asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

wixii labeerto ayaa mira heeda la cunaa

maamul-horjooge-e1514334094849Waxaa miro dhalay federalkii, waxaana uu fedelalku  dhalay wixii kismayo ka soo baxay, waxaana federalka laga sugayaa wax ka sii xun. waxaan is waydiinaynaa macnaha soomaalida looga dhigay federalka?, yaase ka dhigay federalka?, cida soomaaliya ka dhigtay federalka ujeedadoodu maxay ahayd,? soomaaliduse ma yihiin dad fedral nooqn kara,? sida cidwaliba la socoto federalku waxaa uu ahaa wax dusha looga keenay umada soomaaliyeed, mana jirin meel ay soomaali isugu tagtay oo ay ku heshiisay inay federal noqdaan, macnaha loo keenay fedralku waxaa uu ahaa in soomaalida lagu habsaamiyo hadana la  isagana horkeeno, soomaalidu ma ahan dad federal noqon kara, mana fahmin soomalidu macnaha uu federalku yahay, federalku waxaa uu baasiin ku sii shubay qabyaaladii soomaalida cuuryamisay, waxaa dalka soomaaliya laga dhisay maamul qabiileedyo ku dhisan qabiil iyo qabyaalad, waxaana ay u adeegaan qabiilooyin, umada soomaaliyeed inteeda badan waxba kalama socdaan hawsha ay hayaan maamul qabiileedyadu, maamul qabiileedyada waxaa naas nuujiya umado shisheeye oo dano khaas ah ka leh soomaaliya, maamul qabiilada waxaa lagu ragaadiyey dawladnimadii soomaaliya, maamulqabiilada waxaa hogaan looga dhigay shaqsiyaad ay soo xusheen shisheeyahu, waxaana ay marwalba fuliyaan wixii loo soo xushay oo ahayd lugooyada dalka iyo dadka soomaaliyeed,afka ay marwalba ku hadlaan horjoogayaasha maamulqabiilada ayaa af loo soo meeriyey, figrada ay ku shaqeeyaan maamul qabiiladu ayaa ah figrad ka soo maaxatay shisheeye, si kastaba ha noqotee dalka soomaaliya waxa uu gacanta ugu jiraa cadow shisheeye oo aad arxan daran, waxaana u adeegaya kuwo soomaali ah oo aad u liita, ugu danbayn shacabka soomaaliyeed raali kama ahan faragalinta iyo hab dhaqanka foosha xun ee ay shisheeyuhu ka wadaan wadanka soomaaliya, shacabka soomaaliyeed waa isaga filan yihiin argagixisada iyo cidkasta oo ku soo xadgudubta dalka soomaaliya, waxaan u digaynaa dawlada u soo shaqada tagay inay xaalufiyaan khayraadka dalka soomaaliya, waxaan u digaynaa cidwalba oo taageersan inay soomaaliya sii ahaato federal, waxaan fartiin u diraynaa midowga yurub iyo midowfa africa, jaamacada carabta,  qaramada midoobay ,hayadaha dawliga ah iyo kwa aan dawliga ahayn, waa in faragalinta qaawan laga daayaa dalka iyo dadka soomaaliyeed, wixii tabarucaad ah ma diidayno. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :