asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

xaawalayda ayaa lagu yaqiin xanta ee ragiibaa ka xoogay xantii

xantaMaantay waxaan rabnaa inaan waxyar ka sheegno shayga layiraahdo xanta, shayga la yiraahdo xanta waa shay aad u xun oo lagu  mamnuucay diinta islaamka iyo dimihii ka horeeyey, diita islaamka aayado badan iyo axaadiith badan ayaa lagu sheegay xumaanta ay leedahay in qof laxanto, aayada 21 aad ee suurada laatuqadin ayaa ka mid ah meelaha ay diinta islaamku uga waran tay xanta,(أَيُحِبُّ أَ حَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ) ayaadaas macnaheeda ayaa ah majeceshay inaad cunto hilibka walaalkaa oo mayd ah, ayadoo sidaas loo cadeeey xumaanta ay leedahay xantu ayaa hadan umada soomaaliyeed ay caado ka dhigteen inay isxantaan, waqtiyadii hore dumarka ayaa aad ugu badnayd xamashada, laakiin arinta mucjida noqotay ayaa ah in ragii soomaaliyeed ay haweenka kaga dheereeyeen xanta, ragii hore marka ay isu yimaadaan waxaa ay ka sheekaysan jireen waxyaabo badan oo taariikh ah ama jab iyo mucjiso hada kor ku dhacday, maanatay raga soomaaliyeed ee nool waxaad ku arkaysaa kuwo shaqo ay u tahay inay wax xantaan sidii dumarkii, oo waliba sida ay wax u xamanayaan aad ka yaxyaxayso, waxaad arkaysaa nin habeen iyo maalin u taagan inuu xan been abuur ah faafiyo, ragaas qaarkood waxaa ay baraha bulshada ku xantaan xaasaskooda iyo qaraabadooda, waxaad arkasaa nin leh isu umaada xan faresha ah ayaan hayaa, isla markiiba waxaa u imaanaya boqlaal iyo boqlaal soomaali ah oo ku raaxaysanaya xanta beenta ah ee uu sheegayo daalinku, hadaba waxad ogaataa in qofwalba lagula xisaabtamayo waxa uu ku sameeyey xubnihiisa ,dhagta iyo isha iyo afka iyo adimada iyo meelkasta oo ka mid ah jirkaaga wixii aad ku samayso  waxaa qoraya malaaigaha garbahaaga saaran, raga soomaalida ah ee baraha bulshada ka wada xanta iyo xishood la,aanta ayaa ah kuwo ku dhacay dabintii shaydaanka, waxaana ay iska nasaqeen  haybadii raganimo ee ilaahay u buuray, waxaa ceeb ah in nin  rag ah oo ka sheekaynaya  cawro iyo caariyaad iyo ceebo kasii xun uu ku dhexfaafiyo bulshada dhexdeeda, waxaa ceeb ah in lacaayo dumarka, waxaa ceeb ah culumada lacaayo, waxaa ceeb ah nin madax ah  ama masuul ah la jaaifeeyo, waxaa ceeb ah in qof aan ceeb lahayn ceeb loo yeelo, waxaa ceeb iyo danbi ah in wax la xanto ama wax lacaayo, dhanka kale raga ku sifaysan inay dadka xantaan iyo inay dadka aflagaadeeyaan waxaa ay u qaybsamaan laba qaybood, qayb wa kuwo ay horay sariigtu uga tagtay oo ayagoo wax caayaya ayey wajiyadooda sooban dhigaan, kuwana wajiyadooda ayey qarsadaan oo waxaa ay ceebahooda ku soo gudbiyaan  qoraal iyo cod, hadaba kuwa wajiyadooda qarsada ayaa looga aqoon badan yahay kuwa aan wajiyadooda qarsan, waxaad ogaataan in qof walba oo internetka wax soo galiya in la og yahay magaciisa oo sadexan iyo wajigiisa iyo halka uu warka kasoo galiyiy iyo guriga uu seexdo  iyo taleefankiisa iyo eheladiisa iyo cida uu ku abtirsado, hadii la soo raadiyana wax yar 3 saacadood ayaa logu soo helaya meesha uu dunida uga nool  yahay, qaar badan oo qaribay baraha bulshada ayaan raadinay kadibna soo ogaanay inaysan soomaali ahayn balse ay barteen afka soomaaliga,marka waxba kuuma tarayso  waji la qarsado, ugu danbayn waxaan kula talinlahaa shacabka soomaaliyeed inay ka waan toobaan inay is xantaan oo ay waliba been isku xantaan,iyo inay faafiyaan ceebaha dadka iyo cawrada dadka.

by xaashio

 

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :