asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

maxaa agoon iyo ehel la,aan ka wada dhigay ubadka ku nool qurbaha

hooyoWaxaan wali sax ah aan loo ogayn waxa ubadka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool kawada dhigay ogoon cidla degan oo aan wax ehel ah lahayn, waxan socdaal ku tagay 18 wadan oo ka baxsan qaarada africa oo ay ku nool yihiin soomaali badan oo qoxooti ah, dhamaan wadamadaas waxaa iiga muuqanayey caruur soomaali ah oo ay hooyo kaliya ay wadato, kuwo badan oo haweenkaas ka mid ah ayaa waydiiyey halka uu jiro aabaha dhalay caruurta, intooda badan waxaa ay ii sheegeen in aabaha ay kala tageen oo ay garoob yihiin, qaarkood waxaa ay iigu jawaabayeen hada looma baahna nin iyo wareerkiis.

Arinta murugada leh ee aan qurbaha ku arkay ayaa ah in cunugii la xiro ama ladilo qofka kaliya ee u taagan ay  tahay hooyada oo kaliya, maxkamad walba waxaa hor tuuran hooyooyin soomaali ah, goobaha xafladaha ah %90 hooyooyin ayaa dhooban, dabagal dheer oo aan ku sameeyey halka ay  aadeen ragii ubadaka ka dhalay haweenkaan ayaan ku soo ogaaday in ragii intooda badan ay magaalada dhinac ka joogaan balse laga dhigay mid guriga laga cayriyey iyo mid lafihiisa la cararay iyo mid gumaysi joogto ah lagu hayo, haweenka soomaaliyeed ee qurbajoogta ah ayaa caado ka dhigtay inay ragooda dhibaateeyaan,waxaana arintaas u suurta galiyey nidaamka qaloocan  ee ka jira wadamada ay soomaalidu qoxootiga ku tahay, nadaamkaas ayaa waxaa dhigayaa in hooyadu ay masuul ka tahay guriga iyo caruurta, nadaamkaasuna waxaa uu ka hor imaanayaa diinta islaamka oo sheegaysha in ninku uu masuul ka yahay guriga iyo waxa ku nool,  masuuliyada lasaaray haweenka soomaaliyeed waxaa ka dhashay inuu burburo qoyskii, kadibna uu  lumo mustaqbalkii ubadka , ka dibna ay  noqdaan kuwo ku dhaca dabinada kooxaha gaagiska ah kadibna ay shanta la galaan faldanbiyeedyo sababa in la dilo ama la xiro.

Haweenka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waxaa jira laba waxyaalood oo ay raga soomaaliyeed uga danbeeyeen oo aysan ku fara galin, labaadaas oo kala ah masaajidka iyo maydka, inta kale haweenka soomaaliyeed lugta la galeen, si kastaba ha noqotee soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (lugta hore hadii ay dhafto lugta danbe waa jabtaa) jabka ku dhacay qoysaska soomaaliyeed ee qurbaha ku nool masuuliayeeda waxaa iska leh dumarka soomaaliyeed, in kastoo aan ogahay inaysan wada xumayn dumarka soomaaliyeed hadana waxaa jira kuwo badan oo ha la rooro run u qaatay, ugu danbayntii umada soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inaysan qurbaha keenin haween soomaaliyeed hayaaraato ama hawaynaato, maxaa yeelay marka hore waa lumayaan, kadibna ubadkii ayey luminayaan, hadiise aad haween qurbaha u soo diraysaan ha noqdaan haweenkaasu kuwo dhisan oo leh caqli ku filan waxna ka taqaana diinta islaamka iyo cilmiga maadiga ah.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :