asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

ha iska daaqo danbiile walba waqti buu lee yahay

danbiile axmad madoobeWaxkasta oo dunida yaala waxaa ay lee yihiin waqti ay bilowdaan iyo waqti ay dhamaadan, qofka aadanaha ahi waxaa uu laayahay waqti uu dhasho iyo waqti aad u ayar oo uu dunida isaga tago, nolosha aduunyadu waxaa u macaan midii aad ku haysato amaan iyo caafimaad iyo maal iyo cibaado iyo awlaad saalax ah,aadanaha ilaahay abuuray waxaa ugu liita qofkii ilaahay iyo umadiisa la dagaalama, waxaa hubaal ah qofkasta oo xaqdaro kudila noolaha ilaahay abuurtay waxaa uu ku danbayn doono nolol xumo iyo nabadgalyo la,aan.

Maanatay qolaalkaga waxaan ku eegayaa danbiilaha wayn ee fadhigiisu magaalada kismayo kasoo lagu magacaabo axmad madoobe, danbiile axmad madoobe ayaa dalka soomaaliya ka gaystay danbiyo aad u culus oo uu ka galay ilaahay iyo umadiis, axmad madoobe ayaa gaboodfalo aad u foolxun u gaystay umad aad u badan oo soomaali ah, danbiile axmad madoobe ayaa ku eedaysan inuu xasuuqay kumaankum ruux oo soomaali ah, isku celcelin dadka uu laayey iyo dadka waxyeelada kala duwan u gaystay ayaa tiradooda lagu sheegaa 30,000 oo ruux oo soomaali ah oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel iyo caruur iyo haween, danbiile axmad madoobe ayaa ah nin argagixiso ah oo ku mamay dhiiga shacabka soomaaliyeed, axmad madoobe ayaa hada ku sugan kismayo, waxaana uu ku haystaa ciidan isugu jira argagixiso ah iyo ciidan liyuu bolise ah, ciidanka argagixisada ee uu haysto ayaa ah ciidankii shabaabka ahaa ee uu ka dhinatay xasan turki ee fadhigoodu ahaa raaskambooni, ciidanka ka ee liyuu boliska ah ayaa ah ciidankii cabdi iley ee dhibaatooyinka ka soo gaystay gobolka soomaali galbeed, danbiile axmad madoobe ayaa ciidamadaas ku biila dhuxusha uu ka dhoofiyo dekada kismayo, danbiile axmad madoobe kismayo waxaa ku wehliya ciidan cadawga ah oo kenyati ah oo garab u ah, danbiiile axmad madoobe shacabkii ku noolaa kismayo waxaa uu ka dhigay qaar uu laayey iyo qaar uu xirxiray iyo kuwo isaga qaxay kismayo iyo kuwo naftooda la aamusan, hada waxaa is waydiin mudan xagee ku eg yahay  waqtiga uu axmad madoobe dhibaataynayo shacabka reer kismayo, hadiise danbiile axmad madoobe uu kismayo ka tago xagee dunid uga noolaan doonaa? waxaa muuqata inay gababo tahay waqtigii uu axmad madoobe uu kismayo xoog ku haysan lahaa, waxaa kale oo muuqata inuu xabashi  magangali doono inta noloshiisa ka dhiman sidii sidii cabdi iley uu xabashi u magan galay, shacabka soomaaliyeed waxaa ay indhaha ku hayaa meelkasta oo uu danbiile axmad madoobe dunida uga dhaqaaqo, danbiile axmad madoobe ayaa laba maalmood kahor waxaa uu tagay magaalada afmadow, magaalada afmadow waxaa degan beel soomaaliyeed oo sharaf leh oo aan wax lug ah ku lahayn tacadiyada uu axmad madoobe u gaystay shacabka faraha badan oo soomaali ah, g/jubada hoose waxaa wada degan 28 beelood oo soomaali ah, majirto beel uu san dhibaato u gaysan danbiile axmad madoobe, si kastaba ha noqotee faldanbiyeedka foosha xun ee uu ku eedaysan yahay danbiile axmad madoobe waxaa kula jira sadex nin oo kismayo ku sugan oo lakala yiraahdo (1) darwiish(2)claahi timajilic(3) iyo seeraar, midwalbana waa qoran yihiin wixii uu ka gaystay gobolka jubada hoose, ugu danbayntii danbiile walba waxaa uu lee yahay waqti yar oo uu calooshiisa la ciyaaro, waxaa ii muuqda inuu gabalkiisu dhacay gacan ku dhiigle axmad madoobe.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :