asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

wariye sucuudi ah miyaa ka wacan 1000 kii ruux ee lagu dilay zope

qaraxa-xamarWaxaa baryahaan saxafada qariban ee soomaalidu ay wax ka buun buuninayaan wariye carab ahaa oo la waayey kasoo loo malaynayo in la dilay, waxaana arinka wariyahaas aad u bun buuninaya saxaafada reer galbeedka,  wadamo badan ee reer galbeed ah ayaa aad uga hadlaya wariyaha carabka ah ee ladilay, xataa waxaana labaarayaa safaarada carab ee ku taal turkiga.

Waxaan aad isu waydiiyey ujeedada ay saxaafada reer galbeedku ka leeyihiin wariyaha sucuudiga ah ee la waayey ?  saxafada reer galbeedku maxay uga hadli wayday 1000 kii ruux oo soomaali ahaa ee 14kii octobar lagu qarxiyey muqdisho ?, maxaa baarayaal caalami ah oo lagu soo diri waayey cida ka danbaysay  qarixii zobe? ma soomaalida ayaa ka duwan aadanaha kale ee dunida ku nool?, mise wariyaha carabka ah ayaa ka qaymo badnaa soomaalida? hadaba sida aan u arko buunbuuninta saxaafada reer galbeed ee ku saabsan wariyaha carabka ahaa ee ladilay  ayaan u arkaa inay tahay  wax salka ku haya siyaasad, iyo mid lagu jeeb baaranayo masaakiinta carabta ah ee shidaalka alle siiyey, waxaa kale oo aan aad ula yaabay soomaalida hadal haysa wariyaha carabka ah ee la waayey, soomaalidu waxay tiraahdaa( dameeri dhaan raacday),  waxaan aad ula yaabay soomaalida aan wax dan ka alahayn dalkii iyo dadkii ay ka soo jeedaan ee mushquulsan wax aysan shaqo ku lahayn, waana mida keentay in dunidu ka aamusto dhibaatada soomaalida, maadaama loo arko dad aan damiir lahayn.

Soomaalidu %90 dhib badan uma arkaan 1000kii qofood ee zope lagu qarxiyey, mana jiraan wax soomaali ah oo xil iska saartay inay wax ka ogaadaan cida saxda ah ee ka danbaysay qaraxaas iyo qaraxyo kale oo badanaa ee soomaaliya ka dhacay,  si kastaba ha noqotee jahliga badan ee soomaalida haya waxaa uu sababay u noqday in soomaalidu ka lunto wadaniyadii  iyo dadnimadii iyo garashadii iyo xishoodkii, soomaalidu waxa ka jira dunida waxba kala ma socdaan, maskaxdooda waxa gala oo kaliya wararka ay sheegaan bbc iyo voa, waxaana ka garanaysaa wesideyada  iyo  telefishinada iyo soceal madiyaha  soomaalida, warkasta oo ka baxa bbc iyo voa ayey faahfaahin ka sii bixinayaan, ugu danbayn soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (nafi gabe nin kale ma kalkaalo), soomaalidu wariye carab ah oo la dilay waxba uguma yaalaan, hadii ay caqli iyo damiir lee yihiin ha raadiyaan cida ka danbaysay oo  gaysatay qarixii zope iyo qaraxyadii badnaa ee ka horeeyey iyo kiwii ka danbeeyey. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :