asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

hayada QM maxay ka qaba tay soomaaliya

 madaxwaynayaasha tooska ahHayada qaramada midoobay waxaa la aas aasay 24/10/1945tii waxana lagu aas aasay cariga maraykanka,  waxaana ku midaysan 192 dawladood,, waxaan rabaa inaan shaxaad ka bixiyo waxa ay tahay hayada qaramada midoobay, hayada QM waa hayad siyaasadeed, waxaa ay ka kooban tahay 100 laamood oo isku dan ah laakiin kala shaqo ah, dhamaan laama ay ka kooban hayada qaramada midoobay  waxaa ay ku magacaan yihiin yihiin daryeelka aadanaha, hayada QM waxaana  ay faragalin toos ah ku sameeyaan dalkii ay doonaan, hayadu waxaa ay leedahay siyaasiin waawayn iyo ciidamo iyo dhaqaale ay ku fushato danaheeda, hayadu dalkii ay doonto ayey cunaqabatayn ka saartaa dhaqaalaha iyo hubka iyo wixii ay doonto, hayada qaramada midoobay waxaa ay toos ah dunida ugu wadaa gumaysi maskaxeed oo kalifay inay burburaan dawlado badan, hadu waxaa ay sababtay inay iska horyimaadaan dawlado iyo shucuubaad u badan oo ay ku nafwaayeen malaayiin ruux,  hayada qamada midoobay waxaa ay ku guulaysatay in dadka dunida jooga qaarkood ay xarago ku noolaadaan qaarna ay macluul u dhintaan, xasaradaha iyo  colaadaaha faraha badan ee ka socda dunida waxaa huriyey oo qayb ka aha hayada qaramada midoobay, hadaba hayada qaramada midoobay yaa adeegsada oo ay u shaqaysaa, yaase maal galiya hayada? hayada qaramada midoobay waxaa adeegsada oo ay u shaqaysaa dawladaha waawayn, ayagaana maaalgaliya,danahoodana ku fushada.

Hadaba waxan iswaydiinaynaa hayadu maxay ka qabatay dalka soomaaliya?  hayada qaramada midoobay waxaa ay soomaaliya ka qabatay wax aysan mahdin umada soomaaliyeed, hayada QM waxaa ay iska lahayd maskaxdii iyo muriqii iyo maalkii lagu riday dawladii dhexe ee soomaaliya, hayadu waxaa kale oo ay iska lahayd maskaxdii ka danbaysay inay umada soomaaliyeed u dagaalamaan qabiil qabiil, hayadu waxaa ay ku guulasatay in malaayiin ruux ay isaga cararaan soomaaliya, kadibna ay xeryo waawaayn uga ooday wadamada dariska ah .kadib hayadu waxaa ay la weegtay maamulkii soomaaliya hadii ay noqon lahayd  cirka iyo dhulka iyo badda, hayadu waxaa ay gudaha soomaaliya ka abuurtay dad soomaali ah oo ayada u adeega, ka dibna waxaa ay gudaha soomaaliya gaysay ciidamo xoog leh oo danaheeda ku fuliya, hayadu waxaa ay ka shaqaysay inaysan soomaliya yeelad xoogl eh, hayadu waxaa ay cuqdad kala galisay shacabka soomaaliyeed , 28sano kadib dalka soomaaliya waxaa ka jira dawlad aan aad u xoog badnay,maxaa yeelay hayadu waxaa toos u cuuryaamisay laamihii amaanka iyo ciidamadii xooga dalka , hayadu waxaa ay sabab u noqotay in la iska dhicinwaayo kooxyar oo argagixiso ah oo xasuuq joogto ah ku haya shacabka soomaaliyeed, hayada QM waxaa ay suurta galisay in khayraadkii ku jiray soomaaliya cid waliba boobto, hayadu waxaa ay soomaaliya ka suurta galisay in sunta neuklerka lagu soo shubo bariga iyo madaha soomaaliya, hayadu waxaa ay suurta galisay in beerihii soomaliya  lagu abuuro daroogo , hadu waxaa ay suurta galisay in soomaaliya la keeno daawo iyo cuno dhacday, hayadu waxaa ay soomaaliya ka suuta galisay in dhaqaalihii soomaaliya uu gacanta u galo koox yar oo maafiyo ah, hayadu waxaa ay suurto galisay in xabashi iyo kenya ay gudaha soomaaliya joogaan wixii ay doona ka shaqeeyaan, hayadu markii danbana waxaa ay suurta galisay in caruurtii soomaaliyeed sida xoolihii dibada loo iib geeyo, halkaas waxa ka cad in umada soomaaliyeed ay lugooyo aad u wayn kala kulmeen hayada QM.

Dhibkaas umada soomaaliyeed ka soo gaaray hayada qaramada midoobay waxaa la qaba dalal badan oo dunida ku yaal taariikhda dunida mid hore iyo mid danbe lama arkin dal iyo dad ay qaramada midoobay shanta la gashay oo guul gaaray, sida ku cad taariikhda dunida dalalkii ay hayda qaramda midoobay  ay ciidamadeedu joogeen waxaa ka dhacay nasiib daro ad u badan,  ergay walba oo ka socda qaramada midoobay oo loo soo magacaabo soomaaliya waxaa shaqada laga badalayaa markii la hubiyo inuu nabadii soomaaliya ceel fog ku riday, intii ergay loo soo magacaabayey dalka soomaaliya waxaa iila qatarsanaa sadexdii ergay ee isaga danbaysay soomaaliya oo kala ahaaa(ugustinomahiga)(nicholas key)(Mechiel Keating) waxaana hada la keenay mid aan filayo inuu  ka sii xun kuwii hore kaasoo ah(nicholashaysom), sadexdii hore waxaa ay soomaaliya ka sameeyeen wax laga argagaxo, waxaa ay cuuryaamiyeen 32 kun oo ciidamo amisom ah iyo 15kun oo ciidamo soomaali ah, waxaana ay dalkii iyo dadkii ku fasaxeen 100 wiil oo argagixiso,  si kastaba ha noqotee umada soomaaliyeed ma mahdin hayada QM, hadaba   intii ay hayada qaramada midoobay soomaaliya joogto rajo lagama qabo inay soomaaliya hanato dawladnimadeedii, qaabka ay     hayada qaramada midoobay uga shaqaynayso soomaaliya ma ahan mid ka tarjumaya madaxbanaanida soomaaliya, ugu danbayntii waxaa lagaaray waqtigii ay umada soomaaliyeed ku baraarugeen lugooyada dabada dheeraatay ee hayada QM, waxaan ku baaqayaa in hayada QM iyo xulafadeedu ay sida ugu dhaqsaha badan uga guuraan dalka somaaliya, shacabka soomaaliyeedna ha u xaytaan sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen cadawga  hayda QM.

BY XAASHI

 

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :