asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

cumar carte ciidamadu ha isu dhiibaan jabhada miyuu ku saxnaa ?

cumar carteWaxaa magaalada hargaysa ee gobolka woqooyi galbeed gaaray  cumar cartan qaalib oo ka mid ahaa madaxdii sare ee dawladii kacaanka, xilal waawayna ka soo qabtay dawladii kacaanka, tan iyo intii ay dhacday dawladii dhexe cumar carte waa ka maqnaa siyaasada soomaaliya, waana lawaayey meel uu cumar dunda uga noolaa, cumar cartan qaalib ayaa hadalkii u danbeeyey ee uu radio muqdisho ka sii daayey ayaa ahaa hadal ay umada soomaaliyeed waligood iloobi karin, 1991dii xiligii ay jabhadu la dagaalamayeen  dawlada ayuu cumar qaalib oo ka mid ahaa dawlada ku dhawaaqay in ciimada dawladu isu dhiibaan jabhadaha, hadalkaasu waxaa uu ahaa mid argagax badan ku abuuray umada soomaaliyeed, amarkii cumar cartan waxaa uu keenay in ciidamadii dawladu ay kal tagaan kuna kala biiraan jabhadaha, ka dibna waxaa dhacay in jabhadihii ay dib isu laayaan, qasaarihii ka dhashay hadalkii cumar cartan qaalib waxaa uu gaaray in 28sano ay soomaaliya dawlad la,aan ahaato, hadaba cumar carte qalib waxaa magaalda hargaysa ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah maamulka soomaalidiidka ah, waxaana ay cumar carte ku amaaneen hadalkii ahaa ciidmada dawladu jabhadaha ha isu dhiibaan, si kastaba ha ahaatee cumar cate qaalib oo ah siyaasi wayn oo mudo fara badan ku soo dhexjiray arimaha dawladnimada ayaan soomaalidu  aad u jeclayn, waxaana  ay cumar ka tabanayaan amarkii uu ciidamadii dawlada iyo hubkoodii ugu wareejiyey jabhado dad cun ahaa, ugu danbayn umada soomaaliyeed ma aysan tabin cumar carte intii uu dalka soomaaliya dibada ugu maqnaa markii uu soomaliya ku soo noqdayna ma soo dhawayn ,wax colaad ahna uma qabaan, balse wixii ay soomaali ka tabanaysay cumar carte waxaa ka mayray maxamad cumar carte oo ah nin hawl kar ah shaqo wanaagsana  ka haya dawlada soomaaliya. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :