asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

qalbidhagax magtii onlf muyoo u doontay hargaysa

largeMagaalada hargaysa ay ka taliyaan maamulka soomaalidiidka ah waxaa gaaray mid ka mid ah shacabka soomaali galbeed, kaasoo lagu magacaabo qalbi dhagax, qalbi dhagax ayaa sheegtay inuu ka mid yahay jabhada xoraynta soomaali galbeed,marka hore waxan rabnaa inaan qeexno waxa uu yahay qalbi dhagax iyo waxa ay yihiin jabhada onlf ee uu sheeganayo iyo iyo waxa uu ka doonay  hargaysa, qalbi dhagax waa nin asal ahaan ka soo jeeda shacabka soomaali galbeed, waa nin hada u shaqeeya xabshida, waa nin mudo dheer xabashida u soo shaqayn jiray, waana nin ay ku fog tahay cadaawada umada soomaaliyeed, qalbi dhagax intii uu ku sugnaa gudaha soomaaliya waxaa uu ahaa nin hawl sirdoon u haya xabashida, jbahada onlf ma wixii ay umada soomaaliyeed moodaysay mise waxa ay tahay , jabhada onlf umada soomaaliyeed waxaa ay u haysatay jabhad xaq udirir ah oo doonaysa inay xabashida ka xoreeyaan dhulka soomaali galbeed, laakiin taasi waa beenow day, jabhad saxda ah ee onlf waxaa ahaa kuwii ku shihiiday gacanta xabashida, kuwaan hada sheeganaya onlf waa ku hunguri u doonta hadba meesha ay ka bisishahay, waxaana marqaati ka  ah in sanad ka hor hogaanka onlf uu  gabre iyo cabdi iley isugu keeneen nairobi, ka dibna ay dhaanto u tumeen.

Qalbi dhagax waxaa uu hargaysa ka doonay ma ahan wax dhaafsiisan hunguri, laakiin maamulka soomaali diidka ahi waxaa ay qalbi dhagax ka urinayaan inuu yahay nin xabshi ku xiran oo u shaqeeya, wax badan uga soo dhicin kara xabashida, maamulka soomaali diidka ah ee ka taliya gobolka woqooyi galbeed ayaa horay xabashida ugu gacan galiyey boqolaal ka tirsan jabhada olnf iyo dad shacab ah oon shaqo ku lahayn siyaasad, qalbi dhagax hadii ay run tahay jabhada uu sheegano ma aadeen maamulkii ciribtiray onlf, dhanka kale qalbi dhagax nairobi waxaa uu kula shirayey dhamaan dawladdiidyada iyo damuljadiid sidii asaga oo wax tari kara,si kastaba ha noqtee qalbidhagax ayaa hada ismooday wax uusan ahayn ka dib markii uu ku baraarugay  soomaalida oo dal dibad magiciisa haysa,waxaana uu isu qaatay nin wax u dhimi kara dawlada soomaaliya, ugu soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa ( wax aadan ahayn hadii sheegato wixii aad tahay ayaad noqotaa, qalbi dhagax ma wixii ay soomaali moodaysay mise waxa uu ahaa  mise waxa uu hada ku sifoobay, qalbidhagax  soomaali waxaa ay u haysatay mawaadin soomaaliyeed oo xaq u dirir ah oo xabshi loo gacan galiyey, balse waxaa uu ahaa nin xabashi u shaqeeya, waxaana uu hada ku sifoobay wixii lagu yaqsanay xabashi, waxaana uu saxiibdhow ka dhigtay soomaalidiidyada iyo dawlad diidyada, soomaalidii ka xumaatay qalbi dhagax markii xabashi loo dhiibay waxaa uu abaal uga dhigay inuu amaan kula dhaco xabashi iyo horjoogahooda  abayo axmad, ugu danbayn umada soomaaliyeed ma aqoonsana jabhad soomaali ah oo onlf la yiraahdo oo ka dagaalanta gobolka soomaali galbeed, cid alla cidii sheegata onlf oo lagu arko gudaha soomaaliya waxaa la marinayaa sharciga argagixisada, waxaana loola dagaalamayaa sida loola dagaalamo argagixisada.

wariye  cawil cali deegaanka feerfee

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :