asmaul-husna waqtiga-salaada1-
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

xasan sheekh muxuu ka wadaa gudaha soomaaliya

xasan_yaaban_wareeray-2Umada soomaaliyeed ma jeclaysan mana soo dhawayn damaca iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo xisbiyada uu xasan sheekh  uga dhawaaqay soomaaliya, umada soomaliyeed wax hamuun ah uma qabto talo uu hogaaminayo xasan sheekh maxamuud, umada soomaaliyeed 4 sano ayey xasan sheekh u sacabtumayeen, 4tii sano ee uu xasan hugaanka u hayey dalka iyo dadka soomaaliyeed ma aysan mahdin, umada soomaaliyeed markii ay maqlaan xasan sheekh waxaa ku soo dhacaysa boobkii iyo bililiqadii lagula kacay hantii qaranka soomaaliya, waxaa umada soomaaliyeed dhagaheeda ka sii yeeraysa dawladnidii ay ururkii damul jadiid ku takri faleen, waxaa xusid mudan wixii ay dhigeen gabre iyo faarax sakiin, xasan sheekh waxa uu xukunka  ka dhacay asagoo habaar farqaha uga buuxaan, xasan sheekh dalka iyo dibada soomaalida ku nool aad iyo aad ayey u maqsuudeen makii uu xasan sheekh xukunka ka dhacay,

Hadaba maxaa sabab u ahaa in xasan sheekh uu la habaabo xukunkii loo dhiibay ? sabab waxaa u ahaa xasan sheekh oo ahaa nin aan siyaasada waxba ka aqoon haba yaraatee, xasan ma ahayn nin wax uga bilaabnayd nidaamka dawlimo,, xasan masuuliyadii uu nasiibka u helay ee loo dhiibay waxaa uu la hoos fariistay ururka damauljadiid, indho iyo dhagana waxaa uu kadhigtay faarax sakiin iyo xabashi, hadaba waxaa iswaydiin mudan maxay tahay masuuliyada danbe ee uu xasan sheekh ka dhexraadinayo soomaaliya?, maxayse tahay xisbiyada uu sheegayo? xageese geeyey dhaqalihii faraha badnaa ee uu xasan la galay turkiga  ? xasan sheekh ma gacmo shesheeye ayaa siyaasada ku soo celiyey mise asagaa istusay inuu markale soomaaliya wax ka noqon karo,? xasan sheekh ma ahayn nin ay u duceeyeen umada soomaliyeed, xasan sheeq waxaa si kal iyo laab ah u habaaray umada soomaaliyeed meel walba ay joogto, mana filayo inta cimrigiisa ka dhiman uu xukun danbe ka qabanayo bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, si kastaba ha noqotee xasan wixii uu horay u falay waxaa ka sii xun mucaaradka iyo dulmiga uu ku wado dawlada hada ka jirta soomaaliya, ugu danbayn dhaqdhaqaaqa foosha xun ee uu xasan sheekh ka bilaabay soomaaliya waxaa ay iila muuqataa in laba arimood midkood tahay , midi waa mid soo dadajinaysa geerida xasan sheekh, mida kalenaa waa tii uu xasan sheekh ku dhex ceeboobi lahaa umada soomaaliyeed dhexdeeda.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :