asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

ganacsatadu maxay ku diidan yihiin dawladnimada

ganacsatoDawlada soomaaliya mucaradka u wayn ee gudaha soomaaliya kala dagaalamaya ayaa ah ganacsatada soomaliyeed, ganacsatadu waxaa ay dagaal aan gabasho lahayn kula jiraan dawlada soomaliya iyo shacabka soomaaliyeed, ganacsatada waxaa gacanta u galay oo sidii ay doonaan u maamuulaan dhaqaalihii soomaaliya, ganacsatadu waxaa ay ka ciidan dhaqaalo badan yihiin dawlada  soomaaliya, ganacsatadu ma doonayso cid kula lawlanta awooda soomaaliya, ganacsatadu waxaa ay ka shaqaynayaan waxkas oo meesha ka saari kara dawlad ay soomaaliya yeelato, ganacsatadu dhaqaalaha ay gacanta ku hayaan ma ahan mid ku soo galay si xalaal ah, ganacsatada soomaaliyeed waxaa dhaqaalaha ka heleen dhiiga shacabka,ganacsatadu waxaa ay ka baayac mushataraan dhuuxa shacabka soomaaliyeed, ganacsatadu waxaa ay si joogto ah dalka soomaaliya u soo galiyaan raashin dhacay iyo daawo dhacday  iyo shamiito iyo oagab badan  oo dhacay, waxaana ay ku badashaan dollar, amaan darada ka jirta gudaha soomaaliya cida ka danbaysa ayaa ah ganacsatada soomaaliyeed, % 1 hadii ay siiyaan dawladasoomaaliya kooxaha argagixisada waxa ay siiyaan % 50.

Hadaba ganacsato markii aan lee yahay ulama jeedo kuwa gaari gacanka dushiisa wax ku iibinaya, ganacsatada dhiigya cabka ah oo aan sheegayo ayaa ah kuwa bangiyada ku leh dibada iyo gudaha, ganacsada aan sheegayo waa kuwa maraakiibta ku keena raashinka dhacay, ganacsadata dhiigaya canka ahi waxaa ay dawlada soomaaliya kula dagaalantaa 100 waji oo kala duwan, waji waa dawlada oo ay u adeegsanayaan madiyaha, wajiyana qaabqabiil, wajina iska horkeenka dawlada, wajina sixir ayey u adeegsadaan masuuliyiinta wanaansan ee dawlada ku jira, wajina si toos ah ayey u maangaliyaan argagixisada, wajina waxaa ay dilal qorshaysan uga fuliyaan bulshada dhexdeeda, wajina waxa ay ku diidayaan canshuurta, wajina culumada diinta ayey tusayaan dawlada, waxaa taas dheer ganacsatadu waxaa ay dibada u dhoofiyaan ee ay ka qaadaan soomaaliya waxaa ka mid ah , xubnaha taranka dadka waxaana ay xiriiro badan la lee yihiin dhaqaatiir gangistaro ah oo ku sugan isbitaalada, waxaa kale oo ay too ah u dhoofiyaan caruurta yaryar ee an qaangaarka ahayn, waxa kale oo ay dhoofiyaan dalagyo badan oo daroogo ah oo ay ku abuurteen beeraha soomaaliya, waxaa kale aay dhoofiyaan kumaankun tan  oo dhuxul ah, ganacsatadu waxaa ay gacansaar wayn lee yihiin shirkadoshisheeye oo gaangistaro ah oo fadhigoodu yahay dibada iyo gudaha, waxaana ay toos ah ula baxaan macdanta iyo kaluunka soomaaliya, ganacsadu waxaa ay si toos ah isbaaro ugu dhigteen shacabkii soo gudanayey wajibadka xajka , waxaana ay xujayda sanad walba ka qaataan malaayiin doolar, si kastaba ha noqotee shacabka somaaliyeed intooda caqliga leh waa garayaan daalinimada ganacsatada soomaaliyeed, waxaase shacabku ay habeen iyo maalin rabbigood ka tuugaan inuu alle ka hor wareejiyo ganacsataas dhiig miiradka ah, uguna badalo dawlad u samaysa adeeg bulsho oo wanaagsan, ugu danbayn waxaa gabo gabo ah waqtigii ay meesh ka bixi lahaayeen ganacsatada burcada ah ee 28kii sano ee la soo dhaafay umada soomaaliyeed dhiigooda cabayey, waxana hubaal ha maalka xaraanta ah ee uga buuxa bangiyada inuu san waxba u tarayn, reerkii lagu dhiso iyo ubadkii lagu koriyana khayr uma yeelan doon, xajna kama aadi karaan , sadaqana uma galaan, dhaqalaha ay haysaan waa sun meel u taala, hadii ay baqtiyana karfan loogama gadi karo, dhaqalahasu waxaa uu ka mid noqonayaa dhuxusha naarta ah ee lagu cadaabi doono ganacsatada dhiig yacab ka ah.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :