asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

qabiiladii isku dhameeyey dhumay maxaa guul ah oo ay kala gaareen

dagaal dhumayTuulada dhumay waxaa ka dhacay dagaal nacasnimo ah oo aad u foolxumaa oo u dhexeeyey dad isku beel ah, dagaalkaas ayaa beeshu isaga dishay dad aad u badan oo ka yaabiyey umada soomaaliyeed, beesha ku dagaalantay tuulada dhumay ayaa si fool xun isaga laayey ragoodii, jilibkaas isku layey dhumay ayaa maalin gudaheed isaga dilay 62 ruux , waxaana ay iska dhaawaceen in ka badan 80 ruux , hadaba labada qoys ee isku dishay deegaanka dhumay maxaa guul ah oo ay kala gaareen?, waxa xaqiiqo ah in qabiilada isku dishay deegaan dhumay ay usoo hoyatay guuldaro aad u badan, qabiiladaas isdishay waxaa isugu darmay dadkii oo ay iska laayeen dhaawacyadii oo daawo ka raba iyo ogoontii oo korin ka rabta iyo dadkii oo cuqdad aad u daran sii kala dhexgashay, dagaalkaas ka dhacay dhumay waxaa uu ahaa mid foolxumo badan ku reebay dadka deegaankaas, maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd (dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho) hadaba waxa hubaal ah kuwa hogaanka u ahaa labada beelood ee isku dishay dhumay ay yihiin kuwo liita oo aan lahayn wax xigmad ah iyo aqoon ay ku maamulaan jifadooda, sida lagu yaqaano odayaal dhaqameedku soomaaliyeed waxaa ay marwarba u taagan yihiin xalinta dhibaato kasta qabiilada ka dhexdhacda, 28kii sano ee uu dalka soomaaliya dawlad la,aanta ahaa cida kala hagaysay bulshada hubaysan waxaa ay ahayeen odayaal dhaqameedka, odoyaal dhaqameedka tuulada dhumay waxaa ay ku guuldaraysteen inay kala maslaxaan dadka walaalaha ah ee wada deganaa degaanka dhumay, si kastaba ha noqotee dadka ku dhaqan deegaanka degaanka dhumay waxaa u soo hoyatay guuldaro aad u badan, waxana ku dhacday masiibo ay gacmahooda isugu gaysteen, dhanka kale dadkii lugta ku lahaa hurinta colaada dhumay waxaa ay danbi ka galeen ilaahay iyo umadiis, waana lagula xisaabtami doonaa, waxaa dadka u nasiib daran shaqsi soomaali ah oo ku nool qurbaha ama dalkii oo ku faraxsan wixii kadhacay degaan dhumay. si kastaba ha noqotee dadka badanaa ee lagu dilay degaanka dhumay waxaa ay ahaayeen kuwii dalka soomaaliya ka difaaci lahaa cadawga, waxaana ay ahaayeen dhaxalkii dalka soomaaliya, balse nasiib daro waxaa ay ku dhinteen meel ysan mudnayn.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :