asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

shacabka xamar waa la qarxiyey yaase qarxiyey ?

qarax-saxafi-696x705Magaalada xamar waxaa ka dhacay qaraxyo lagu dhibaateeyey dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan, qaraxyadaan ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac aad u badan, inta la og yahay qaraxyadaan waxaa ku dhintay 19 ruux waxaana ku dhaawacmay 45 ruux, waxaana ku burburtay hanti muuqata iyo mid aan muuqan, hadaba yaa shacabka qarxiyey ? maxaase loo qarxiyey? shacabka waxaa qarxiyey shisheeye adeegsanaya danbiilayaal soomaali ah, sababta loo qarxiyey shacabka ayaa ah mid lagu doonayo in shacabka soomaaliyeed lagu qaxiyo dalkoodii loona nacsiiyo dalkooda hooyo,

Waxaa dagaal aan gabsho lahayn lagu hayaa nabad galyo ka dhacda dalka soomaaliya, waxaa la bartilmaameedsanayaa hadba meeshii loo arko inay kobcayso nabadina ka jirto, waxaan iswaydiin murad maxaa shacabka ku dhaqan caasida soomaaliya qaraxyada joogto uga dhigay? soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa(mas madaxaa laga dilaa) muqdisho waa madixii umada soomaaliyeed, hadii ay muqdisho nabad noqoto dalka intiisa kale nabad ayuu noqonayaa,hadii ay muqdisho nabad noqon waydo dalka soomaaliya intiisa kale nabad noqon maayo, waana mida keentay in shisheeyuhu uu bartilmaameedsado caasimada soomaaliya ee muqdisho, dhanka kale qaraxyadaan faraha badan ee iska daba dhacaya ayaa ah kuwo loogu tala galay in shacabka soomaaliyeed ficilada iyo damiirka looga qaado, waxaa  hada caado iska noqotay in qarax kasta oo lagu laayo shacabka aan cidina waxba ka soo qaadin, waana mida keentay in dhacabka soomaaliyeed ay noqdaan xoolo waraabe xero ugu xaraysan, si kastanba ha noqotee waxaan halkaan ka cambaaraynaynaa falkii waxashnimada ahaa ee shalay galab lagu xasuuqay shacabka muqdisho, halkaan waxan tacsi tiiraanyo uga dirayaa dhamaan ehelkii iyo qaraabdii iyo awlaadii ay ka baxeen dadkii shalay lagu laayey muqdisho waxaa leenahay samir iyo iimaan allaha idinka siiyo, intii dhaawacantayna allaha caafiyo, intii ku xoolowaydayna meelkale allaha ka soo galiyo dhaaqaale kale. aamiin.

wariye maxamd cali muqdisho.

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :