asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

qof dhumay yuusan ku dhuminin

good_badWaxaa jira maahmaah soomaaliyeed oo oranays (qofkaad kabao ka tolonayso kabihiisa ayaa la fiiriyaa) macnaha  maahmaahdaasu waa qofka aad wax uga dayeynayso marka hore waxa uu yahay ayaa la fiiriyaa, laakiin halka bulshada qaarkeed waa  ku kala aragti duwan yihiin halka laga fiirinayo qofka wax looga dayanayo, dadka maangaab ahi waxaa ay qofka ku qaymeeyaan waxa uu lamuuqdo oo ah huga uu wato sida dharka iyo baarbuurka ama guryaha ama aqoonta ama dhaqaalaha  iwm, balse taas  ma ahan waxa qofka lagu qaymeeyo, qofku wax kasta oo qurxoon uu soo xirto kama tarjumayso inuu yahay qof wanaagsan, qofka waxaa lagu qaymeeyaa waxa qalbigiisa ku jira, qofku hadii uu qalbiga ka jiran yahay waxba tari maayaan waxa kale ee markaas la muuqdo, aadanuhu meesha uu ka socdo oo uu ka nool yahay waaqalbiga, hadaba qofka qalbigiisa waxa ku jira miyaa la arki karaa? qof si kasta ee uu isu qariyo si sahlan ayaa lagu arki karaa waxa qalbigiisa kujira, waxaa jira dad badan oo u muuqda inay yihiin dad wanaagsan laakiin khatar ku ah bulshada dhexdeeda, dadkaasu waxaa ay ka shaqanayaan wax kasta oo asaga dan u ah laakiin bulshada dhib ku ah, dadkaasu waxaa ay lee yihiin 10 af iyo 10 waji oo kala duwan, afafka ay ku hadlaan marka hore waa waa macaan laakiin daqiiqado ka dib ayuu sun isu badalayaa, waxaan aragnay dad u muuqday inay yihiin aqyaar iyo waayeelo iyo culumo oo hadana waxyaabo ceeb ah dhex fadhiya, walina isu haysta inaan arimiisa khaaska ah ee fool xumada ah aan waxba la ogayn, waxaan soomaalida kula talin lahaa inay ku ducaystaan inaan cidina soo daba galin, mar hadii lagu soo daba galo wax ka yar hal saac ayaa lagu soo koobayaa waxa aad tahay  oo dhan, waxaan ogsoonaataan in dunidu casri tahay qof walbana la og yahay waxa afkiisa iyo idinkiisa ku samaynayo.

Dhanka kale waalidiin badan oo u muuda inay yihiin dad wanaagsan ayaa ubadkooda ka lee xiyey jidkii wanaagsanaa , walidiintaasu waxaa ay ubadkooda u horsdeedayaan wax aan ku fiicnayn mustaqbalkooda, walidiintaasu waxaa ay ubadka kala dagaalamaayaan inay siiyaan cuno xalaal ah iyo lacag xalaal ah, waxaana ay ubadkooda ku fidnaynayaan ubadka kale ee driska la ah, hadana waalidiintaasu waxaa ay u muuqdaan dad wanaagsan mase ahan kuwo uu wanaag soo agmaray, ujeeda qoraalkayga ayaa ah inaan soomaalida uga digo inaysan cid walba isaga dayan, waana inaysan soomaalidu qofka ku qaymayn waxa uu la muuqdo ee ay hoos u fiiriyaan, hadii kale waxaa ay ku dhici doonaan bohol dheer. dantaada iyo taladaada iyo dhaqaalahaaga iyo ubadkaaga cidna hakala tashan oo cidna waxba ha uga dayan, wixii kuu wanaagsan adaa  yaqaana , ogsoonow in maantay waqtiga lagu jiro  inuusan jirin qof la isku halayn karo. by xaashi

ku xeel dheeryihiin qabyaalada,

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :