asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

maxaad kala socotaan waxyeelada uu sawaaxiligu ku hayo gobolka NFD

doqomada-reer-nfd-e1448165936745Maamulka sawaaxilga ee magaciisa loo yaqaano kenya ayaa dadka iyo dadka soomaaliyeed  ku hayey dhibaato soo jireen ah oo soo bilaabatay xiligii uu gumaysigii cadaa qabsaday qaarada africa, dawlada kenya waxaa ay mudo qarni ah xasuuqaysay shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka NFD ee ay gumaysato,in gobolkaas ay kenya gumaysato waxaa sababteeda iska lahaa gumaysigii reer galbeedka , gumaysigaasu waxaa uu dalka soomaaliya u qaybiyey shan waaxood, ayagoo ujeedadoodu ahayd inay kala dhantaalaan midnimada awooda umada soomaaliyeed, tan iyo markii ingiriisku uu kenya ku wareejiyey gobolka NFD maamulka sawaaxiligu gobolkaas lug uu ka gooyo ma ahane lug uma kabin, waxaa taas dheer xasuuq joogto ah ayey marwalba lagu hayaa shacabka NFD, waxaa jira xasuuqyo taariikhi ah oo ay sawaaxilku kula kaceen umada soomaaliyeed ee degan gobolka NFD, waxaa xusid mudan xasuuqii wagalla ee dhacay 1984tii, xasuuqaas waxaa lagu laayey 6870 ruux oo shacabka ah oo si nabad ah guryahooda ku joogay, waxaa xigay xasuuqii gaarisa gubaay, dad boqolaal gaaraya lagu gubay guryahoodii, waxaa taas dheer xariga iyo kufsiga joogtda ah ee uu sawaaxiligu ku hayo gobolkaas, nasiibdarada uu sawaaxiligu ku sameeyey gobolkaas waxaa ka mid ah , gobolkaasu ma lahan wadooyin ,ma lahan isbitaalo wanaagsan, malahan wax adeeg bulsho ah, gumaysiga sawaaxigu waxaa ay gobolkaas ka dhigeen jaziirad ka go,an dunida, sawaaxiligu dadka degan gobolkaas waxaa uu u yaqaanaa shuto,  dhaqalaha sawaaxilaga ka soo gala gobolka NFD waxaa uu ku maalgaliyaa gobolada ay degan yihiin sawaaxiligu, si kastaba ha noqotee maamulka sawaaxiga ee xooga ku haysta NFD ayaa dhibaatadiisi waxaa ay ula gudbeen gudaha soomaaliya, sawaaxiligu waxaa ay gudaha soomaaliya ka wadaan xasuuq iyo kufsi aad u badan, waliba waxaa ay isku dayeen inay dhulbadeedka soomaaliya barkiis qaadaan, si kastaba ha noqotee maamulka wareersan ee sawaaxilga ee fadhigiisu uu yahay nairobi ayaa ah kuwo aan marnaba ka daalin dilista iyo lugooyada umada soomaaliyeed, umada soomaaliyedna  si wayn ayey ula socdaan waxyeelada sawaaxiga, mar hore iyo mar danbe wixii ay sawaaxilgu ugaysteen umada soomaaliyeed waa qoran yihiin waana lagula xisabtami doonaa. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :