asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

maxay isu laynayaan caruurta qurbuhu ku nool

qurbaha walidkaDhamaan qurbajoogta soomaaliyeed waxaa iska laayey ubadkii ay dhaleen, dhalaankii ku dhashay qurbaha iyo kuwii ku koray waxaa ay ku mashquulsan yihiin sidii ay isu layn lahaayeen, meelba oo ay qurbaha ka dagan tahay soomaalidu waxaa ka jira dilal joogto ah oo ay isku hayaan dhalinyarada soomaaliyeed, sababta ay isu laynayaan ayaa lagu sheegay inay tahay wax ku saabsan daroogo, dhalinyarada qurbajoogta ah ayaa isaga soo yaacay guryahii ay deganaayeen waalidiintood, waxaana ay shaqo sahlan ka heleen kooxaha ka ganacsada muqaadaraadka, dhalinyarada qurbaha kunool waxaa si sahlan gacanta ugu dhigay kooxaha gaangistarada ah, waxaana ay u dirsadeen hawlo lumiyey mustaqbalkii dhalinyarada, hadaba waxa iswaydiin mudan maxaa dhalinyarada u baylihiyey gangistarada, maxaase keenay inay dhalintu ka saaqido iskuulada, waxaan filayaa in cidwaliba ogsoon tahay hab dhaqanka qoysaska soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, hooyo walba oo ku nool qurbaha waxaa ay shaqo ka dhigatay dhibaataynta sayidkeeda, haweenka soomaaliyeed waxaa ay dagaal aan gabasho lahayn ku qaadeen nimankii qabay, aabayaashii waxaa ay ka dhigeen mid ay guriga ka cayriyaan iyo mid ay xireen iyo mid ay dulaysteen, ka dibna caruurtii ayaa tababar ka qaadatay habdhaqankii foosha xumaa ee ay ku kacday hooyadood, inta badan qoysaska soomaaliyeed ee ku nool aabe lama joogo oo hayadii ayaa guriga ka cayrisay, hooyadiina waa xamili wayday xanaandii ubadka, qasab waxaa noqotay in caruurtii ay baylah ka helaan kooxaha gaangistarada ahi, si kastaba ha noqotee qurbajoogta soomaaliyeed waxaa ay u abteen hooyo carmali ah iyo caruur isdilaysa oo gaangistaro ah, lugooyada ku dhacday qurbajoogto soomaaliyeed waxaa loo aanaynaa laba arimood , midi waa hooyada soomaaliyeed oo ka habowday jidkii wanaagsanaa, mida kalena waa masuuliyada ay haweenka u dhiibeen wadamada soomaalida magangalyada siiyey.

ugu danbayn waxaan umada soomaaliyeed kula talin lahaa inaysan qurbaha u soo dirin haween soomaaliyeed hayaraato ama ha waynaato, maxaa yeelay way habaabayaan waxaana ay habaabinayaan ubadka. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :