asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

giphy (1)

Home » somali news »

caasimada muqdisho maxaa ku koobay qaraxyada ?

Mogadishu-780x405Caasimada dalka soomaaliya ee muqdisho waxaa ku soo noqnoqday  qaraxyo joogto ah oo waxyeelo badan u gaystay  shacabka ku dhaqan magaaladaas, qaraxyadaas waxaa dhinac socda dilal joogto ah oo lagu laynayo shacabka, hadaba waxaan iswaydiinay  maxaa qaraxyada iyo dilalka ku koobay muqdisho? su,aashayda jawaabteeda qofkii soomaali ah oo waxgaranaya aad ayuu u fahmi karaa, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa mas madaxaa laga dilaa, magaalada muqdisho waa madaxii iyo wadnihii dalka soomaaliya, muqdisho waa halka ay taalo dawladnimada soomaaliya, muqdisho waa meesha uu  ka soo fulo muraqa iyo maskaxda soomaaliyeed,muqdisho waxaa ku soo duulayumado badan oo shisheeye ayaa goaan ku gaaray inaysan muqdisho nabad noqon, dawlado shisheeye oo adeegsanaya danbiilayaal dawladdiid ah ayaa muqdisho miino ku asqeeyey, sababta ka danbaysa qaraxyadaan ayaa ah inaan soomaaliya waligeed ka dhalan dawlad iyo kala danbayn, hubka iyo aaladaha casriga ah ee lagu qarxinyo shacabka soomaaliyeed ee ku sugan muqdisho waxaa keena dawlado waxaana uu ka soo degaa dekadaha iyo garoomada, waxaana lagu keenaa diyaarado iyo maraakiib, dawladaha shisheeye ee cadawga waxaa ka go,an inay umada soomaaliyeed ka baqtiiyaan iftiinka dawladnimo ee ka bidhaamaya caasimada soomaaliya, qaraxyada iyo dilalka ka socda caasimada soomaaliya waxaa dhinac socda boob lagu hayo baddaha iyo bariga soomaaliya, waxaa si aan gabasho lahayn loo boobayaa khayraadkii ku jiray dalka soomaaliya, dawladii soomaaliyana wood uma lahay ay wax uga qabato boobkaas, dawladii iyo shacabkii sooaaliya waxaa ay ku mashquuleen oo la daalaa dhacayaa qaraxyada iyo amni darada ka jirta gudaha soomaaliya, si kastaba ha noqotee dad yar oo danbiilayaal ah oo u shaqeeya shisheeyaha ku duulay soomaaliya ayaa caasimada soomaaliya xarumo ka samaystay, waxaana ay caasimada ka fulinayaan waxkasta oo dhibaato ku ah dadka iyo dawlada, ugu danbayn xasuuqa lagu hayo shacabka soomaaliyeed ee ku sugan caasimada soomaaliya ee muqdisho ayaa ah mi aad u xanuun badan, waana mid dhaawac iyo dhabarjabin ku ah umada soomaaliyeed, waana mid u baahan inay umada soomaaliyeed u midoobaan sidii ay isaga qaban lahaayeen waraaba yaashaan dad cunka ah ee ku soo duulay umada soomaaliyeed.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :