asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

lacagta laga helo youtubku ma xalaalbaa mise waa xaaraan

youtubMalaayiin ruux oo dunida ku nool ayaa youtubeka waxa ay ka sameeyaan lacag aad u badan, qaabka ay uga helaan lacaga ayaa ah xayeesiin la socota videogaaga,  hadii fiidiyowgaagu uusan lahayn xayeesiinta google adasense ma jiro wax lacag ah oo kaa soo galaysa youtubeka,  xataa hadii ay daawadaan malaayiin ruux, lacagta youtubeka laga helo waxaa ay ka timaada xayeesiinta google adsense, hadaba google adsense maxay xayeesiiyaan? google adsense waxaa ay xayeesiiyaan wax kasta oo ay u soo gudbiyaan dadka raba in wax loo xayeesiiyo, ayaguna waxaay ka helaan lacag, xayeesiinta ka baxda google adsense waxaa  waxaa ku jira waxyaabo badan oo xaaraan ka ah inuu qofka islaamku ah xayeesiiyo, google adsense kuwa isku xayeesiiya waxaa ka mid ah  haween  jirkooda ka ganacsada, hadabaqafkii youtubkiisa galiya xayeesiinta adsense wixii xiriir ah ee lagalala sameeya haweenkaas qaawan qofka iska leh youtubeka waxaa uu helayaa  xoogaa lacag ah oo xaaraan ah.

 Kumaankum soomaali ah ayaa shaqo ka dhigtay inay youtubka hunguri u raadsadaan, soomaalidaasu waxaana ay youtubeka soo galiyaan waxyaabo badan oo ceeb iyo yaxyax ah,waxaana ka mid ah qabyaalad ,cay, isku dir, dulmi. ceebayn, aflagaado, ujeedadooduna waa inay xoogaa lacag ah ka helaan google adsense, dadka soomaalida ah ee sida xun uga caytama youtubka ma ahan kuwo ku qaboobay lacagtii xaaraanta ahay ee ay ka heleen youtubeka, dadka hunguriga foosha xun u doonta waxaa ka mid kuwo badan oo culumo sheeganaya, soomaali badan ayaa websideyo ito telefishino u furtay lacagta laga helo google adsense ,si kastaba ha noqotee waxaan qabaa wixii kasoo gala xayeesiinta google adsense inay tahay xoolo xaaraan ah oo qofkii qaata ay noloshiisa la falgalayso, ugu danbayn umada soomaaliyeed waxaa laga dhexwaayey culumo ka hadasha xayeesiinta haweenka qaawan ee lagu sharaxday wesideyada iyo baraha bulshada. webside kasta oo aad gasho waxaa kaa hor imaanaya haween qaawan oo animation lagu sameeyey, dantuna waxaa y naguqasabtay inaan in computarkayga aan ka xiro xayeesiinta oo dhan.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :