asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

khayre1

Home » somali news »

maxay qaada qabyaalad qurbo lala joogo

QABYAALAD-e1444160771642Waxaan si sax ah loo ogayn waqtiga ay umada soomaaliyeed ka ilbixi doonto ku dhaqanka qabyaalada, umada soomaaliyeed ayaa si xad dhaaf ah ugu dhagan isticmaalka qabyaalada, waxaana moodaa inaysan soomaalidu cashar ka qaadan dhibaatada ay leedahay qabyaaladu. umada soomaaliyeed ayaa wax kasta oo ay horumar ku gaari lahaayeen waxay ka hormariyey kobcinta qabyaalada, taasina waxaa ay keentay inay umadaha aduunka u hooseeyaan.

Maanatay qoraalkayga waxaan ku soo qaadanayaa soomaalida nasiibka daran ee qurbaha ka wada qabyaalada. tan iyo 1991 dii waxaa dibadaha u qaxay malaayiin soomaali ah, kuwaasoo magangalo ka helay wadamo kala gadisan ,sababta magangalyada loo siiyey ayaa ahayd duruufo aad u fool xun oo ka muuqday aragooda iyo caqligooda, dadkii soomaalida ahaa ee qurbaha yimid ee magangalyada ka helay wadamada shisheeye waxaa ay u qabsameen qaybo aad u kala duwan , soomaalida qaarkeed waxaa ay u jeesteen waxbarasho iyo shaqo iyo horumar dhanwalba ah, soomaalida qaarkood waxaa ay noqdeen kuwo aan fiicnayn oo shanta kula jira tuugo iyo daroogo iyo danbiyo kale oo badan, somaalida qaarkood waxaa ay noqdeen kuwo ku mashquulsan qabyaalada iyo isku dirka iyo dulmiga iyo faafinta xumaanta iyo ceebaha, waana kuwa u liita intii soo dhooftay, qurbajoogta qabyaalada ku taxan  waxaa ay dhibaato joogto ah ku hayaan dano badan oo ay wadayeelan lahaayeen jaaliyadaha dibada,  qabyaaladiistayaasha qurbajoogta ahi waxaa ay shaki kala galiyeen soomaalidii dibad joogta ahayd. qabyaaladiista yaashu waxaa ay habeen iyo maalin hurinyaan isku dirka bulshada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, qabyaaladiista yaashu waxaa ay meesha ka saareen in la helo gudi  ay ku midaysan yihiin bulshada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, qabyaaladiistayaashu waxaa ay xarumo ka samaysteen goobaha lagu cibadaysto sida masajidyada, hadaba qabyaaladiista yaashu maxay dheef ah oo ay ka helaan qabyaalada?,maxaase ku kalifay inay shaqo ka dhigtaan qabyaalada? wax aan foolxumo ahayn kama helaan qabyaalada, waxaana ku kalifaya qabyaalada shaqsi xumo ay u dhasheen iyo  jiro ka haysa caqliga  iyo maskaxda, shaqsiyaadka ku caanbaxay foolxumada iyo qabyaaladu ma ahan kuwo qarsoon, waxaana ay ka dhexmuuqdaan bulsho walba oo meel degan, si kastaba ha noqotee qabyaalad qurbe lala joogo cidna waxba loogama qaado, qof walba oo ku nool qurbaha waxaa uu xor u yahay gurigiisa iyo shaqadiida, mana jirto cid wax gooni ah wax loogu  dhimi karta qabyaalada, qurbaha cidii ku soo xad gudubtana cid kale waxaa talaabo aan gabasho lahayn  ka qaadaya dawlada martida loo yahay, ugu danbayn qabyaaladiistayaasha ilaahay waa og yahay, umaduna waa ogtahay, aniguna  khibrad gooni ah ayaan u lee yahay inaan ogaado daalin kasta oo dhibaya bulshada soomaaliyeed, waana mid hibo rabbi gooni ii siiyey inaan gartokana digtoonaado daalimiinta, hadiise aan dhexqaaday bulshada soomaaliyeed uu ku nool dibada iyo gudaha  waxaa iila liitay shaqsiyaadka ka shaqeeya qabyaalada.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :