asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

maxaa laga macaashaa cay da iyo ceebta mediyaha ka socota

ceebta mediyahaBaraha ay bulshadu ku kulanto ee xaga internetka waxaa ka socdo waxyaalo badan oo aan ku fiicnayn dhagaha iyo indhaha iyo qabiga aadanaha, dad badan oo ku hadla afka soomaaliga oo ka buuxa internetka oo aan hubo qaarkood inaysan soomaali ahayn ayaa  social mediyaha ka wada faafinta ceebaha iyo dhaqan xumo aad u badan, waxaana dhaqan xumadaas uga dayday dad badan oo soomaali ah oo maskax ahaan iyo jir ahaan u xanuunsan, facebooga iyo youtube ka ayey caado ka dhigteen inay soo galiyaan fool xumo joogto ah oo ka dhan ah bulshada soomaaliyee, dhanka kale dad badan oo soomaali ah ayaa risaq ka dhigtay shilimaad yar oo ka soo gala xumaan ay galiyaan youtubka iyo facebooga, dadka dhaqan xumada iyo cayda iyo ceebaynta dadka iyo iska horgaynta bulshada ka wadaa baraha bulshada ayaa ah dad nolosha ka dhacay oo noloshoodu ku soo ururtay  inay sixun wax ku doonaan si xuna u noolaadaan, marka laga saaro dadka bartay afka soomaaliga ee aan soomaalida ahayn waxaa jira kumaankum soomaali ah oo ab iyo isir loo garano oo social mediyaha ku faafiya fool xumo nooc walba oo ay tahay, dhanka kale kuwo caytama ee wajiyadooda soo galiyey madiyaha waxaa ka sii xun kuwa wajiyadooda qarsaday ee moodaya inaan la aqoon, waxaa xaqiiqo ah in qof walba oo  social mediyaha wax soo galiya in la yaqaano magaciisa iyo wajigiisa iyo halka uu degan yahay iyo meesha uu wax ka soo galiyey iyo server uu adeegsaday iyo taleefanka uu wato , nacasyo badan oo bulshada isu tusa inay wanaagsan yihiin oo dadka uga horeeya masaajidka ayaa caadaystay inay foolxumo badan ku faaiyaan baraha bulshada dhexdeeda, dhanka kale dumarka soomaaliyeed waxaa lagu aqoon jiray xishood iyo sharaf, dumar badan oo soomaali ah ayaa ceeb iyo foolxumo joogto ah ka dhexwada social mediyaha taasina waa nasiib daro, inkastoo aan ogsoonahay in dumarkaasu yihiin kuwo qaba cudurks gala dhimirka, hadana waxaa ka sii xun kuwa share gareeya,

Si kastaba ha ahaatee faaiidooyin badan ayaa internetka laga helaa, dad ayaana nasiib u helay inay ka faaiidaystaan, balse dad badan ayaa ku habsaamay macna darada dhextaala social mediyaha, ugu danbayn ilaahay waa og yahay qof waliba waxa uu samaynayo, asaga ayaana ka abaal marin adoonkiisa wixii uu falo, dadka qariban ee xumaanta ku faafiya baraha bulshada waxaan lee yahay ha sugina inaan ku faaidan aduunka korkiisa, aakhira warkeed daa, waxaan idin kula talin lahaa waa inaad ka toobadkeentaan wixii xumaan ahaa ee aad horay u samayseen, kana shaqaynaas wanaaga, hadii aad sidaas yeeshaan waxa hubaal ah inaad aduun iyo aakhiro faaiido gaaraysaan.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :