asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

hadii aadan xishoonayn wixii aad rabto samee

إِذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْتَ )) رواهSida laga soo xigtay rusushii iyo ambiyadii hore ayaa dhahaysa(إذا لم تستح فاصنع ما شئت) taasoo macnaheedu yahay hadii adan xishiinayn wixii aad rabto samee, shayaga layiaraahdo xishoodaka waa qayb ka mid ah iimaanka, qofku hadii uusan lahayn iimaan waxba ka xishoon maayo, qofwalba oo aadana ah waxaa looga baahan yahay inuu ka xishoodo ilaahay iyo umadiisa, qofku hadii uu xishood laga waayo waxaa xaqiiqo ah inuu aduunkana foolxumo la joogayo aakhina cadaab mutaysanayo, qoraalkayga ayaa doonayaa inaan farta ku fiiqo dad badan oo caadaystay inay marwalba ka shaqeeyaan waxyaabo badan ee ceeb iyo foolxumo ah, dadkaasu waxaa ay fasahaad aad u badan ka wadaan dhanka social media, waxaa ay baraha bulshada ku faafinayaan waxyaabo aan ku fiicnayn inay bulshadu aragto ama maqasho, dadkaas waxaa hunguri ka galay inay sharaftooda iyo iimaankooda ku badashaan lacag aad u yar oo ka soo gasha  adsense, fidnada iyo cayda iyo cawrada iyo beenta iyo isku dirka lagu faafinayo baraha bulshada ayaa ah waxyaabaha caadada u ah ma xishooda yaasha aan kor ku soo sheegnay, dhaqanxumada joogtada ah ee ay soomaalida qaribani soo galinayso mediyaha ayaa noqday nid aragagax badan ku abuuray soomaali badan oo uu ilaahay iimaan siiyey, si kastaba ha noqotee dadka xishoodka katagat marka la leehay(hadii aadan xishoonayn wixii aad rabtaan sameeya) ma ahan in loo ogol yahay in wixii ay doonaan sameeyaan, ujeedadu waxaa weeye waad ka shalayn doontaan wixii aadsamayseen, oo waa loo goodiyey, ugu danbayn waxaa xaqiiqo ah kuwa ceebaha iyo xumaanta ku faafiya baraha bulshada in ciribkooda danbe uu ku danbayn doono cadaabka alle. by xaashi

عَنْ أَِبي مَسْعُوْدٍ عُقْبَةَ بِنْ عَمْرٍو الأَنْصَارِيِّ البَدْرِيِّ رَضِىَ االله عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُوْلُ االله صَلَّى االله عَلَيْهِ وَسَلَّم : (( إِنَّ مِمَّا أَدْرَكَ النَّاسُ مِنْ آَلاَمِ النُّبُوَّةِ الأُوْلَى: إِذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْتَ )) رواه البخاري

 

 

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :