asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

doqomadii soomaaliyeed madiyaha ayaa nagu fasa xay

doqomoWaa maxay doqon? doqon waa qof aan waalnayn oo hadana aan lahayn caqli ku filan,umad kasta oo dunida ku nool waxaa ay lee yihiin kuwo doqomo ah oo caqliga naafo ka ah,umada soomaali waligeed waxaa oo ay lahaan jireen dad doqomo ah oo aan waxba loo dirsan jirin, dadkaas doqomada ah waxaa laga ilaalin jiray inay bulshada horteeda la yimaadaan wax aan wanaagsanayn, doqomada soomaaliyeed cidina waxba ma waydiin jirin, doqon walbana waxaa xakamayn jiray qofka ehelka ugu dhow, hadaba dunida waxaa ka dhacay isbadal balaaran, doqomadii soomaaliyeed waxaa ay noqdeen kuwo la dhagaysto oo dadka wax u sheega, social media ayaa xariga ka jaray doqomadii soomaaliyeed, doqon walba waxaa waxaa uu acoun ka furtay social mediyaha, waxaana uu ku soo bandhigaa wixii uu doono, doqomada soomaaliyeed waxaa ay social mediyaha ku soo bandhigeen waxyaabo badan oo argagax badan ku abuuray bulshada soomaaliyeed, doqomada soomaaliyeed waxaa ay caado ka dhigteen inay social mediyaha soo galiyaan wixii ay maskaxdooda ka doonaan, doqomada waxaa garab u noqday oo ku biiray soomaali badan oo xaga dhimirka ka xanuunsan iyo dad aan soomaali ahayn oo afka soomaaliga bartay, waxyaabaha u badan ee ceebaha ah ee ay doqomadu soo galiyaan  social mediyaha waxaa ka mid ah =inay cawradooda qaawiyaan , inay dadka caayaan, inay dadka isku diraan, inay ka sheekeeyaan faaxisho, waliba waxaa taas dheer in ceebaha ay faafinayaan doqomadu lagu soo bandhigo guryo ay ku nool yihiin caruur, doqomada lagu fasaxay bulshada waxaa ay gaareen in  ceebaha ay faafinayaan ay ku helaan lacag  , mararka qaarkood waxaad social mediyaha ku arkaysaa qof aad u buuqaya oo hadana caytamaya oo hadana waxa uu sheegayo ay la toosan yihiin, si kastaba ha naoqotee waxaa nasiib daro ah doqomadii la qarin jiray inay bulshada soomaaliyeed lagu fasaxay, oo waliba doqomada qaarkood ay websideyo lee yihiin, umadaha kale ee aan soomaali ahayn doqomadooda calaamad ayey u lee yihiin waxna kama dhagaystaan laakiin soomalida waxaad mooda inay doqomadooda aad ula dhacsan yihiin, ugu danbayn umada soomaaliyeed waxaan uga digayaa inay ka fogaadaan foolxumada ay  doqomadu social mediyaha ka wadaan, qofkii dhagaysta ama shere gareeya waxaa uu la mid yahay doqonka, dhanka kale waa inaan guryaha ay caruur joogaan laga daarin ceebaha ay faafinayaan doqomada soomaliyeed. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :