asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

diinta islaamka maxay ka qab taa faraantiga la isu galiyo arooska

j01Umada soomaaliyeed waa dad dhaqan leh kuna dhaqma diina islaamka, balse soomaalidu ma ahan kuwo ku adag diintooda iyo dhaqankoodu, soomaalidu waxaa ay caan ku tahay hubsiino la,aan iyo hayin raacnimo, maantay qoraalkayga waxaan ku eegayaa dhaqamada shisheeye ee lagu soo daray dhaqanka soomaalida, dhawaanahaan aroosyada soomaalida waxaa iiga muuqday dhaqmo  aad u xun oo aan sal iyo raad ku lahayn diinta islaamka iyo dhaqanka soomaalida, waana dhaqamo laga soo guuriyey shisheeye aan muslim ahayn, aroosyada soomaalida waxaan ku aragnay  faraanti xaflada arooska loogu galinayo gabadha ka dibna la shuminayo, ka dibna keeg afka la isu galinayo, kadibna la sabcinayo, arooskaasuna mahan mid sal iyo raad ku leh dhaqnka iyo diinta islaamka, faraantiga loo galiyo aroosada waa dhaqan ay caado u lee yihiin gaaladu, balse gabadha muslimada ahi faraanti looguma galiyo xaflada dhexdeeda, dhaqamada ay qurba joogto  ka soo minguuriyeen wadamada gaalada ee degan yihiin ayey doonayan inay  ku dhexmilaan hidaha iyo dhaqanka soomaalida, umada soomaaliyeed kumaankum sano ayey is aroosayeen mana jirin aroosad sida gaaladii faraanti loo galiyo, isbarbardhig aan ku sameeyey sida ay isu aroosaan gaaladu iyo sida ay isu aroosan qurbajoogta soomaaliyeed waxaan ka waayey wax ay ku kala duwan yihiin haba yaraatee, hadaba waxaa is waydiin mudan soomaalidu xagee ku tuureen dhaqankoodii, hadiise ka lumay dhaqankoodii xagee uga tageen diintii islaamka, dhibaatada dhaqan wareerka iyo diin wareerka  ku dhacday  soomaalida waxaa loo aanaynayaa wadaado wahaabiyo ah oo wareeriyey umadii soomaaliyeed, goobaha ay ka dhacayaan aroosyada faraantiga waxaa ku sugan boqolaal wadaad xume ah oo awood u leh inuu dadka iga digo dhaqamadaa, si kastaba ha noqotee wadaada soomaaliyeed waxaa ay gaabsadeen inay dadka caamada ah uga digaan wax yaalaha ay ku dhaqmayaan ee aan  salka ku lahayn diinta islaamka, si kastaba ha noqotee soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa( xoolo ninkii lahaa habaabiyey lama soo helo) soomaalidu waxaa si aan gabsho lahayn ugu xaydteen inay tuuraan dhaqankoodii qaataana dhaqamo shisheeye, anigu waxaan qabaa qoyskii soomaaliyeed ee muslim ah ee isu aroosa sida gaaladii inaysan noqonayn qoys lagu dego oo hela ubad khayr qaba, maxaa yeelay qoyska waxaa xumaa aasaaskiisi hore, soomaalidu waxaa ay tiraahdaa (hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho)  ugu danbayn umada soomaaliyeed ee muslimiinta ah waxaa ku la talinayaa inay  guurka badiyaan iskana dhaafaan dhaqmada shisheeye,  waana inay isu guursadaan sidii ay ogoshahay shareecada islaamku. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :