asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

khayraadka soomaaliya yaa shisheeyaha ka celin ?

boobka-badda-soomaaliya-e1502543018266Dalka soomaaliya waa dal uu ilaahay ku manaystay kharaad aad u fara badan oo aysan haysan dad yow badan oo dinida ku nool, khayraadka kabuuxa dalka soomaaliyeed waa ka baahan yihiin umadii soomaaliyeed ee iska lahayd, khayraadka soomaaliya waxaa ka faaiidaystay  oo si joogto ah ugu nool umado shisheeye oo ad u badan, khayraadka ku jira badda iyo bariga soomaaliya waxaa ku baratamaya shirkado iyo dawlado shishisheeye, kuwaas oo aan umada soomaaliyeed waxba k awaydiinayn khayraadka ay guranayaan,umadii soomaaliyeed ee iska lahayd  khayraadkaas waxaa ay ku mashquulsan yihiin arimo nacasnimo ah oo ay sal u tahay jaahilnimo, aragtida gaaban ee soomaalida habsaamisay ee ku saabsan in qabiil qabiil loo noolaado ayaa keenatay  inay meesha ka baxaan dawladnimadii iyo karaamadii umada soomaaliyeed, arinta mucjisada ah ee dunida oo dhan layaaban tahay ayaa ah in ay umada soomaaliyeed cashar ka qaadan waayeen dhibaatada ay qabyaaladu u gaysatay, rubac qarni ama 30 sano oo ay umada soomaaliyeed dawlad la,aan ahaayeen ayaad moodaa inaysan soomaalidu ka qoomamayn, walina ay dabada ku dhagan yihiin qabiil iyo qabyaaladii, dalka soomaaliya waxaa uu noqday dhul cusub oo la helay oo ay ku nool yiihiin dad yar oo cali baysteen ah, cidii doontaana ay sidii ay doonto kasamayso, si kastaba ha noqotee waxaa duugoowday oo meesha ka baxday halgankii ay aabayaasha soomaaliyeed u soomaareen dalka soomaaliya, balse maantay dalka soomaaliya waxaa wax laga waydiiyaa umado badan oo ay ka mid yihiin (uraago iyo ugaanda imaaraad iyo iiraan iyo ahuru iyo kuwii askareeyey al shabaab,)hadaba waxaa iswaydiin mudan halka uu ku danbayn doono mustaqbalka umada soomaalida ee qabyaalada ka dooratay dawladnimada, ugu danbayn soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (laxwalba halkii ay is dhigto ayaa lagu gawracaa) wax kasta oo ku yimaada umada soomaaliyeed ayaga ayaa isu keenay, inshisheeye uu ku gumaysto dalkoodii hadana ay hortooda ku gurtaan khayraadkooda waxaa sabab u ahaa soomaalida oo ilduutay  jidkii xuriyada iyo halganka iyo midnida  una bayrtay jidkii qabyaalada iyo qaxa iyo qoxootinida.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :