asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

qalad laguma saxo qalad kale

qoys dhiigMagaalada xamar waxa ka dhacay qalad ka dhashay qoys ku murmay guur dhexmaray lamaane, ka dina keenay in la dilo mid ka mid ah qaraabada qayska  lamaanayaasha , waxaa dil foolxun lagula kacay allaha u naxariistee axmad mutaar saalax oo loo yaqaanay (axmad dawlo), axmad dawlo ma ahayn ninki gabadha guursaday mana ahayn ninkii dhalay wiilka gabadha guursaday, balse waxaa uu adeer u ahaa wiilka wax guursaday, in gardaro lagu dilay axmad dawlo waa xaqiiqo ,sharciguna waxaa weeyey in cadaalada la horgeeyo kuwii ka dabeeyey dilkiisa.

Dhanka kale waxaa doonayaa inaan sharaxaad ka bixiyo gabadha nasiibka daran ee uu guurkeedo ku bilowday gacan ka hadalku, gabadha waxaa dhalay dad, waxaana soo  barbaariyey walidkeed ilaa ay ka gaarto guur , sow ma mudnayn in lagu xaqdhowro waalidkeed, hadii waalidiinta gabdha dhalay aysan la doonayn wiilka xaqu waxaa uu ahaa inuu wiilku iska dhaafo gabadha, xataa hadii gabadhu jeceshahay wiilka ma ahayn inuu ku degdego gabdha maadaama uusan waalidku raali ka ahayn, soomalidu waxaa ay ku maahmaahdaa(quraan alif ka qaloocday albaqra kama tooso) guur ka qaloocday waalid dib kama tooso, gabadha arinteedu waxaa ay maraysaa meel aad u fool xun, waxaana dab ku sii shiday soomaali badan oo isu haysta inay wax hagaajinayaan, gabadha hooyadeed waa gacan ku dhiigle waxaana ay ku jirtaa xabsiga dhexe, xataa hadii la soo daayo ma ahan mid bulshada dhedeeda sidii hore ku ahaan karta, maxaa yeelay waa gacan ku dhiigle, gabadhuna ma noqontoonto mid yeelata reer wayn oo lagu dago, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa(gabar geed buuxisay guri ma buuxiso) gabadha murankeedu waxaa uu garay soomaali oo dhan, anigu waxaan qabaa in gabadha xaalkeeda hoos laga soo dhiso, qolyaha arooska iyo digdigta wada waa inay joojiyaan, gabadhana waa in lagu celiyaa qoyskii ay ka dhalatay, dhanka kale dad badan ayaa dhacdadaan uga faaiidaysanaya dano qabiil oo ayaga khaas u ah, ugu danbayntii soomaalidu waxay ku maahmahdaa (qof aan kuu furi doonin yuusan kuu rarain) dadkaan hada walaaqaya arinta qoyskaan curdanka ah ee ku bilowday dhiiga ma ahan dad lafdhabar u ah xaalada lamaanahaan, qoyska wiilku ka joojeedo waxaa kula talin lahaa inay ka fakaraan mustaqbalka wiilkooda.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :