asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

maxaa laga dhaxlay dagaal kii koowaad ee dunida

many-people-died-world-war_58526554761a11daDunida calamka qaarkiis  waxaa ka socda xaflado lagu maamuusayo dagaalkii koowad ee aduunka, sida taariikhda ku xusan qarnigii 19aad waxaa dunida ka dhacay dagaal aad u fool xumaa oo u dhexeeyey dawladaha reer galbeedka, dagaalkaas waxaa uu bilowday 1914kii waxaana uu dhamaaday 1918kii, inta la og yahay dagaalkaas waxaa ku dhintay 17 milyan oo ruux, 7 milyan waxaa ay ahaayeen shacab, 10 milyana waxaa ay ahaayeen ciidamo, is ku celcelin 37 milyan oo ruux ayuu dagaalkaasu saamayn wayn ku yeeshay ,hadaba waxaa is waydiin mudan maxay ku dhinteen 17 milyan oo ruux, maxuuse ahaa dagaalka ujeedadiisu? maxaase laga dhaxalay dagaalkaas, 4 tii sano ee uu dagaalkaasu socday ma jirin guul muhiim ah oo ay kala gaareen xoogagii dagaalamay, hadii aan taariikhda dagaalkii koowaad ee dunida dib u aqriyey kuma arkin muhiimad uu lahaa dagaalkaasu, goobaha lagu xusayey  dagaalkaas ma jirin dawlad ka sheegatay guul, dal walba waxaa uu la murugaysnaa dadkii uga dhintay dagaalkii koowaad ee aduunka, waxaana ay ka digayeen inuusan dib danbe u dhicin dagaal noocaas oo ka le ah, , hadaba sida ay ila tahay dagaalkaas waxaa ma suuliyadiisa iska lahaa hogaamiyayaashii waqtigaas ka talinayey dawladaha dagaalamay, dagaalkaasuna waxaa uu ahaa mid aan lahayn ujeedo iyo kajeedo, khasaarihii ka dhashay dagaalkaas waxaa ay dusha u saaran tahay dagaal oogayaashii madaxda ahaa xiligaas,si kastaba ha noqotee dagaal khasaaro maahane faaiido lahama gaaro, laakiin dagaalku waxaa uu xaq noqonayaa markii ii lagugu soo weeraro naftaada dalkaaga dadkaaga iyo diintaada, ugu danbayn dagaalka ugu dabada dheer ee dunida ka jira waa midka u dhexeeya xabashida iyo soomaalida, waana dagaal xaq ah oo ay soomaalidu isaka difaacayso xabashida weerarka ku ah dalka iyo dadka soomaaliyeed. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :