asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

soomaaliya dawladnimada ma loo diiday mise ayagaa isu diiday

been run baa dhaxasha30kii sano ee la soo dhafay dalka soomaaliya  waxaa ku socotay faragalin qaawan oo uga imaanaysay umado shisheeye oo aad u arxan daran, dalka soomaaliya waxaa uu dunsanaa in kabada rubac qarni, waxaa dumintiisa iska lahaa shisheeye adeegsanayey qayma laawayaal soomaali ah, shisheeyaha qaribayey dalka soomaaliya waxaa uu ka lahaa ujeedooyin badan, sanad walba waxaa dalka iyo dadka soomaaliyeed lagu tijaabinayey arimo lugooyo fog ku ah dalka iyo dadka soomaaliyeed,waxaa haha banaanka u soo baxay wixii ay shisheeyihu la damacsanaayeen dalka soomaaliya, 10 kii sano ee u danbaysay dalka soomaaliya waxaa lagu abuuray barnaamij la magac baxay argagixiso, barnaamijkaas waxaa uu ahaa mid lagu xalaalaysano dhiiga shacabka soomaaliyeed, laguna boobayo hantida umada soomaaliyeed,waxaa dalka soomaaliya lagaliyey in kabadan 40 kun oo ciidamo shisheeye ah, waxaa dhulka iyo cirka laga garaacay shacabkii masaakiinta ahaa, dalka soomaaliya waxaa madax looga dhigay mid ka mid horjoogaaashii argagixisada ee sheekh shariif, hadii aan qeexno shiikh shariif waxaa uu ahaa hogaamiyii maxakiimta , waxaana uu dagaal dhanwalba ah ka riday bartamaha iyo koofurta soomaaliya, waxaa uu dagaal lagu hoobtay la galay ciidamo xabashi ah iyo soomaali, waxaa uu shikh shariif markii danbe  galay hawdka raaskambooni, maalmo kadibna waxaa halkaas ka qaaday aerocopter oo maraykanku lee yahay, waxaana la geeyey safaarda uu maraykanku ku lee yahay nairobi, sanad ka dibna waxaa madaxwayne looga dhigay dalka soomaaliya, ku xigeenkii sheekh shariif argagixiye  axmad madoobe waxaa diyaarad looga qaaday agagaarka kulbiyoow waxaana la geeye nairobi, waxaana madax looga dhigay jubada hoose, sheekh shariif iyo axmad amdoobe waxaa ay xasuuq aad u daran u gaysteen kumaankum shacab soomaali ah , waxaana lagu aabaal mariyey inay madax waynayaal noqdaan, hogaamiyihii argagixsada shabaab roobow ee qaraxyada ku laayey malaayiinta ruux ee soomaalida ah waxaa waajid looga soo qaday diyaarad waxaana uu socdaal ku kala bixiyey gobolada dalka iyo dibada , sanadkaana xajka ayaaba lagu mari qaaday,argagixiye rooboow waxaa uu u taagan yahay doorasho waxaana lagu wadaa inuu hogaanka u qabto koofur galbeed, argagixiye cali dheere afhayeenka shabaab waxaa uu degan yahay  markab taagan bada muqdisho, waxaana lagu wadaa inuu noqdo hogaamiyaha gobolka banaadin, argagixiye kabo ku tukade waxa uu degan yahay xalane  waxaa lagu wadaa in hogaamiye looga dhigo hirshabeele, argagixiye fuaad shogole waxaa lagu wadaa in puntland madax looga dhigo, gobola woqooyi galbeedna waxaa loo soo wadaa hogaamiye argagixiiso ah, hadaba waxaa is waydiin mudan yaa argagixiso ah, mashacaka soomaaliyeed ayaa argagixiso ah, dhanka kale yaa cafiyey danbiilayaasha,yeyse danbi ka galeen yaase mudan inay maxkameeyaan, dhanka kale waxaa madaxa looga istaagay dawladii soomaaliya, waxaa la diiday in la taageero dawladii soomaaliya, waxaa tababar loo furay dhaliyo fulisa qarax yada iyo dilalka, hadaba cida lagu eedaynayo inay jilaafo iyo lugooyo joogto ah la daba socdaan dalka iyo dadka soomaaliyeed ayaa ah xulafada sucuudiga iyo emareteka iyo dawladaha reer galbeedka, si kastaba ha noqtee kuwa faragalinta soomaaliya ku wada waxaa ceeb ugu filan taageerada muruq iyo maalba ah ee ay u fidiyeen argagixiyihii waynaa abuu maansuur, waxaa sidoo kale ceeb foorxumo ku ah gantaalada ay la dhacayaa shacabka soomaaliyeed ee 28ka sano dawlad la,aanta ahaa , ugu danbayntii xulafadu waxaa ay bililiqo iyo boob joogta ah ku hayaan khayraadkii dalka soomaaliya, waxaana ay si joogto ah u sumeeyaan dhul badeedka soomaaliya.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :