asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

maxaa ka jira magaalada muqdisho ?

gacankudhiiglayaalCaasimada dalka soomaaliya ee muqdisho ama xamar waxaa ka jira arimo aad u wanaagsan oo ah horumar dhan walba ah oo ku talaabsadeen shacabka ku dhaqan magaladaas, hurumarkaas waxaa dhinac socda dhibaatooyin ay wadaan shaqsiyaad danaystayaalah oo danbiilayaal ah, shacabka ku dhaqan muqdisho waxaa dagaal iyo qalalaase iyo amaan daro joogto ah ku haya shaqsiyaad danbiilayaal ah oo la garanayo ,ujeedada danbiilayaasha ayaa ah inay muqdisho sii ahaato meel mugdi ah oo aan wax nolol iyo amaan ah ka jirin si ay danahooda guracan u garaan, danbiilayasha qalalaasaha ka wada caasimaada muqdisho ayaa isku dayaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen nadaamka dawladeed ee hada ka jira soomaaliya, danbiilayaasha waxaa xanuun aad u badan ku haysa dawlada soomaaliya oo soo celisay haybadii dawladnimado ee uu lahaa dalka soomaaliya, markasta oo ay dawlada soomaliya sii hormariso kabayasheeda dhaalaha iyo siyaasada iyo amaanka waxaa ay danbiilayaashu uga fal celinayaan falal amni daro iyo qaraxyo,danbiilayaashu waxaa ay aad uga shaqaynayaan wax kasta oo cuuryaaminkara dalka iyo dadka soomaaliyeed, danbiilayaashu waxaa ay isugu jiraan kuwo u adeegaya cadowga umada soomaliyeed iyo kuwo danaystayaal ah, shacabka soomaaliyeed ee ku sugan magaalada xamar ayaa ah shacab  aad u wanaagsan oo aan ka daalin sidii ay dalkooda iyo dadkooda u hormarin lahaayeen, shacabka ku dhaqan ku dhaqan muqdisho waxaa ay u dhabar adaygeen dhibaatooyinkii mudada dheer hasey caasida soomaaliya, shacabka muqdisho waxaa ay ku dadaaleen sidii ay muqdisho u noqon lahayd magaalo nabad ah oo ay ka jirto dawlad xoogleh, shacabka ku dhaqan muqdisho waxaa ay gacmo furan ku soo dhaweeyeen cid walba oo wada oo wada wanaag iyo dawladnimo, shacabka muqdisho waxaa ay la daalaa dhacayaan qaraxyada iyo dilalka ay ku asqeeyeen danbiilayaashu, kuwa diidan dawladnimada ee soomalida ah waxaa uu fadhigoodu yahay  gudaha iyo dibada soomaliya, danbiilayaasha dhamaantoodna waxaa la wadayaaqanaa magacyadooda iyo qabiilada ay sheegtaan iyo  guryaha ay ku nool yihiin iyo lamabarada kala duwan ee ay isticmaalaan, nasiibdarada haysta danbiilayaasha ayaa ah walwal iyo cabsi waxaana ay ku jiraan dhuumasho iyo isilaalin badan, waxaana ku yaraaday aduunka, danbiilayaashu waxaa noloshu la gashay  inay qaab qabiil ah u noolaadaan , danbiilayaasha intooda badan waxaa ay salka la galeen hab beeleed, danbiilayaasha ku nool gudaha soomaaliya waxaa ay gudaha soomaliya ka samaysteen ciidamo beeleedyo ilaaliya  noloshooda, danbilayasha ku nool dibada waxaa ay guryo ka gateen tuulooyinka fog ee aysaan deganayn soomaalidu, waxaana ay haystaan bastoolado loo sharciyeeyey iyo kuwo aan sharci ahayn, hadana kalsooni badan ma qabaan, hadaba danbiilayaasha soomaaliya waxaa ay isugu jiraan dhowr qaybood, dhamaantoodana waxaa ay ka midaysan yihiin lugooyada shacabka soomaaliyeed, si kastaba ha noqotee taageerayaasha danbiilayaasha  waxaa ay ku dhexmilmeen laamaha dawlada sida xildhibaanada iyo ciidamada qaybaha garsoorka iyo arimaha bulshada, waxaa kale oo ay argagixisadu ku dhex milmeen culumada, hadaba waxaa xaqiiqo ah in waqti kasta oo ay gaarto ay guldaro ku dhici doonto shaqsiyaadka la garanayo ee argagixiyey shacabka soomaaliyeed, waxaana xaqiiqo ah inaan la isu daynayn dadka lagu xasuuqayo gudaha soomaaliya, qof kasta oo danbiile ah kama badaali doono sharciga , waxaana la marin doona  wajibad ay leedahay wixii uu sameeyey, waxaana loo hayaa cadaymo buuxa, ugu danbayn run iyo been meel ma wada galaan ,waxa ka jira soomaaliya runta ayey tagaysaa, waxaana laga adkaan doontaa kooxaha danbiilayaasha ah ee argagixiya  shacabka soomaaliyeed.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :