asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

halyey maxamad siyaad ma dhintay mise waa nool yahay

allah u naxariistoWaxaa jira dad badan oo soomaali ah oo ku kala nool dalka iyo dibada oo ay noloshoodu dhibaato ku tahay bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, hadii uu dhinto mid ka mid ah dadkaas waxaa ka dhigan tahay hal cudur oo ay bulshadu ka bogsootay, hadaba maxay yihiin dadkaas xanuunsan?, dadkaasu waa kuwo cudurka xambaarsan kana jiran xaga qalbiga, maskaxdoodu faaruq tahay, waa dad ay qabyaaladu ka gashay lafaha iyo dhiiga iyo dhuuxa, waa dad aan waxtar ahayn, kuna soo koray meel xun laguna soo koriyey xoolo xaraan ah, dadkaasu ma salaaman qof aysan aqoon qabiilkiisa, salaada kuma xirtaan qof aan qabiilkiisa ahayn, dadkaasu oroos iyo xabaal aan qabiilkooda ahayn kama qayb galaan, ma dhagaystaan idaacad aan qabiilkoodu lahayn, lama socdaan cid aan qabiil kiisa ahayn, dadkaasu ma oga waxa jira dunida kale, dadkaas qaarkood ma oga cida madaxwayne ka ah soomaaliya, intooda badan waxaa ay marwalba hadal hayaan dawladii kacaanka oo ay moodayaan inay wali xukunto dalka soomaaliya,  waxaa ay leeyihiin waa inaan ridnaa dawlada kacaanka, waa dad ay maskaxdoodu mar hore fariisatay, qaar ka mid ah dadkaas oo aan dabagal ku samaynay taariikh nololeedkoodii ayaa ku soo ogaanay inay markoodii hore ay ahaayeen dad doqomo ahaa oo aan waxba loo dirsan jirin oo hadana habaar waalid qabay, taas ayaa keentay inay ka habaabaan jidkii wanaagsanaa kana shaqeeyaan xumaanta iyo qabyaalada, hadaba maxaan u soo qaadanay  allaha u naxariistee magaca marxuum maxmad siyad bare ? waxaan u soo qaadanay halyey maxmad siyaad inaan u sheegno dad badan oo soomaali ah oo qalbiga ka xanuunsan in allaha u naxariistee  maxamad siyaad bare uu dhinay janaury 2 1995, ayna ka danbeeyeen 6 madaxwayne, dalkana uu hada madaxwayne ka yahay maxamad c/aahi farmaajo, si kastaba ha noqotee dadkaan xanuunsan waxaa ay maskaxda ka wasaqeeyey dhalinyaro ay nolosha dunidu u cusub tahay, waxaana ay ku abuureen cudur ah inaysan dhexgalin bulsha soomaaliyeed, ugu danbayn illahay asagaa garanaya waxa uu bulshada ugu dhex hayo daalimiintaan qabiilku dilooday. dhanka kale dawladii kacaanka ee uu xukumayey halyey maxamad siyaad bare majirin wax dawlad ah oo ka horaysay, mana jirin wax dawlad ah oo ka danbaysay, allaha u naxariisto maxamad siyaad bare waxaa uu ahaa nin zaciim ah oo daacad ahaa oo hadana wadani ahaa, dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaa uu gaarsiiyey meel aad u saraysa, mana filayo inuu soomaaliya soo mari doono maxamad siyaad bare oo kale, qabrigiisa allaha u nuuriyo. aamiin

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :