asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliidka-nabiga-csw2

Home » somali news »

ragoow haweenka soomaali yeed laba arimood haka sugina

hido iyo dhaqanQoraalkaan waa mid aan ugu tala galay inaan ugu caqli caliyo raga soomaaliyeed ee xaasaska qaba ,iyo kuwa guursan doona, waxaa bulshada soomaaliyeed dhexdeeda aad ugu sii badanaya qoyska sida daran u burburaya , waxaad arkaysaa qoys maanatay la dhisay oo kharash aad u badan ku baxay oo todobaad ka dibna burburay, arintaas waxaa sabab u ah oo loo aanaynayaa ragga soomaaliyeed oo aan wax badan ka fahansanayn waxa ay yihiin haweenka soomaaliya iyo habdhaqan kooda, hadii aad dib u jaleecno soomaalidii hore ee qarniyadii hore noola waxa ay ka yiraahdeen haweenka soomaaliyeed , waxaa jira 1000 maahmaahyo oo kuwada saabsan haweenka soomaaliyeed , hadii aan qaar ka soo qaadano maahmaahyadaas waxaa ka mid ah, (naag ka simir ama u samir) (haweenku waa saqiir qoob waayeel leh)(haweenku madax  caqligalo malehee xabad caano galo ayey leeyihiin,) ( kas naageed kii aad ku ogayd ma ahan)(haweenku waa balaayo loo baahan yahay) (haweenku waa indha ku garaadle) (nin haween u firsaday kama ilmo dhamayn)iyo kuwo kale oo aad u badan, maahmaahyadaas dhamaantood waxaad ka dhadhansanaysaa in haweenku ay yihiin dad aan dhamayn oo nusqaan badan ay ku jirto, diinta islaamkana waxaa lagu cadeeyey in haweenka laga abuuray feer qaloocan, dabeecadoona ay qaloocan tahay, qofkii jabiyana la ciqaabi doono.

Hadaba raga soomaaliyeed ha ogaadaan cida ay wax ku darsaday inay tahay  qof jirkna ka wayn caqligana saqiir ka ah,  waxaana loo baahan yahay inuu ninku la yimaado caqli ka badan midka ku jira xaaskiisu, waxaa qasab ah oo lahubaa in haweenayda soomaaliyeed ay sayidkeeda ku samaynayso khaldaad aad u badan oo ay ku dhibayso, ninkii  xaaskiisa ula ficiltamo sidii qof dhamays ah oo kale waxaa xaqiiqo ah inuusan wax faaiido ah  ka gaarayn,waxaa ninka loo baahan yahay inuusan ka boodin hadii ay khaladaad ku samayso xaaskiisu ,waa inuu si cilmiyeysan uga dabaashaa khaladaadkeeda, dhanka kale waxaad ogaataa haweenaydaadu khalad kasta oo ay kugu samayso inaysan kaa raali galinnayn oo waliba ay kaa doonayso inaad ayada raali galiyo, sidaas ayaana ubadka looga dhalaa , hadaba waxaa jira laba arimood raga soomaaliyeed aysan ka sugiyn haweenka soomaaliyeed, labadaas oo kala ah midi waa ragu yuusan haweenkooda uga talagalin sidii qof wayn oo kale, caqliga kujira xaaskaaga waa inaaad uga tala gashaa caruurta oo kale, mida kale xaaskaaga ha uga tala galin inaad ka gar hesho, haweenaydu  wax walba ooy qaribtay ayada ayaa hadana rabtaa in la yiraahdo garta adaa iska leh, si kastaba ha noqtee hab dhaqankaan qaloocan ee ay haweenku soomaaliyeed lee yihiin ma ahan mid ay cid kale ka barteen ee waa mid abuur ah oo ay ku dhasheen, maxaa yeelay markoodii hor ayaa laga sameeyey feer qaloocan, ragu waa inay u dul qaataan waxkasta oo ay kala kulmaan xaasaskooda, ragii hore sidan iyo si kasii foolxun ayey uga ilmo dhali jireen, looma baahna hadii xaaskaagu kugu gafto inaan disho ama furto, looma baahna in la maqlo buuqa xaaskaaga,marwalba oo ay qalad kugu samayso dulqaad muuji, wixii ka tan batana ugu yeer dad wanaagsan oo caqli u saaxiib ah, hadii aad sidaas yeesho waxaa hubaal ah inaad ka miro dhalinayso guurkaagii.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :