana loo dhisay dawlad qabiileedyo kala madax banaan, waxaana hogaan loog dhigay kuwo lahubo inay yihiin dabadhilifyo, ficilada ay marwalba samaynayaan hogaamiye qabiileedku  ayaa ah mid loo meeriyey.

Hadaba waxaa is waydiin mudan yey yihiin umada lagu eedaynayo inay soomaaliya qabsadeen oo hadana ay burburiyeed? kuwaasu waa(1) beesha caalamka(2) golaha amaanka ee qaramada midoobay, iyo midowga yurub, waana kuwa soomaaliya ka dhigay meel aan deganayn, si kastaba ha noqotee waa sidee sida ugu dhow ee ay umada soomaaliyeed ula soo noqon karto sharaftoodii iyo xornimadoodii? (1) waa in umada soomaaliyeed isku tashataa (2) waa in meesha laga saaraa wax kasta oo ay QM ama midowga yurub uga yimaada soomaaliya, (3) waa in la helaa jabhado dagaal ku qaada dhamaan shisheeysha jooga soomaaliya, (4) waa in la helaa ciidan ugaarta dabadhilifyada soomaalida, (5) waa in qabiilka iyo qabyaalada la,aasaa, (6) waa in xabashi dagaal toos ah lagu qaadaa,hadii sidaas la yeelo waxaa soo noqonaysa sharaftii iyo karaamadii ay lahayd umada soomaaliyeed, ugu danbayn soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (qofwaxa jooga aan ogayn waxa soo socda ma ogaado) 30 sano wixii aad shisheeye ka waydeen 100 sano oo danbe kama helaysaan , umada soomaaliyeed waxaan ku la talinayaa inay fadhiga ka kacaan, waana inay raadiyaan mustaqbalka dalkooda iyo ubadkooda iyo dadkooda iyo diintooda.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :