asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

Caqabadaha Hortaagan Nabadda, Amniga iyo Dowladnimada Soomaaliya.


qorax

Maqaalkaan waxaa qoray Dr Cabdullahi Maxamed Xersi (Qorax)

I. Hordhac

Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray marxalado iyo duruufo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo Amni oo kala duwan. Tan iyo xiligii ay burburtay dowladdii dhexe ee uu hogaamin jiray AUN Maxamed Siyaad Barre, dalka waxaa hareeyey dhibaatooyin aad u faran oo dhaawac weyn u geysay magaca, sharafka iyo qiyamka dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo burburayey xasiloonidii, nabaddii, adeegyadii bulshada iyo kaabakaayshii dhaqaalaha.

Inkasta oo caqabadaha hadda hortaagan nabadda, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya ay aad u badan yihiin, islamarkaana ay taabanayaan meelo badan, waxaan maqaalkaan si kooban ugu soo bandhigayaa arrimaha aan isleeyahay waxay toorreey wadnaha ku taagan ku yihiin dowladnimada iyo soo celinta nabadda iyo maamul wanaag kahanaqaada Soomaaliya. Caqabadaha aan maqaalkaan ku xusayo ayaa waxay diiridda saarayaan arrimaha Baarlamaanka, Dowlad goboleedyada, Alshabab, Kooxaha Qaswadeyaasha ama Danleeyda, Dalalka shisheeye ee gacmaha kula jira arrimaha gudaha ee dalka, Ciidan-beeledyada/kooxaha iyo qabaa’ilka hubeysan, Fakhriga iyo shaqo la’aanta dhalinyarada, Musuqmaasuqa iyo Arrimaha diinta. 


II. Baarlamaanka

Golaha baarlamaanka ee loo yaqaan ‘Golaha Shacabka’ oo ah laanta xeerdejinta iyo hay’adda xilligaan ugu awoodda badan saldhigna u ah dowladnima, ayaa noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Shirkii Carta ee sanad 2000 ayaa ergooyinkii ka qaybgalay waxay isku raaceen in Soomaaliya ay qaadato hanaanka dowladnimo ee Baarlaami ah (Parliamentary system of Government) taasoo soo doorta madaxweynaha dalka kadibna madaxweynuhu magacaabo wasiirka kowaad (prime minster) kadibna baarlamaanku codka kalsoonida ku ansixiyo Ra’iisul-wasaaraha iyo golaha wasiirada oo uu soo dhiso. Xilligaas ayaa dadkii soomaaliyeed iyo qolooyinkii caawinaayey waxay ansixiyeen in la qaato habka loo yaqaan 4.5 ee beeluhu awoodda u wadaagaan. Waxaa xusid mudan in habka awood qeybsiga ee 4.5 ay sanadkii 1997dii isla ogolaadeen hogaamiye-kooxeedyo xiligaa ku sugnaa magaaladda Sodere ee dalka Ethiopa.
Tan iyo sanadkii 2000 ee la qaatay hanaanka baarlamaanka iyo beelaha ku dhisan, dalku wuxuu wajahayey dhibaatooyin fara badan oo curyaamiyey dhismaha iyo shaqadda hay’addaha dowliga ah iyo bixinta adeegyada asaasiga u ah nolosha dadka dhibaateysan ee shacabka ah.

Inkastoo nidaamka baarlamaaniga ahi uu keenay in madaxweyneyaal isbedelaan iyadoon aaney dhicin dhibaato amni, haddana waxaa marag-madoonta ah inuu keenay xasilooni la’aan siyaasadeed oo joogta ah, qabyaaladdii aan laga xishoon, waddaniyadii oo dhaawacanta iyo musuqmaasuq dhib weyn u geystay sharafta iyo haybadda hay’adaha dowladda.

Hadaba, waa aragti maangal ah in aad isweydiiso sideed iyo toban (18) sano kadib waa maxay dhibaatooyinka uu noo horseeday nidaamka beelaha iyo baarlamaanka ku dhisan?. Aniga aragtideyda waxaan qabaa inuu keenay:
1. Qabyaad: In qabyaaddii hore noo burburisay ay sii xoogeysatay oo ay meesha ka saartay aqoontii iyo kartidii aan ku dooran lahayn hogaamiyaalkeena
2. Xasiloon la’aan siyaasadeed: nidaamka baarlamaaniga ah wuuu keenay xasilooni daro siyaasadeed iyo mooshin (motion) joogta ah oo lagu rido xukumadaha, ama ugu yaraan la isku dayo xitaa haddii ay waxtar iyo howlkarnimo laheyd xukumaddu!
3. Hogaamiyeyaal aan lahayn Karti iyo Aqoon: Maadaama baarlamaanku leeyahay awoodda keliya ee kalsooni siin karta ama kala diri karta xukuumadda, waxaa khasab noqotay in xildhibaanno aan aqoon iyo waayo aragnimo lahayn ay wasiiradda ugu muhiimsan noqodaan. Waxaa kaloo isla arrintn laga dhaxlay iney yaraato ama meesha ay ka baxdo isla-xisaabtan rasmi ah in lagu sameeyo xukumaddii, maadaama Wasiirkii lala xisaabtami lahaa uu isla asagii Baarlamankii fadhiyo, kuna difaacayo howsha xukumadda.
4. Musuqmaasuq: Nidaamka baarlamaaniga ahi wuxuu keenay musuqmaasuq baahay oo dhaawac weyn u geystay sharafta iyo haybadda xildhibaannada, wasiirada iyo saraakiisha sare ee dowladda. Waxaa caado noqotay in qof kasta oo xil doonaya lagu qiimeeyo awoodda jeebkiisa ee aan la eegin awoodda mugga maskaxdiisa,kartida qofnimo iyo dareenka shacabka uu matalo ka qabaan toona
5. Horukac la’aaan wuxuu nidaamka baarlamaaniga ahi keenay in lagu jiro buuq iyo isqab-qabsi joogta oo keenay in hay’addaha dowladdu ay shaqadooda qabsan waayaan..
6. Amni iyo Nabad la’aan: Maadaama ay hay’adihii dowladdu noqdeen kuwo fadhiid ah oo aan tabar iyo tayo lahaynd, waxaa xoogeystay daneysiga iyo ku takrifal awoodda, taasoo keentay in nabaddii iyo amnigii uu curyaamo 

III. Dowladda Goboleedyada

Shirkii Embagaati, Kenya, ee ay hogaamiye-kooxeedyadu hormuudka ka ahaayeen waxaa lagu ansixiyey nidaamka ismaamulka ee Federaalka loo yaqaan. Hannaankan maamul ayaa la qaatay iyadoo aysan jirin awood dowladeed oo hagta tubta iyo habraaca loo maraayo federaaleynta iyo nooca uu noqonaayo federaalka la qaatay. Dastuurka KMG ee hadda dowladdu ku shaqeyso qodobkiisaa 1aad iyo 3aad ayaa sheegaya in Soomaaliya ay tahay dal federal ah oo ku dhisan dimoqraadiyad, matalaadda dadka iyo mabaadi’da awood qeybsiga. Isla dastuur KMG qodobkiisa 49aad ayaa sheegaya in labo gobol iyo wixii ka badan ay isku biiri karaan si ay maamul goboleed u noqdaan, laakiin dastuurku ma caddeynayo wax shuruud ah oo laga rabo goboladda maamul goboleed noqon kara. Arrintaan ayaa keentay dhibaatooyin iyo khilaaf hareeyey nidaamka federaalka ah.

Inkastoo dhibaato badan kadib ay sameysmeen shan maamul goboleed iyo Soomaliland oo dhinac u taagan, hadana waxaa hubaal ah in nidaamkaan federaalka uu dalka ku soo kordhiyey dhibaatooyin jilbaha u dhigay dowlanimada iyo nabadeynta soomaaliya. Inkastoo ay badan yihiin dhibaatooyinka uu keenay nidaamka federaalka ee Soomaaliya, waxay ila tahay inaan ku soo koobi karno:
1. Madaxweyneyaal: nidaamka ismaamul goboleed/ deegaan dowladdeedku wuxuu keenay in ay soo ifbaxaan madaxweynayaal doonaya inay u dhaqmaan sidii in ay xukumaan dal madax-bannaan. Waxay la soo baxeen awoodo fara badan iyo inay isku dhereriyaan madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha dalka. Waxayna u dhaqmaan si aan u wanaagsaneyn danta guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed ee ay colaadaha iyo faqrigu daashadeen.
2. Kharash badnaan iyo Isbarbaryaac: ismaamul goboleedyadu waxay soo kordhiyeen wasiirro iyo baarlamaanno fara badan kuwaas oo sii badiyey baahida kharash ee uu dalku u haraadan yahay. Wasiirada wasaaradaha faraha badan ee maamul goboleedyada ayaa doonaya inay ugu yaraan qayb ka ahaadaan, go’aan kasta oo wasaaradaha dowladda dhexe ay qaadanayaan. Wasiirro ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa waxay inta badan ka qayb galaan shirar caalami ah ama ay garwadeen ka yihiin dad ajnabi ah, halkaas oo ay mararka qaar ka jeediyaan farriimo is khilaafsan oo sharaf dhac ku ah dadka iyo dowladnimada soomaaliyeed. Taasina waxay keentaa in Soomaaliya aduunku u arko dal dadkiisu aaney ka heshiin karin wixii iyaga ka dhex jira isla markaana hanan karin dowladnimadooda, sidaas darteedna ay gar tahay in loogu taliyo sidii ubad ababin u baahan.
3. Awood la’aan dowladda dhexe: Dowlad goboleedyada iyo sida ay u doonayaan in wax kasta oo dowladda federaalku waddo aaney socon haddii aaney iyagu talada iyo go’aan door hormuud ah ku lahayn ayaa noqotay caqabad weyn. Arrintaan ayaa keentay in dowladda dhexe noqoto mid taagdaran oo iyaga u dabran, oo xitaa aan go’aan ka gaari karin awoodihii dastuurku siiyey sida; amniga qaran (xuduudaha cirka, dhulka iyo badda), arrimaha dibadda, socdaalka, isgaarsiinta IMW. Arrintaan ayaa waxay niyad jab ku abuurtay shacabka soomaaliyeed ee doonaya inay helaan dowlad ka shaqeysa danahoodaa iyo ilaalinta sharaftooda. 
4. Khilaaf beeled Joogta ah: ismaamul goboleedyada ayaa dad badani u arkeen inaaney ka jirin cadaalad iyo awood qeybsi lagu wada qanacsan yahay. Maadaama ismaamul goboleedyadu ay sameysmeen xilli dalku kala qeyb-qeybsan yahay, isla markaana deegaan kasta beelaha wada dega uu ka dhex jiray loolan iyo khilaaf qaarkood dhiig badani ku daatay, ismaamul goboleedyadu weli waxay leeyihiin summado qabiil ama astaamo beeleed. Arrintaa ayaa abuuraysa khilaaf joogta ah iyo kalsooni darro ka dhex jirta beelaha. Nidaamkani wuxuu keenay in dhulka la kala sheegto ayna beeluhu ku dagaalamaan xuduud beenaadka maamul goboleedyada. Tusaale; waxaa loo soo qaadan karaa, khilaafkii dadka badan ku dhinteed ee Magaaladda Gaalkacyo, khilaafka gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer ee hardanka awoodda beelaha iyo maamul goboleedyada ku saleysan. 
5. Ciidan Beeleed: Maamul goboleedyadu waxay haystaan ciidan hal qabiil u badan oo aan tayo badneyn, waxayna soo bandhigaan shuruudo caqabad ku ah dhismaha ciidan qaran oo leh awood uu ku hanan karo ilaalinta amniga dalka iyo in laga maarmo ciidamo shisheeye. Arrinkan ayaa ragaad ku noqday soo celinta dowladnimada, nabadda iyo amniga dalka.

IIII. Alshabab
Tan iyo sanadkii 2006, kooxda seef la boodka ah ee Alshabab waxay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin u geysteen, nabadda, dib-u dhiska dowladnimada, xoriyadda iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. Alshabab ayaa u dhaqanta si bahalnimo, naxariis darro iyo jaahilnimo ku dheehan. Waxay caadaysteen inay dilaan cid kasta oo aan aaminsaneyn fikirkooda xagjirnimada ah isla markaana ay abuuraan jawi dalka ka dhigaayo meel aan la maamuli karin. Hab-dhaqanka iyo fikirka xagjirka ah ee ay Alshabab qaadatay, waxay keentay in dalka ay soo galaan ciidamo faran badan oo ajnabi ah, hay’ado sirdoon ah iyo shirkado calooshood u shaqeysteyaal ah, taasoo dhaawacday xoriyaddii iyo madaxbanaanidii dalka. Haddaba, iyadoo qofkasta oo soomaali ah uu ogsoon yahay dhibaatada ay Alshabab u keentay dalka, waxaan ku soo koobi karnaa dhibaatadooda:
1. Amni darro joogto ah: waxay xilli kasta ku mashquulsan yihiin sidii ay u abuuri lahayeen dhibaato amni oo aan si fudud looga soo kabsan karin. Waxay abuureen jawi keenaya inaan si fudud loogu guuleysan soo celinta amigii iyo kala dambeyntii luntay. Waxay u sahleen cidkasta oo rabta inay abuurto qas iyo jahawareer amni, in ay isticmaasho magaca Alshabab dhibaato weyna u geysato nafta iyo hantida dadka.
2. Dhaawac siyaasadeed: markasta oo Alshabab geystato dhibaato amni, waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimo iyo nabad ka hana qaadda Soomaaliya. Arrintaan ayaa noqota marmarsiiyo ay faragelin kaga timaaddo dalal aan dooneyn Soomaaliya in ay ka dhalato dowlad awood u leh hanashada maamulka dalkeeda, soona celin karta sharaftii luntay ee dadka Soomaaliya.
3. Burbur dhaqaale: qaraxyada iyo weerada ismiidaaminta ah ee ay kooxdan seef la boodka fuliyaan, ayaa sababa burbur xoog leh oo soo gaara hantida qaranka iyo midda dadka shacabka oo laga yaabo inaaney lahayn awood ay kaga kabtaan ama dib ugu yagleelaan. Waxaa wax laga naxo ah in khasaaraha dhaqaale ee ay keenaan dadka naftooda halliga ay dhacaan iyadoo aysan jirin cid isweydiisa iyo cid mas’uuliyadooda qaadata . Waxay noqotay arrin caadi ah in dadka dhiiggooda iyo hantitoodaba ay Alshabaab iyo kuwa ay isku hadafka yihiin baneystaan. 
4. Dhimashada: weerarada bahalnimada iyo cadaawadda ku dhisan ee ay geeystaan kooxaha isqarxiya ayaa markasta galaafta nafta dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Tusaale, waxaa loo soo qaadan karaa dhacdadii murugada iyo xanuunka badneyn ee 14 Oktoober, 2017, ee ka dhacday isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho iyo kuwa kaloo badan oo lagu xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
5. Dhaawac maskaxeed/nafsi ah: qaraxyada iyo dilalka arxan darada ah ee ay geeystaan kooxaha xagjirka ayaa waxay sababaan dhaawacyo jireed iyo kuwo maskaxeed ama nafsi oo saameyn joogta ku yeeshay nolosha boqollaal kun oo qof. Waxaa nasiib darra ah inaan cidina ka war qabin dhaawacyada maskaxeed ee ay reebaan qaraxyada,weerarada is-miidaaminta iyo qaarajinta isugu jira. Waxay dhaawacyada maskaxeed keenaan in waxba laga qaban waayo dad badan oo ay nolosha ka quustaan. Dhaawacyada maskaxeed ayaa waxay inta badan soo gaaraan dadkii goob joogga ka ahaa markii xasuuqa la geystay iyo ehelada dadkii la xasuuqay. Dadka qaba dhaawacyada maskaxeed ama nafsiga ah ee la il-daran naxdinta, welwel joogta ah, isla hadal/isku-buuq, quusta iyo rajo xumadda ayaa ku soo badanaya dalka gaar ahaan dhulka amni xumadu daashatay.
6. Dhaqan burburin: kooxda Alshabab waxay keentay in aaanan waxba la ixtiraamin oo cidkasta dhiigeeda, maalkeeda iyo sharafkeeda la baneysto. Dhaqanka soomaaliyeed ee suuban wuxuu dhowraa waxa loo yiqaano “Bir-mageydo” oo ah in dilka lagala xishoodo dadka nugulka ah (caruurta, haweenka, waayeelks IWM) iyo dadka xurmadleyda ah sida culimadda diinta, oday-dhaqameedyada, gabyaaga, aqoon yahanka, dadka samafalka ka shaqeeya IWM. waxay keeneen inaan waxba laga xishoon cidna aan la badbaadin. Arrintaan waxay naafeysay hab-dhaqankii bulshada, iyadoo sii fogeeyeysay xallinta dhibaatooyinkii dhacay. 
7. Dowlad la’aan: Falsafadda iyo aragtida siyaasadeed ee kooxdaan ayaa ah inay kala gooyaan xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo shacabka. Waxay qasab ka dhigaan inaan qofna ka hadli karin waxa ka socda deegaanka uu ku nool yahay ee ku mashquulo naftiisa iyo sida uu ku badbaadi karo keliya. Ma jirto meel aduunka ka mid ah oo qofku si sharaf leh ugu noolaan karo dowlad la’aan iyo xorriyad la’aan. Kooxahaan seef la boodka ah waxay dadka ku qasbayaan inaan go’aan iyo talo lagu yeelan dadka madaxda u noqonayo, sida ay kuu maamulayaan iyo sida aad ula xisaabtami lahayd. Waxay dadkii ku abuureen cabsi iyo argagax xad-dhaaf ah taasoo ku kalliftay inaan qofna iyaga waxba ka sheegi karin waxna u sheegi karin. 
8. Cibaado yaraan: Kooxahan xagjirka ah, waxay bartimaameedsanadaan cid walba uu ay u arkaan inaaney ku feker ahayn. Xoogdaani waxay dad ka ugaartaan masaajidyada ilaahay lagu caabudo. Maadaama gobihii ilaahay lagu caabudaayey lagu baxsan waayey, dad badan ayaa naftooda uga baqay inay cibaadada Alle ku gudaan masaajidyada. Waxay natiijada arrintaani noqotay in dadka masaajidyada ku cibaadeysanaya ay yaraadaan ama ay hub masaajidka la soo dhex galaan. Waxaa wax lala yaabo in dadka dhibaatadaan abuuray ay sheeganayaan inay arrimo diineed ka shaqaynayaan.
9. Cunaqabateyn iyo Barakac: maadamaa dalka ay inta badan soo wajacdo masiibooyinka sida abaaro iyo daadad, waxaa badata baahida ay dadka iyo deegaanada dhibaatadu ka habsatay ay qabaan taageero meel kale laga keenay. Alshabab oo inta ay haysato khatar amni oo ka imaaney xooggaga la dagaalamaaya ayaa waxay qaataan talaabo kasta oo keenaysa inaan dadka baahan wax caawimo la gaarsiin Karin. Arrintaan ayaa waxay keentaa barakac iyo qaxootimo. Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa abaartii dhacday sanadkii 2011, xilligaas oo dad badan oo ku noolaa gobolada koonfureed ay u barakaceen xeryaha qaxootiga ee dhinaca Kenya iyo Ethiopia ku yaalo.


V. Qaswadeyaal iyo Danleey
Ilaa iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ku soo badanaayey kooxo qowleysteyaal ah oo ku baraaray burburka iyo dowlad la’aanta dalka ka jirtay. Kooxahaan ayaa waxaa ka mid ah ganacsato dhiig miirato ah oo ka ganacsato badeecooyin tayadoodu aad u hooseeyso, raashin iyo daawooyin dhacay oo halis galin kara caafimaadka iyo noloshada bulshada. Kooxaha qaswadeyaalka iyo danleeyda isugu jira ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiin abuura isla markaana malaayiin doolar ka sameeya qaska iyo jahowareerka siyaasadeed ee ay wajahdo dowlad kasta oo dalkaan hogaankiisa qabatay. Waxay markasta abaabulaan ama hormuud ka noqdaan mooshin iyo falal kale oo aan u adeegeyn danta iyo maslaxadda ummadda. Kooxdaan ayaa waxaa kaloo ka mid ah saaraakiil sare oo ka tirsan ciidanka qalabka sida kuwaas oo si fool xun u musuqmaasuqa mushaarka iyo saadka ciidanka. Arrintaan ayaa dowladda Soomaaliya ku noqotay canbaar wajiga ugu taal, iyadoo dowladdu inta badan ku tiirsan tahay taageero dalal shisheeye sida Mareykan, Midoowga Yurub, Turkiga, Imaaraadka iyo dalal kale. Dhowaan ayey ahayd markii dowladda Mareykanku ku dhawaaqday iney musuqmaasuqa jira awgiis u joojisay mushaarkii iyo saadka ay ku taageeri jirtay qaarka mid ah ciidamada qalabka sida. Waxaa iyaguna kooxda soo galaaya qaar ka mid mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha samafalka kuwaas oo si bareer ah u dhaca xoolaha loogu talogalay dadka masaakiinta ah ee aan is difaaci karin. Kooxdaan ayaan ka xishoon boobka iyo wax is dabamarinta ay ku sameeyna dhaqaalihii samafalka. Inkastoo ay jiraan dhibaatooyin badan, waxaan halkaan ku koobayaa kuwo ugu daran ee ay keeneen kooxdaha qaswadeyaalka iyo danleeyda ah.

1. Degenaansho la’aan siyaaseed: waxaa caadi iska noqotay in mooshin iyo dowlad ridis ay tahay shaqo joogta ah oo ay qabtaan qaar ka tirsan siyaasiyiinta. Kooxdaan ayaa mooshinada u keena labo sababood. Waatan koowaade, in ay helaan jago ama xil siyaasadeed oo weyn sida, ra’iisulwasaare, wasiir, guddoomiye baarlamaan IWM. Waatan labaade, in ay ka sammeeyaan dhaqaale aan loo soo dhididin oo layska gurto. Arrintaan ayaa waxay keentaa degenaansho la’aan siyaasadeed iyo hour-socod la’aan joogta.
2. Musuqmaasuq: kooxdani waxay ku caan baxday boobka iyo in dowladnimada laga dhigto dukaan dhaqaale xaddhaaf ah lagu sammeeyo ama si dhaqso ah looga taajiro. Arrintaan ayaa keentay in hay’addaha dowladdu noqdaan kuwo magac u yaal ah oo aan looga baran wax qabad la taaban karo. Musuqmaasuqu wuxuu ka dhigaa dowladda mid uu dadku ka aamin baxo loona arko maqaaxi u shidan koox tuugo ah.
3. Faragelin shisheeye: Kooxda qaswadka iyo daneeysiga ku caan baxday waxay fure u yihiin in dalku ka bixi waayo faragelin shisheeye ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga. Kooxahaan ayaa markasta waxay jecelyihiin in dalka ay hoos geeyaan dowladdo iyo hay’addo ay ka dhex arkaan dano yar-yar oo aan wax ku ool u ahayn ummada soomaaliyeed iyo dowladnimadeeda.
4. Khatarro caafimaad: Danleeydu waxay ku howlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale, laakiin marna damiirkoodu ma siiyo inay ka ganacsadaan wax ummadana u wanaagsan iyaguna ay faa’iido ka heli karaan. Kooxdan ayaan dan ka lahayn dhibaatooyinka caafimaad ee ay keenaan raashinka iyo daawooyinka dhacay iyo badeecadaha tayadoodu hooseeyso. Kooxdaan ayaa markasta ku mashquulsan sidii ay lacag u heli lahaayeen laakiin marna dan ka lahayn dhibaatooyinka ay keenaan iyo xalaalnimada waxa ay kasbadaan. 
5. Fowdo iyo Nidaam la’aan: maadaama ay ka taajireen ganacsi ku dhisan laaluush, boob iyo dhiigmiiradnimo, kooxdaani waxay inta badan ka cabsi qabtaa in haddii dowladnimo la helo aaney heleyn faa’iidooyinka ay kaga macaasheen maqnaanshaha iyo hooseeynta sharciga. Kooxdaan ayaa waxaa caado u ah inay is hortaagto wax kasta oo ay u aragto inaaney maslaxadooda iyo danahooda shaqsiga u wanaagsaneyn. Si ay danahood u fushadaan waxay markasta garaacaan durbaan qabiil iyagoo adeegsada kooxo wax magarato ah, kuwaasoo abuura falal qarbudaad ah oo keenaya amni daro iyo cabsi gelin.
6. Jaasuusnimo: kooxdaan danleeyda ayaa waxay caan ku yihiin inay ku faanaan jaasuusnimo ay u sameeyaan dalal ama hay’addo ajnabi. Waxay mar kasta buunbuuniyaan dhibaatada dalka ka jirta iyo in soomaalida ay ka dhexjirto colaad aan la xalin Karin. Waxay markasta u gudbiyaan sir kasta oo dalku leeyahay dalalka kale, waxayna aaminsan yihiin in sida ugu fudud ee xil iyo mansab siyaasadeed ay ku heli lahaayeen ay tahay jaasuusnimo iyo in ay sheegaan ceebaha iyo cilladaha dalkooda iyo dadkooda.

Faragelin Shisheeye
Tan iyo xiligii uu dhacay dagaalkii 1977dii ee dhex maray dowladdii Soomaaliya Iyo Ethiopia, waxaa dalka maalinba maalinta ka dambeeysa ku sii badanaayey faragelin kaga imaanayso dalal shisheeye ee doonaaya inay saameyn ku yeeshaan arrimaha aminga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Si dalkasta u gaaro danta iyo ujeedada uu leeyahay, wuxuu sameysta saaxiibbo soomaali ah oo u fuliya danahooda iyo istaraatiijadooda. Faragelinta dalalka shisheeye waxay qeybta ugu weyn ka ahayd burburintii dowladnimada iyo soo bixitaankii hogaamiye kooxyadii iyo ururo diineedyo kala dhantaalay manhajkii Shaaficiyada ee dadka soomaaliyeed haysteen. Haddaba iyadoo la wada ogsoon yahay dhibaatooyinka faragelinta shisheeye u geysteen nabadda iyo dowladnimada soomaaliya, waxaan halkaan si kooban ku soo bandhigeynaa qaar ka mid ah saameeyntii ay ku yeesheen degenaansha iyo dib yagleelidda dowladnimada.

1. Burburin iyo Iska Horkeenid: faragelinta shisheeye waxay keentay in ay soo ay ifbaxaan ururro beeledyo hubeysan oo aan lahayn wax hadaf iyo himillo dowladnimo ah. Si loo burburiyo shacabka soomaaliyeed ee isku isirka, diinta, luuqada iyo inta badan dhaqanka ah, waxay faragelinta shisheeye keentay in beel-beel iyo jilib-jilib laysaga horkeeno dadkii walaalaha ahaa ee danta iyo deegaanku ka dhexeeysay. Arrintaan ayaa keentay fowdo iyo sharci la’aam ku baahday dhamaan dalka iyo in qabyaaladdu gashay meelkasta oo noloshada bulshada ah. Waxaan qofkasta qasab ku noqotay inuu qabiil iyo qabyaalad maciin bido, taasoo meeshii ka saartay dowladnimadii, kala dambeyntii iyo asluubtii bulshada. Dhibaatadaan ayaa waxay keentay cuqdad iyo kala aamin bax soo kala dhexgalay shacabka iyo beelaha soomaaliyeed, waana mid ka mid caqabadaha ugu waa weyn ay dowladda soomaaliyeed manta wajahayso.
2. Qab-qable Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay inay soo baxaan qab-qableyaal arxan laaweyaal ah, kuwaasoo midkasta uu doonaayey inuu awood helo si uu dalka madax ugu noqdo. Qab-qableyaalkii waxay dalka ka dhigeen meel galgalin ah oo aaney ka jirin wax nabad iyo nolol ah. Faragelinta shisheeye waxay keentay in qab-qableyaalkii lagu marti-qaado shirar aan waxba ka soo baxayn, iyadoo shir kasta uu dhali jiray qab-qableyaal hor leh oo taageerro ka helaayo dowlado iyo shirkado shisheeye. Dowladdii ku-meel gaar ahayd ee lagu soo dhisay magaaladda Carta ee dalka Jabuuti oo ahayd dowladdii ugu wanaagsaneyd ee ay ku jireen dadkii ugu aqoonta, waayo-aragnimada iyo wadaniyadda wanaagsanaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed aad u taageersanaayeen, waxaa hor-istaagay qab-qableyaal u adeegaya dowlado iyo dano shisheeye.
3. Federaal Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay in dadka soomaaliyeed loo yeeriyo nooca dowladnimo ee ay u baahan yihiin iyadoo aan la tixgelineyn dhaqankooda iyo duruufahood siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale. Waxaa dadka soomaaliyeed lagu sanduleeyey in ay qaataan nidaamka is-maamul goboleed qabiil ku dhisan. Faragelinta shisheeye waxay keentay in la abuuro dowladdo leh madaxweyneyaal, baarlamaan iyo sharci dejin oo ay xukumaan dad uusan dadweynuhu ama shacabku soo dooran. Nidaamkaan ayaa wuxuu sii kordhiyey kala qeybsanaanta dowladda iyo in hogaamiye maamul-beeledyadu ay ku xirnaadaan dowlado shisheeye oo iyaga taladooda qaata. Dowladaha qaar ayaa waxay si aan qarsoodi lahayn u siiyaan Madaxweyne beeleedyada taageerro dhaqaale, mid milateri iyo siyaasadeed, iyagoo is bareer ah u curyaaminaayo in la helo dowlad leh karti iyo awood ay dalka ku samata-bixiso. 
4. Boobka Hantida Qaranka: faragelinta shisheeye waxay keentay in hantidii qaranka la boobo loona qaado dalal kale. Waxaa si aan kala har lahayn loo iibsaday ama loo boobay xoolihii iyo duurjoogtii dalka. Waxaa si aan la qiyaasi karin loo boobaa kheyraadka badda ee dalka iyadoo maraakiib waa weyn oo dalal shisheeye calankooda sita ay jillaabtaan wax kasta, taasoo xaalufin ku keentay meelo badan oo ka mid dhul-badeedka dalka. Waxaa kale oo la boobaa macaadinta iyo kheyraadka kale ee dalka. Sidoo kale, waxaa la lunsaday lana dhoofsaday dhaxal-taariikheedkii dalka iyo astaamihii soo yaalka ahaa ee dhaxalka iyo dhigaalka u ahaa ummadda Soomaaliyeed sida taallooyin, buugaag iyo raadad qaddiim ah.
5. Tartan iyo Handadaad: maadaama dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay dhowrka dal ee dunida ugu qanisan marka la eego halku uu juquraafi ahaan aduunka ugu yaalo oo ah meel istaraateji ah iyo khayraadka dihin ee ceegaaga bad iyo beriba, Soomaaliya waxaa la degey tartan iyo loolan ka dhex jira dowladdo iyo shirkado caalami ah. Dowladaha reer galbeedka iyo shirkadahooda waa weyn ayaa inta badan waxay keenaan ama huriyaa colaada iyo khilaafka aan dhamaad lahayn ee dalka ka jirta. Madaxda soomaaliyeed ayaa markasta la kulma handaad iyo cabsi-gelin aan dhamaad lahayn oo ka imaaneysa dowladdo ilaalsanaayo kheyraadka dalka laakiin aan dan iyo muraad ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinka burburiyey/hortaagan dowladnimada. Dowladahaan ayaa sheega inay lacago fara badan u bixiyeen wax loogu yeero kaalmo Bani-aadanimo ama humanitarian Aid, taasoo loo dhiibo hay’adaha UNka iyo NGO caalamiga isla markaana aaney ka soo bixin wax la taaban karo. Xaaladdaan ayaa dowladda soomaaliyeed ka dhigtay mid daciif ah oo ku nool gacmo hoorsi.
6. Deegaan iyo Nolol burburin: faragelinta shisheeye waxay keentay in dowladdo iyo shirkado wakiilka ah dowladooda ama kooxo burcad ay dhulka iyo xeebaha dalka ku aasaan sunta nukleerka iyo dareere-warshadeedyada iyadoo aan la tixgelineyn saameeynta caafimaad iyo deegaan ee suntaas ama kiimikadaasi keeni karto. Waxaa kale oo la baabi’iyey bay’addii iyo degaankii iyadoo dhirtii laga shidaayo dhuxul dibedda loo iib geeyo. Gubidda dhirta qaarkeed u baahan yihiin ugu 50 sano si ay u soo baxaan una koraan ayaa waxay keentay xaalufin iyo isbedelku ku miyid cimiladii iyo noloshii xoolaha iyo xoolo-dhaqatada. Saameynta deegaan burburinta ayaa waxay keeni doona dhibaatooyin ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed muddo badan la daalaa dhacdaan, isla markaana caqab ku noqota nolosha jiilashada soo socda.

Jabhado beeleed
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed dalka waxaa ka hanaqaaday ciidan beeleed ku can baxay anshax-xumo iyo dhibaateyda dadka shacabka. Ciidaan beeleedyada ayaa waxay inta badan ka amar qaadaan hogaamiye-beeleedyada siyaasadeed iyo dhaqan eek a jira deegaanka ay ku nool yihiin. Iyadoo laga wada dheregsan yahay taariikhda iyo dhibaatooyinka ay dowladnimad u geysteen ciidan beeleedku, waxaan ku soo koobayaa qodobadan:
1. Sarkaal Beeleed: sida ciidan lagu yiqaano sarkaal waxaa noqda qof leh aqoon, khibrad iyo karti ciidan. Laakiin hadda waxaa soo baxay saraakiil sita darajooyin waaweyn aan lagu qaadan aqoon iyo waayo-aragnimo ciidan ee lagu helay wax loo yiqaano ‘Iska Xiro’ oo macnaheedu yahay darajo la iska qaato iyadoon la soo marin wax leyli ama tababar sakaalnimo. Waxaa soo baxay Janano ama sareeyaal guuto/guud oo iyagoon aan weligood soo marin tababar ciidan oo asaasi ah, tababar sarkaalnimo ama aan soo bixin kuliyad dagaal loo magacaabayo xil ciidan. Arrintaan ayaa waxay sababtay in ciidanku noqdo mid aan waxtar ahayn tayadiisuna ay aad u liidato.
2. Kala –qeybsanaan: maadaama ciidaankii noqday mid deegaan iyo bee lama beelo ku kooban waxaan sii xoogeysatay kala qeybsanaanta iyo daciifnimada ay qabaan ciidan beeleedyadu. Arrintaan ayaa waxay keentay habacsanaan dhinaca amniga dalka ah. Ilaalinta ay jiraan ciidan beeleed hubeysan oo ku sugan deegan iyo degmooyin dalka ma mid, nabad iyo dowladnimo cago xoog leh ku taagan lama arkaayo.
3. Nidaam xumo iyo Jaahwareer: iyadoo ciidan kii aanu inta badan isku dhafneyn islama markaana lagu soo kala tababaray dalka shisheeye oo kala ujeedo ah, waxaan adkaatay in la helo ciidan nidaamsan oo leh hogaan kulansaday waay aragnimo, karti iyo aqoon. Ciidankii wuxuu noqday mid isku dhexyaacsan oo aan lahayn qab dhismeed shaqeynaayo iyo nidaam hufan oo lagu hogaamiyo. Waxaan soo baxay ciidan uu noqdo mid akhlaaqdiisa iyo edebtiisa ciidan uu aad u liido oo ku can baxay dagaal dhexdiisa ah iyo cunitaanka muqaadaradka. Shacabka soomaaliyeed intiisa badan waxay in badan ciidan u arkey kuwo aaney naftooda iyo maalkooda ku aami karin.
4. Ku-xadgudub Xuquuqda Muwaadiniinta: ciidan beeleedyada ayaa waxaa markasta lagu eedeeyaa inay geystaan falal lidi ku ah xuquuqda asaasiga ee shacabka ay ahayd inay ilaaliyaan naftooda, maalkooda iyo sharafkooda. Waxay la sheegaa inay ku kacaan falal isugu jira dhac, kufsi iyo dil loo geysta dadka aan hubeysneen iyo maatada aan is difaaci karin. Dhacdooyinkaan ayaa waxay wasaqeeyaan sharafta iyo kartida ciidan iyo weliba dowladnimada Soomaaliya. Hay’addaha u dooda xuquuqda dadka jilicsan ayaa waxay markasta warbixinta ay qoraan ku sheegaan in ay ciidanka dowladdu geysto tacadiyo iyo goboodfal lagula kaco dadka shacabka, gaar ahaan dadku nolol xeryaha ama goobaha ay ku nool yihiin kuwa ay colaadaha iyo abaaruhu barakiciyeen.

VI. Fakhri iyo Shaqo la’aan Dhalinyarada
Dalka soomaaliya wuxuu ka mid yahay dalalka caalamku ugu faqiirsan. Qiyaastii ay baxsheen 2017kii hay’adda caalamiga ee dhaqaalaha qaabilsan ayaa tilmaameysa in 65.6% bulshada soomaaliyeed ay noolyihiin xaalad dhaqaale oo faqri lagu tilmaami karo. Hay’adda qaramada midoobey u qaabilka isku xirka gargaarka ayaa sheegaysa sanadkaan 6.5 milyan oo ku nool soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bani’aadaminimo. Waxaa kale oo la qisayaa in 70% dadka soomaaliyeed ka yar yihiin da’da sodon (30) sano jir, iyadoo 67% dhalinyarada soomaaliyeed ay yihiin shaqo la’aan islama markaan ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale iyo waxbarasho la’aan. Xaaladdaan murugada leh ee ay ku noolyihiin dhalinyarada soomaaliyeed, ma keenin oo keliya duruufo qalafsan oo soo wajahay dhalinyarada, laakiin waxay sidoo kale caqabad weyn ku noqotay soo celinta nabadda, amniga iyo dowladnimada soomaaliyeed. Dhibaatooyinka ay keentay shaqo la’aan dhalinyarada iyo faqriga bulshada wey badan yihiin, laakiin kuwa ugu dardaran waxaa ka mid ah:

1. Dhalinyarada oo lagu adeegto: faqriga iyo shaqo la’aanta baahansan ayaa waxay dhalinyarada u nugleeysay in kooxdaha dambiileyaasha ay sideey doonaan ka yeelaan dhalinyarada. Kooxdaha hubeysan iyo kuwa ku ka shaqeeya danaha dowladaha iyo ururada doonaayey inaan dalku degin ayaa waxay qortaan ama hawlgashadaan dhalinyarada shaqo la’aanta ee la jahowareersan dhaqaale iyo rajo xumo.
2. Colaad iyo Dhimasho: dhalinyarada soomaaliyeed ayaa waxay noqotay buriska ama dubaha ugu weyn ee loo adeegsado burburinta dalka. Waxaan dhalinyarada loo balanqaadaa mustaqbal ifaaya iyo nolol ka wanaag mid ay ku jiraan, laakiin marka hore ay tahay inay ka qeyb-qaataan dagaalo ay in badan naftooda ku waayeen ama ka dhaxlaan curyaanimo/naafonimo joogta. Dagaaladdaan dhalinyarada loo adeegsado, ayaa waxaa inta badan laga leeyahay dano shaqsi ama kooxeedna, mana jirto wax faa’iido ah oo ay dhalinyaradu ka helaan. 
3. Tahbriib iyo naf-halignimo: duruufaha nololeed iyo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ku kaliftay in badan inay qaadaan go’aan halis ku noloshaada iyo mustaqbalkooda. Rajo la’aan iyo faqrigu wuxuu dhalinyarada ku khasbaa inay dalkooda ka tahriibaan oo u badheedhaan khataro aad u badan oo ay ku jiro jirdil, xabsi, madax furasho iyo dhimasho. Arrintaan ay dhibaato ku ah nabadda dowladnimada soomaaliya maadaama dalku waayayo xoog iyo maskax badan oo uu baahi weyn u qabay.
4. Dambeelanimo: dhalinyarada shaqo la’aanta ah ayaa waxay si fudud gacanta ugu galaan kooxo dambiileyaal ah oo aan naxariis lahayn. Kooxahaan ayaa waxay dhalinyarada u adeegsadaan fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin burcadnimo hubeysan, kala gudbinta iyo ka ganacsiga maandooriyaasha iyo argagixisanimada. Arrintaa yaa keentay in badan oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah manta ku jiraan xabsiyo dalal shisheeye, iyadoo qaar badan oo ka mid ahaa dhalinyaradaas la dilay halka tirada dhabta ah ee ku jirta xabsiyada shisheeye aan cidina ogeyn.

VII. Musuqmaasuq
Soomaaliya ayaa marar badan kaalinta kowaad ama labaad ka gashay dalal aduunka ugu musuqmaasuq badan. Waxaan wax aad looga galiilyoodo in musuqmaasuqa iyo wax is dabamarintu ay noqotay wax lagu faano. Waa xusid mudan in qabiilka iyo musuqmaasuqu yahay labo aan kala maarmin. Waxaan aad loo jecelyahay qofka xoolo aanu lahayn si talax tag ah ugu fagrifala ama u bixiyo si xad-dhaaf ah. Dhibaatooyinka musuqmaasuq u geysta dalka iyo dowladnimada waxaa ka mid ah:
1. Cadaalad daro: Musuqmaasuqu wuxuu keenay in la waayo cadaalad iyo sinnaan sharciga hortiisa ah. Waxaana markasta dhacda in dad badan ay laaluush ku bixiyaan sidii ay u heli lahayeen wax aaney xaq u lahayd. Maxkamadaha dalka ayaa waxaa ka jira musuqmaasuq xidideeystay, kaasoo qofna aan kalsooni ku qabin in cadaalad uu helaayo haddii aanu bixin laalush ama aanu helin hiil iyo iyo garab. Cadaalad darada ka jirta ha’addaha dowladda gaar ahaan laanta garsoor ayaa waxay keentay in dad badani ay dowladda ka niyad jabaan oo ay taageeraan kooxaha seef la boodka ee dagaalka kula jira dowlad. Waxaa hubenti ah haddii aan la helin cadaalad bulsho, inaan la helayn dowlad tayo iyo karti leh oo si siman ugu adeegta shacabka soomaaliyeed.
2. Qabyaalad iyo Qaraabo kiil: musuqmaasuq wuxuu cayiliyaa qabyaaladda, eexda iyo qaraabo kiilka. Qofka tuugaa wuxuu markasta jecel yahay in aan la qaban oo ku badbaado dhibaatada uu geysanaayo, qabiilkuna wuxuu riyaaqa ruuxa xoolo badan mudo yar gudaheed ku sameysta, qaraanka bixiyo, tolka qofkii u taga lacag badan siiya, dadka tolkaa shaqo siiyo, waxayna lahayn u soo dhaca. Beelaha soomaalidu haddii qofka dhaqankaas leh la damac in lagu ciqaabo dambiga uu galay, waxaa inta badan ka dhashay falcelin ka timaado qabiilka oo lagu doonaayo in ruuxa ama qofka musuqmaasuq-laha ah la badbaadiyo laguna sii dalacsiiyo. Musuqmaasuqu maaha keliya lacag la qaato ama laaluush la bixiyo, ee waa hab dhaqan uu qof ama koox ay ku fagrifalaan awooddii xaafiiska si ay u fushadaan dano gaara. U hiilinta qof loogu hiiliyo wax aanu xaq u lahayn, aqoon u lahayn ama karti lahayn ayaa dhaqan ka noqotay xaafiisyada dowladda, hay’addaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Waxaa xusid mudan in nidaam awood qeybsiga ee 4.5 uu sii xoojiyey qabyaaladda iyo eexda, maadama qofkii mas’uulka ahaa qabiil soo doortay, waxaa laga filayaa inuu u adeego danaha iyo rabitaanka tolkii soo doortay. Tani waa falaar wadnaha ugu taagan dowladnimada iyo maamul wanaagga cidkasta ay u habuun qabto.
3. Maamul Xumo: Maamulxumada iyo wax is dabamarintu waxay curyaamisay hanaankii dowliga ahaa, kan hay’addaha iyo shirkadaha. Waxaana xaafiisyadii dowladda loo isticmaalay in lagu gaaro dano gaar ah. Hay’addaha samofalka ayaa noqday meel laga sameeyo dhaqaale xad-dhaaf ah taasoo curyaamisya hufnaanta iyo daahfurnaanta shaqooyinka ay bulshada u hayeen. In badan oo ka mid ah hay’addaha NGOs loo yiqaan ee maxaliga iyo shirkadaha ayaa u burburtay musuqmaasuq iyo daldalasho lagu sameeyo dhaqaalihii yaraa ee loogu talo galay dadka baahan ama hantidii shirkadaha lagu aaminey. Sidaas darteed musuqmaasuqu wuxuu keenaa maamul xumo, isqab-qabsi iyo burbur soo gaara hay’adda dowliga ahaa, kuwa aan dowliga ahayn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Maamul xumadu waxay curyaamisa shaqadii loo baahnaa in la qabto waxayna dhaawac weyn u geystay anshaxa iyo sharafta hay’addaha iyo shirkadaha kala duwan.
4. Amni Darro: musuqmaasuqu wuxuu qeyb u weyn ka yahay dhibaatooyin amni iyo dilalka dalka halakeeyey. Cid kasta oo dooneysa inay geysato falal amniga iyo kala dembeynt lagu khalkhaliyaano, waxay laaluushtaa kuwii shaqadaas lagu aaminay. Haddii ciidanka amniga ilaalinaayo ama shaqaalaha aan la siin ama la musuqmaasuqo mushaarkoodii ama xuquudii asaasiga ahayd ee ay lahaayeen, marna la filan karo in dowladdu amnigii iyo nabaddii soo celiso. 
5. Sumcad Xumo: Hoos u dhaca kuyimid hanaankii shaqada ee hay’adahaas wuxuu sharafta ka qaaday dadka madaxda ee lagu sheego iney iibsadaan awooda xaafiiska ama hay’adda ay u shaqeeyaan. Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa in badan oo ka mid xildhibaanadda ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay keenaan Moshino/soo jeedin ku saabsan in la rido xukuumadda. Arrintaan waxay dhibaato weyn u geysatay sumcadda iyo sharafka golaha baarlamaanka iyadoo dadku aaminsan yihiin in qofkasta oo baarlamaanka ka mid noqday uu yahay musuqmaasuq. Hay’addaha gaar ahaan kuwa maxaligaa ayaa sidoo kale ayaa waxaa lagu sheegaa inay aad wax isu dabamariyaan, taasoo keenta in aaney qaban shaqadii laga rabay ama loo soo idmaday.
6. Tayo Xumo waxbarasho: musuqmaasuq baahan ayaa aafeeyey xarumaha biyo waxbarashada heerarkeeda kala duwan ee ka jira dalka gudihiisa. Maadaama ay burbureen nidaamyadii ilaalinta iyo hubinta tayada waxbarashada waxaa caadi iska noqotay qishka iyo musuqmaasuqa lagu sameeyo imtaxaanadka dugsiyada dhexe, sare iyo jaamacadaha. Inkastoo ay dad badani furteen xarumo wax lagu baro dhalinyarada iyo dadka raba inay aqoontooda kororsadaan, haddana ilaa waqtigaan dowladdu ma aaney sameyn hay’adda si gaar ah ugu xilsaaran hubinta iyo xaqiijinta tayada heerarka kala duwan ee waxbarashada. Sidaas darteed, waxaa aad u badatay dugsiyada iyo jaamacadaha aan wax xil ha iska saareyn tayada aqoonta ay bixiyeen. Arrintaa waxay dhibaato weyn ku tahay dalka iyo dadkaba maadaama dhaliyarada/dadka ka soo baxa dugsiyada iyo jaamacadaha bixiya waxbarashada tayo la’aanta ah aaney la tartami Karin kuwa tayadooda laga taxadaro ama dhowro. Dadka wata shahaadooyin waaweyn laakiin aan lahayn aqoonta u lahayn waxa ay sheeganayaan iney soo barteen, waxay keeni karaan halis weyn bulsho. Waxaa jirta oraah tiraahda haddii aad rabti inaad dal burburisid waxaa la baabi’iyaa ama la wiiqaa tayada waxbarashadiisa, maxaa yeelay waxaa u soo baxa dhakhaatiir aan wax daaweeyn Karin, injineero aan wax dhisi Karin IWM, taasina waxa keeneysaa in dalkaasi uu kala socon waayey, ugu damebyna uu burburo. 
7. Khilaaf iyo Dagaal: musuqmuusuqu wuxuu sababaa khilaaf iyo dagaalo ka dhex dilaaca dadka wax ka dhaxeeyaan. Musuqmaasuq wuxuu keenaa in dadka loogu eexdo qabiilkooda,/koox, gobol ama deegaan gaar ay ka soo jeeda, isla markaana loo sameeyo sadbursi taasna ay ka careysiiso kuwii laga eexday ama lagacan-bidixeeyey, kadibna halkaas uu ka bilowda kala aamin bax iyo khilaaf. Musuqmaasuqu wuxuu ka mid yahay caqabadaha ugu waa weyn ee hortaagan dowladnimada iyo nabadda soomaaliya, maadaama qabiilku aanu ka dhexbixi Karin musuqmaasuq, eex iyo qaraabo-kiil, siyaasaddii iyo dowladnimadii laga dhigay qabiil, qofkastaa wuxuu shaki ka qabaa in la musuqmaasuqi doona oo aanu cadaalad heleyn.
8. Faqri iyo gaajo: Musuqmaasuqu wuxuu keenaa in dad yar hantidii iyo dhaqalihii gacanta ku dhigaan taasoo keenta intabadan bulshadu ay wajahdo fakhri iyo dar-xumo. Musuqmaasuqu wuxuu abuuraa in dadka ay ka dhexsameysanto dabaqado kala sareeya ee xagga nolosha , iyadoo dabaqadu ugu dhaqaalaha badan uguna tirada yar bulshada ay gacanta ku dhigaan awoodihii dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka. Sida la wada og yahay bani-aadamku kama daalo xoolo tabac iyo wax hanti aruursi xitaa haddii la siiyo malaayiin hanti oo koonka taala. , sidaas awgreed dadka dhaqaalaha musuqmaasuqa ku hela marna kama daffaan kama caajisaan, kamana xishoodaan iney dheeraad iyo kororsi sii doonaan. Mudadii dalku ku jiray dagaalada, ayaa waxaa jira dad tira oo hodmay halka inta badan ay ku nool yihiin nolol aad dhaqaale ahaan aad u hooseeysa. Inta badan dadka dhaqaalaha ku helay musuqmaasuqa ayaan ka daali doonin inay raadiyaan wixii ay barteen, taasi waxay caqabad ku tahay dowladnimada iyo in la helo cadaalad bulsho.
9. Burburinta Anshaxa iyo Qiyamka bulshada: musuqmaasuq wuxuu wiiqaa ugu dambeyna burburiyaa anshaxa iyo qiyamka bulshada, maadaama uu abuuro dhaqan xun oo xatooyo iyo qaataye-qaado ku saleysan. Dhaca iyo wax isdabamarintu waxay gaartay inaan lays kula yaabin oo loo qaado arrinta caadi. In la caadeysto xatooyo iyo khiyaano oo ah wax dhaqan suuban iyo diinteena islaamka ku xun, ayaa waxay muujineysaa heerka aan ka gaarnay musuqmaasuq iyo sida aan laysula yaabeen. Inta bulshada u dulqaadaneyso musuqmaasuq oo ay qabiil ku difaacayso shaqsi dhacay xoolihii dadka masaakiinta ah, in la helo nidaam cadaalad iyo horumar noo keenaa waa aan dhici Karin. Sidaas darteed, musuqmaasuqu maaha caqabad keli ku ah dowlad laakiin wuxuu dhibaatada ugu weyn ku hayaa bulshada. 
10. Adeeg bulsho iyo horumar la’aan: dhibaatooyinka musuqmaasuqu keeno waxaa ka mid ah in dhaqaalihii loogu talo galay adeegyada bulshada ee asaasiga ah sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, wadooyinka iyo korontada ay ku dhacdaan jeeb iyo akoon qof ama koox gaar ah ay leedahay. Marka dhaqaalihii lagu fulin lahaa adeegyada asaasiga ee bulshada waxaa dadku soo wajahda dhibaatooyinka keena dhimasho, aqoon daro iyo horumar la’aan. Musuqmaasuqa iyo daciifnimo hay’addaha dowladda ayaa waxay keentaa in bulshadu aaney wax adeeg bulsho la taaban karo.

VIII. Arrimaha Diinta
Dadka soomaaliyeed waa dad isku diin, af iyo dhaqan ah, laakiin sodonkii sano ee ugu dambeysay waxaa hareeray khilaaf diineed oo inta badan ku salay siyaasad iyo kala aragti duwanaan dhinaca fasiraada iyo fahamka la xiriirta. Khilaaf diineedka soomaaliya ayaa wuxuu burburiyey mad-habkii shaafiga ahaa ee ay dadka soomaaliyeed wada haysteen, waxaan markaa dib bilowday ururo iyo kooxo diineedyo dadkii ka dhex abuuray tafaraaruq iyo kala fogaansho gaaray ilaa heer gaalnimo laysku xukumo. Mowduucaan oo ay soomaalida ka wada dheregsan tahay dhibaaatooyin uu noo horseeday, waxaan maqaalkaan ku soo koobayaa dhowr waxyaalood oo aan is leeyahay waxay muujineysaa qaarka mid ah dhibaatooyin uu khilaaf diineedku na dhaxalsiiyey:
1. Xurmo la’aan: khilaafka diinta ku saleysan ee dalka jira wuxuu abuuray ururo iyo kooxaysi taasoo horseeday in la kala xishoon waayey oo kooxba ay kooxda kale ku talaxtagto. Waxaan meesha ka baxday xurmadii iyo sharaftii loo hayn jiray culimada diinta, iyadoo laysku tiimbareeyo magacyo xun-xun sida quraafi, khawaariij, bidco IWM.
2. Jaahilnimo iyo Gaaleysiin: Maadaama culimadii siyaasaddii dalka iyo maamulkii faraha kula jiraan isla markaana ay jiraan kooxo iyo firqooyin, waxay qaarkood aaminsan yihiin in qofkasta oo dowlad u shaqeeya uu ku dhacay dambi iyo jariimo weyn oo ay kamid tahay gaalnimo ama diin ka bax. Jiritaanka qaddiyadaani maahan mid la dafiri karo, waxaana jira dhacdooyinka markhaati ma doonto ah si joogta ah dalkeena uga dhaca had iyo gooraale. Waxaa iila mudan inaan tusaale idiinkugu soo qaato; Aniga qormaadan idinla wadaagaya ayaa waxaa u soo joogay in nin qaraabo nahay ayaa intuu gurigeyga iigu yimid wuxuu i weydiiyey inaan ilaahay u toobad keenay iyo in kale. Aniga oo aad ula yaabanaa hadalka ninku iila bareeray ayaan missana weydiiyey “MAXAA JIRA”? wuxuuna iigu jawaabay hadda ka hor waxaad ka mid noqotay baarlamaanka dowladda federaalka, in baarlamaanka lagu biirana waa gaalnimo, waayo ilaahay sharcigiisii sharci aan hayn ayaa lagu dhaarta laguna dejiyaa meesha. Inkastoo aan kala dooday, misana taasi waxay halbeeg rasmi ah u noqonkartaa heerka ay gaarsiisan tahay afkaarta xagjirnima iyo Isgaaleysiinta. Waxa ka maqan muwaadinkaas aniguna aan tusaalaha u siiyey waxay aheyd oo kaliya sidaan soo socota. waxaan ku idhi, “bal ka soo qaad inaan aniga iyo adigu shirkad wada sameysanay, kadibna aan u dejinay sharci muujineynaya sida aan faa’iidada u wadaageyno, shuruudaha aan shirkada looga mid noqon karo, nidaamka xaafiisyadeeda loo maamuli karo; wadada loo maraayo marka shaqaale shirkadu qaadanayso ama marka qof shaqada laga ruqsanaayo iwm, haddii aan kitaab Qu’aan ah kuu keeno oo ku dhaho walaalow anigu waxaan kugu aamini karaa inaad kitaabkaan ilaahay iigu dhaarato inaad ilaalineysid heshiiskeenii aan ku aasaasnay shirkada ma diintaad ka baxday”?, wuxuna ku jawaabay MAYA!. Sida xaqiiqada ahna dowladnimadu waxay la midtahay shirkad leh sharci qofkasta oo mas’uuliyad shirkada ka qabanaayana waa in kitaabka ilaahay lagu dhaariyo si uu ilaali heshiiskii iyo wixii kale oo heshiisyo cusub ah, taasna laguma macneeysan karo in uu diinta ka baxay.

3. Jihaad Ku sheeg: soomaalida waxaa caado u ah marka ay khilaaf ama dagaal uu kala dhexeeyo qolo ama koox kale inay sheegato in laga gardaran yahay sidaas awgeedna ay ku jirto jihaad. Waxaa intaas dheer iyadoo cid walba cidda ka soo horjeedo ay ku eedeyso wax kasta oo xun, sababtaas awgeedna ay tahay in lala jihaado. Arrintaan ayaa urur diineedyada u sameeyeen waji cusub, maadaama ay soo saaraan fatwooyin fasiraad diineed wata oo lagu xalaaleysto nafta, xoolaha iyo sharafka cid kasta oo aan taageersaneyn fekerkooda xadidan ee gaaban. Inkasta oo kooxaha dagaalka feker diineed wada ay mar-marka qaar isticmaalaan, sababo iyo dhibaatooyin dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed oo ka jira wadanka ama dunida muslimka, hab ay rabaan in dhibaatada looga baxo ayaa keentay mushkilado aad ugu baaxad weyn tii ay ku doodaayeen in ay xalinayaan. Arrintaan ayaa noqotay darbi ku gudban soo celinta dowladnimadii, nabadgelyadii iyo horumarkii dalka.
4. Hogaan la’aan: Khilaafka iyo tafaraaruqa ku dhacay culimadii diinta waxay horseeday in lays dardaro lagana dhigo aqoontii iyo xurmadii diinta inay noqoto mid jaantaarogan ah. Khilaafku wuxuu keenay in la waayo hay’ad laysla lawada ogolyahay oo si gooni ugu xilsaaran ilaalinta iyo hogaaminta diinta. Maadaama aanu jiri gole ama shaqsi la wada aqoonsan yahay oo qaabilsan dhowris dhaqan shareecada islaamka, waxaa soo batay hardanka iyo dacaayadda ka dhex jirta wadaadadii laga rabay inay dadka ku baraajujinayaan isxaq dhowrka iyo istixgelinta. Dhibaatadaan ayaa waxay halis ku tahay bad-qabka bulshada aduun iyo aakhiroba, waxayna kala dhantaaleysa geedi-socodka nabadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.
5. Xagjirnimo iyo Dulqaad la’aan: khilaaf ku salaysan aragti diineed siyaasadda iyo danaha kale huwan, wuxuu keenay in waxyaalaha yar-yar ee lagu kala aragti duwan yahay ay xoog bataan wixii badnaa ee lays la ogolaa. Dadka soomaaliyeed kooxaha kula jira dhamaantood waa muslim sunni oo ku abtirsaday ahlul-sunnah waljameeca. Waxaa nasiib daro noqotay in qolo kasta ay ku fogaatay aragti diineedkeedii, taasoo keentay in dadkii caamada ahaa la kala qoqobo haddana layska horkeeno. Waxaa koox kasta ka soo dhex baxday kuwo xagjir oo aan lahayd wax dulqaada, islama marka ay afka baarkiisa u saaran tahay gaalnimo ku xukunka dadka aan kooxdooda ka midka ahayn. Xagjirnimada koox kasta waxay keentay inay aaminaan in xoog ku socodsiiyaan karaan aragtidooda gaaban ee laga yaabo inta badan inay qaldan tahay. Kooxo diineedyadu waxay fahmi la’yihiin in dalka la wada leeyahay qof kastana ay sugeyso aakhiro iyo xisaab. Inta kooxo diineedyada aaminsan yihiin inay xoog ku maquuniyaan cidkasta oo iyaga ka soo horjeeda, dalku wuxuu ku jirayaa fowdo iyo kala qeybsanaan. 

Talo-bixin iyo gunaanad

Dalkasta oo burburay ama soo mara qalalaase bulsho iyo siyaasadeed wuxuu xasaradahaas ka dhaxlaa dhibaato dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo amni kuwaasoo caqabad ku noqda xal u helidda dhibaatooyinkii daashaday dalka iyo dadka. Soomaaliya oo in ka badan nus qarni ku jiray degenaasho la’aan, sharci daro iyo fowdo, soo celinta dowladnimadeedu waxay u baahan tahay hogaamin daacad ah oo diyaar u ah iney qaadato go’aano waa weyn oo wata halis iyo khataro aan la khiyaasi karin. Haddaba, iyadoo caqabadaha dowladdu wajahayso ee aan qaarkood maqaalkaan ku xusay ay badan yihiin, waxaan halkaan ku soo gudbinayaa dhowr arrimood oo aan aaminsahay inay tiir-dhexaad u tahay dhibaatooyinka oo haddii waxa laga qabto aan filaayo in wax badan xalkoodu uu soo dhawaanayo.
1. Nooca nidaamka dowligaa: Soomaaliyada xiligaan nidaamka baarlamaaniga iyo federaalku waxay wiiqeen awoodda dowladnimada, sidaas darteed waxaa wanaagsan in nidaamkaankan laga guuro, iyadoo dastuurka cusub ee dalku yeelan doono ee ay dib eegistiisu hadda socotana si fiican loogu qeexayo waxyaabaha ay kamidka yihiin:
a) Hanaanka ugu wangaasan ee aan ku bedelan karno kan federaalka ee jaahwareerka keenay, iyadoo la eegaayo dhibaatooyinka na haysta iyo wax -xal waara noqon kara.
b) Sida iyo inta ay le-egtahay awoodda dowladda dhexe ee dalka iyo nooca dowladdu noqon doonto.
c) Awoodda dowlad goboleedyada iyo sida awoodaha loo baahinaayo ama loo xoojinaayo awooda iyo saameynta shacabka 
d) Sida loo dooranayo hogaamiyeyaalka heer, qaran, dowlad goboleed, Gobol, degmo iyo tuulo.
e) Sida nidaamu ilaalinaayo danaha shacabka, madaxbanaanida iyo xoriyadda dalka.
f) Habka isku dheeli-tirka iyo iskaabidda laamaha xeerdejinta, fulinta iyo garsoorka,
g) Hanaanka xisbiyada badan si wacanna loogu qeexo dastuurka isla markaaa loo dejiyo sharciyo/xeerar nidaaminaya nooca xisbi ee ka hufan qabiil, deegaan gaara iyo feker qoqobnaan ama kooxaysi ku dhisan.
h) Doorashada madaxweynaha qaranka iyo Barasaabyada dowlad deeganada ay toos u doortaan shacbigu ayaa waxay yareeyneysaa saameeynta baarlamaanka iyadoo abuureysa mitalaad wanagsan iyo xasillooni siyaasadeed.
2. Alshabab: kooxdaani waxay dagaalka ay wado u daliilsataa diin wadaniyad huwan oo si aftahanimo loo soo bandhigo iyadoo laga duulaayo dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka hareeyey. Maadaama kooxdaani ay inta badan tahay soomaali, waxaa muuqata in aan dagaal keliya loo adkaan Karin. Dagaalkooda fekeriga ah (ideology war) ayaa arrinta ka sii dhigaayo mid aan la dhayalsan karin, waayo aragti/feker waxaa keliya lagu bedeli karaa aragti/feker . Sidaas darteed waxaan ku talinayaa in la helo istaraatejiyad/siyaasad afar dhinacle ah:
a) Diin iyo wadaniyad si wanaagsan loo agaasimay taasoo xooga saareysa in dhalinyarada kooxda u dagaalanta ay ka haraan dhibaatada ay wadaan iyadoo la tusaayo dhibka ay keeneen inta uu le-eg yahay. Arrintaani waxay sidoo kale xoogga saareysaa sidii shacabka iyo kooxda loo kala goyn lahaa. Waxaa muhiim ah in la bedelo ereyga dhaqan-celin, maadaama uu muujinaayo in qofka dhaqankii ka xumaaday. Waxaan ku talinayaa in lagu bedelo ereyga dib-u walaaleyn ama digarogasho (u soo digarogo dib walaaleynta) 
b) Waa in la helo dhaqaale loogu abuuro nolol wanaagsan iyo xirfado dhalinyarada kooxdan ka mid ah iyo kuwa kale ee la daalaa dhacaayo nolol-xumada iyo shaqo la’aanta. Waa in la dhiso xarumo lagu xanaaneeyo laguna horumariyo tayada adeegyadooduna ay aad u sareyaan.
c) Waa in la helo awood ciidan tayo iyo tiro ahaanba aad ugu sareysa tan kooxda isla markaana loo qaabeeyo adeegsiga tabta daanyeeraynta (Gorrilla tactics). Xeeladaan ayaa kooxda ku khasbi karta inay ka haraan awood sheegashada iyo qarka tuurnimada ay ku caan baxeen.
d) Waa in la adeegsado xeelad siyaasadeed islama markaana kooxda lagu qanciyo ay miiska wada xaajoodka soo fariisato lana timaado gorgortan la aqbali karo. Khidadaan ayaa waxay keeni karta in ugu yaraan kooxdo ay u kala jabto labo kooxood mid wada hadal ogol iyo mid diidan. Kala jabkaani wuxuu wiiqayaa awooda kooxdu ku sii wadi karto dagaalka ay ku jirto.
3. Qaswadeyaal iyo Danleey: iyadoo la tixgelinaayo dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaaladii iyo dowlad burburkii waxaa haboon in laysku dayo sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ay abuuraan dadka nidaam diidka ah ee ku caan baxay dhiigmiiradnimada, iska horkeenka iyo qabyaaladda. Si arrintaan wax looga qabto waxaan ku talinayaa:
a) In dib u eegis lagu sameeyo shuruucdii horay u jiray ee ku saabsanaa qaran-dumisnimada
b) In si wanaagsan loo qeexo, cidda iyo falka loo aqoonsan karo qaswadid/qaswade iyo nooca ciqaabta ay muteysanayaan. 
c) In cidkasta oo ay maxkamadi ku cadeysto iney gashay fal dambiyeed loo aqoonsan karo qaswadenimo ay wajahdo ciqaabteeda
d) In la xooji ama abuuro hay’addaha lagama maarmaanku u ah ilaalinta tayada iyo bad-qab raashinka, daawooyinka iyo badeecooyinka kale sida tayo-dhowka, Booliis gaar u ah la socodka iyo dabagal tayada badeecadaha, hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa iyo anshax dhowrista IWM
4. Fagarelinta shisheeyaha: faragelintu waa dhibaato weyn oo u baahan in gol-duleelo badan la xiro, loona tafaxayto sidii loo ilaalin lahaa, madaxbanaanida, xoriyadda iyo gobanimada dalka. Si taas loo helo waxaan ku talinayaa:
a) In xoogga la saaro sidii loo heli lahaa dib-u heshiisiin bulsho (social reconciliation) dhab ah oo laga dhex abuuro dadka soomaaliyeed, si meesha ay uga baxdo sababaha keenya in dal shisheeye la hoos galo.
b) In la dhiso ciidan tayo, tiro iyo qalab ahaanba ku filan ilaalinta amniga xuduudaha dhulka, badda iyo cirka. Waxaa xusid mudan in dhismaha ciidan leh awood iyo qalab uu ku ilaaliyo xuduudaha aaney ahan wax fudud oo dhaqso looga gun gaari karo, laakiin u baahan in loo gundatado sidii lagu heli lahaa.
c) In la xoojiyo hay’addaha u xilsaaran shaqooyinka arrimaha dibadda, amniga gudaha iyo sirdoonka qaranka. 
d) In bulshada laga wacyi geliyo dhibaatooyinka faragelinta shisheeye iyo waajibaadka muwaadiniinta ka saaran ilaalinta dalkooda iyo madaxbanaanidiisa.
e) In la xoojiyo cadaaladda iyo adeegyada bulshada si dowladdu u abuurto jawi dhiirigelinaayo kalsoonida shacabku qabo dowladda.
5. Ciidan beeleed: dhibaatadaan waxay luguha qabatay dadaaladii lagu doonaayey in la helo ciidan qaran oo leh akhlaaq, tababar wanaagsan, tayo iyo qalab ku filan. Waxaan iila muuqataa in sida ugu haboon ee looga bixi karo caqabadaan inay tahay:
a) In dugsiyo dhiboow/tababar laga furo meelo gaar ah oo lagu tababaro dhamaan ciidanka laga soo qoray ama keenay deegaanada kala duwan. Waa inay tababarka isla qaataan iyadoo midba meel laga keenay, si ay u fududaado is aaminaadooda iyo wada shaqeyntooda, meesha looga saaro qabyaalad iyo kala qoqobnaanta
b) in ciidanka tababarkiisa aanu keliya xoogga saarin tabta iyo xeeladaha dagaal laakiin sidoo kale uu muhiimadda weyn siiyo dhinacyada wadaniyada, sharuucda amniga dalka iyo xeerarka xuquuqul insaan IWM. Sidoo kale ciidanka lagu soo tababaray dalka dibadiisa waa in marka uu dalka ku soo laabto la geliyo tababar ku saabsan wadaniyada iyo waajibaadka askariga ka saaran ilaalinta xuquuqda, hantida iyo sharafka muwaadiniinta.
c) In ciidanka si joogta loo siiyo xuquudiisa (Mushaar iyo Gunno) oo dhameystiran oo filnaan karta nolosha askiga iyo xaaskiisa. Waxaa laga maarmaan ah in ciidanku uu helo qalab ka sareeya kan jabhadaha ama qabiilka. 
6. Dhalinyarada: Maadaama qiyaastii 80% dadka soomaaliyeed ay yihiin dhalinyaro isla markaana ay yihiin xoogga ugu badan ee loo adeegsado burburinta dalka iyo dowladnimada, waxaa lagama maarmaan ah in dhalinyarada la siiyo fursado ay ku aamini karaan dalkooda iyo dowladdooda. Talaabooyinka khaaska ee loo baahan in la qabto waxaa ka mid ah:
a) In la dejiyo siyaasadda qaran ee horumarinta dhalinyarada (National Youth Development Policy) taas oo xoogga saareysa sidii dhalinyarada soomaaliyeed door hormuud loo siin lahaa, looga faa’ideysanaa xoogooda, maskaxdooda iyo waqtigooda cusub. Siyaasadda qaran waxay qeexaysa sida iyo barnaamijyada lagu jihaynaayo dhalinyarada.
b) Si loo xooji doorka iyo waxqabadka dhalinyarada waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso/la tayeeyo xarumo waxbarasho oo ay dhalinyaradu ka heli karaan xirfaddo tayadoodu aad u sareyso, isla markaana aqoonta laga barto lagu heli karo shaqo wanaagsan iyo mushaar ku filan xirfadlaha.
c) In manahijta ay dugsiyada waxbarashada dhexe iyo sare lagu daro maadaayinka xoogga saaraya wadaniyadda iyo xalinta nabdoon ee khilaafyada iyo is-maandhaafka. Waxaa lama huraan ah in dhalinteena aan barno muhiimada ay kala aragti-duwaanshuhu u leeyahay horumarka bulsho kasta. 


7. Arrimaha Diinta: arrimaha diintu waa xasaasi waxayna u baahan yihiin aqoon iyo cilmi baaris diini ah oo tusmeyn karta baahida loo qabo in la xakameeyo lagana hortago u adeegsiga diinta dano ama aragti yar oo halis gelin karto nafta iyo sharafka dad badan oo muslim ah. In kastoo qodobka labaaad ee dastuurka ku meel gaarka ahaa uu sheegayo in diinta islaamku tahay diinta dalka, diin kale aan dalka lagu fidin Karin, islama markaana sharci kasta oo diinta ka horimaanaya uu yahay waxba kama jiraan, hadana aragtideyda waxaan qabaan in loo baahan faahfaahin intaa ka qotodheer. Sidaas daraadeed waxaan ku talinayaa in: 
a) la dejiyo sharci gaar ah oo si cad oo xeeldheer u faahfaahinaayo qodobka labaad ee dastuur ku meel gaarka ah. Sharcigaani wuxuu lama huraan u noqonayaa sida loo ilaalinaayo in dalka aan diin kale lagu faafin Karin, sida sharciyada dalka loo hubinaayo inaaney diinta khilaafsaneyn iyo cidda shaqadaas laga rabo iyo arrimo kale oo badan.
b) La asaaso golaha culimaa-u-diinka soomaaliyeed oo ka kooban xubo lagu soo xulay xeeldheerida aqoontooda, xigmadooda iyo dadnimadooda ay ku hogaamin karaan kooxaha haysta aragti ama fasiraad diineed kala gedisan. Wuxuu golahaani xal u noqon karaa is barbar yaaca iyo isburinta kooxo diineedyada dalka ka jira.
c) La abuuro kaalinta muftiga qaranka loo doorto shaqsi caan ku ah aqoonta iyo cilmi barista diinta islaamka, isla markaana karti, akhli iyo xigmad rabaani ah. Muftigu wuxuu wax weyn ku soo kordhin karaa xalinta khilaaf diineedyada, aqlaada iyo tixgelinta aragtida iyo safiraadaha lagu kala duwan yahay.
d) Laga doodu lana go’aansado mad-habka qaran ee rasmigaa. Dadka soomaaliyeed waxay inta badan haystaan mad-habta Shaafiyada, laakiin waxaa waayadan dambe oo batay urur diineedyo isticmaalaya hadba mad-habkii ay doonaan. Waxaa lagama maarmaan ah in la helo dadka ka shaqeeya arrimaha faafinta diinta iyo fulinta shareecada islaamka, lagu tababaro man-habka lays la qaatay ee qaran. Arrintaani waxay qeyb weyn qaadan kartaa sidii lagu yareyn lahaa khilaaf diineedka iyo kooxaysiga, waxayna soo celin kartaa xurmadii culimada iyo aqoonyahanka diinta.


Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax) waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka Kenya 
Email: abdullahi.qorah@gmail.com

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :