asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

kuwii badda kenya u sixiixay danbiilayaal mayihiin mase mahan ?

danbiile yaal mayihii mise maahanUmada soomaaliyeed hadii aysan run isu sheegin been ayaa u duugan,  waxaa jirtay qaylo dhaan baahan oo ku aadan duulaanka  qaawan ee ay dawlad ku sheega kenya ay ku soo qaaday dalka soomaaliya kaasoo ay ku doonayso inay ku boobto dhulbalaaran oo ay leedahay umada soomaaliyeed, damaca ay doqonimadu wehliso ee maamulka nairobi ku doonayaan dhulka soomaaliyeed ayaa noqday mid ka yaabiyey  dunida oo dhan, maamulka wareersan ee sawaaxiliga ayaa ku doodaya inay badda soomaaliya u siixeen koox soomaali ah, hadaba talada iyo ilaalinta dhulka soomaaliya ma waxaa go,aankeeda iska leh shaqsiyaad mise waa wax u dhexeeya umada soomaaliyeed, ragii heshiiska qarsoodiga ah kenya kula galay dhulbadeedka soomaaliyeed waa joogaan mana ahan rag dhuunatay, umada soomaaliyeed ma iswaydiisay in kuwii badda soomaaliya heshiiska kula galay kenya inay yihiin danbiileyaal iyo inaysan ahayn, mayihiin ragaasu kuwo qiyaamo qaran galay mise waa rag wanaagsan oo hawl wanaagsan qabtay, waxaa ii muuqda inaysan soomaalidu isu sheegin wax run layaraahdo, dadkii badda soomaaliya kenya kala macaamilooday waa badnaayeen waxaaeu miiska saaran afar nin oo lakala yiraahdo (1) cabdiraxmaan c/shakuur, cumar /c/rashiid /c/raxmaan ibbi iyo sheekh shariif, afartaas nin waxaa ay ku eedaysan yihiin inay ku fudaadeen hanti qaran oo umada soomaaliyeed ka dhaxaysa, ragaas lama oga inay dhaqaalo ka qaateen kenya iyo in kale, dabagal dheer oo aan ku samaynay afartaas nin ayaan ku soo ogaanay in afartooduba  ay salka lagaleen beelihii soomaaliyeed ee ay ku abtirsanayeen, taasoo ay uga raadgadanayaan eedaymaha ay umada soomaaliyeed u haysato, hadaba beelaha ay ka soojeedaan afartaan nin wax lug ah maku leeyihiin danbiyada loo haysto ragaan?, jawaabtu waa maya wax shaqo ahna kuma lahan oo waa ceeb ka siil, danbiga qofkii galay ayuu ku eg yahay, shaqsiyan hadii aan ka hadlo aragtida ku saabsan kuwii heshiiska guracan la galay kenya waxaa u arkaa inay yihiin danbiileyaal galay qiyaamo qaran una baahan in lamaxkameeyo, maxayeelay waxaa ay ay isku dayeen inay gacanta ka bixiyaan dhaxalkii umada soomaaliyeed, waxaan ku talin lahaa afartaas nin inta ay xalaal ama xaaraan mid noqonayaa aan  loo dhiibin wax xil dawladeed ah, afartii eedaysane sadex ka mid ah wax shaqo ah uma hayaan umada soomaaliyeed, c/raxmaan ibbi ayaa ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka soomaaliya, taasoo ay khalad tahay, booska uu c/raxmaan ibi ka hayo baarlamaanka waa in lagu badalaa ninkale oo ka soo jeeda beeshiisa maadaama uu baarlamaanku ku dhisan yahay awood qaybsi, c/raxmaan ibii waxaa uu laxukun yahay ragii kale oo loo haysto badda soomaaliya, hadii ragaas waxba lagu waayo umadooda ayey ka mid noqonayaan, hadiise uu danbigaas ku cadaado waxaa ay mutaysanayaan ciqaab aad u culus. ugu danbayn waxaan kula talinlahaa afarta nin ee aan kor ku xusay inay meel ka fariistaan arimaha soomaaliya inta aad xalaal ama xaaraan aad midkood noqonaysaan.

sc by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :