asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

soomaalidu 1991 ayey il duuftay ee yeysan ilduufinka 2019ka

DAWLADDIID1-e142431865641111Sida lagu yaqaano ilduufka siyaasada iyo talaxumada ayaa ah mid hadii aad halmar ah ilduufto dhabarka kaa jabiso oo hadana ku disho, ilduufka siyaasadeed inta badan ma ahan mid laga soo kabto ilaa daaqada ay ka baxaan kuwii hogaanka u haa ilduufka siyaasadeed, umada soomaaliyeed 1991dii  ayey ka ildoofeen nabad galyadoodii iyo dawlad nimadoodii, waxaana ilduufiyey koox qaldanayd oo ay hogaanka u dhiibteen, ilduufkii siyaadeed ee dhacay 1991 ayaa ahaa mid taariikh xun uga tagay dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana mugdi galay qaranimadii umada soomaaliyeed, induufsiysadeed ee dhacay 1991tii waxaa ka dhashay in inta badan dalka soomaaliya ay qabsadaan umado shisheeye ,waxaa kale oo dhashay burbur iyo qax iyo qoxooti  iyo qasaaro dhanwalba ah oo soo gaaray dalkii iyo dadkii soomaaliyeed, hadaba muxuu ahaa ilduufkii siyaasadeed 1991dii soo gaaray soomaalida?,aniga oo dib ugu noqonayn arimihii badanaa ee soomaray dawladnimadii soomaaliya ayaa rabaa inaan soo qaadto intii u dhaxaysay burburkii soomaaliya iyo dawladnimadii soomaaliya.

Dawladii dhexe ee soomaaliya waxaa ay dhacday janaayo 1991dii,hogaankii dalkana waxaa la wareegay horjoogyaashii riday dawladii soomaaliya, waxaa madaxtooyada soomaaliya shir balaaran isugu yimid horjoogayaashi riday dawladii kacaanka, shacabka soomaaliyeedna waxaa ay sugayeen madaxwane cusub oo badala kii hore, laakiin shirkoodii kama soo bixin wax dan u ahaa dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana ay si layaable u ilduufeen siyaasadii iyo nadaamkii dawladnimo, kuwii madaxtooyada ku shiray waxaa ay ku heshiiyeen inay qaadaan dagaal ku salaysan irir sifayn, shacbka soomaaliyeed ee sunagayey madaxwaynaha cusub waxaa ay ka war heleen baabuur ay xiran yihiin  makafoono waawayn oo  ku qaylinaya reer hebel hala laayo, ka dib dalka soomaaliya waxaa ka bilowday dagaalo sukeeye iyo guuldaro kalagaartay shacabkii soomaaliyeed, tala xumadii maalitaas ka dhacday madaxtooyada soomaaliya waxaa ay sababtay in 29 sano ay soomaaliya dawlad la,aan  ahaato, shacabka soomaaliyeedna aad iyo aad uga shalaayeen taladaas guracnayd, kuwii ka danbeeyey talaxumadaas taariikh madoow ayey uga tageen dalka soomaaliya.

Dadaal dheer oo ay umada soomaaliyeed u gashay soo celinta sharafkii iyo dawladnimadii soomaaliya ayaa waxaa u suurto gashay inay dhistaan dawlad, 1991kii waxaa ka danbeeyey dhawr dawladood oo mid meel soo gaarsiinayey, dawlada u danbaysay ayaa ah mida uu madaxda ka yahay madaxwayne farmaajo, waxaana ay dadaal  ugu jirtaa sidii ay 18ka gobol u gaarsiin lahaayeen adeega dawlada,

Hadaba dawlada curdanka ah ee ka jirta soomaaliya waxaa ka hoos dhashay koox daalimiin ah oo raba inay dumiyaan, kooxahaas oo ah kuwo nasiib daran oo shisheeye u adeegaya, kuwaasu shacabkii soomaaliyeed ayey ugu yeerayaan inay hubka qaataan oo qabiil qabiil isu layaana, ujeedadoona waa inay shisheeyaha ka helaan qado maalin ah, kuwa maantay qaylinaya oo diidan qaranimada soomaaliya waxaa ka mid ah kuwii kenya bada soomaaliya ka iibsaday, hadan waxaa ay doonayaan inay  bariga ka iibsadaan shisheeye,

Hadaba shacabka soomaaliyeed waa inaysan mar labaad ilduufin dawladnimada , shacabka soomaaliyeed ceelna uma  qodna  cidna uma maqna, shacabka soomaaliyeed ha taageeraan  dawladooda, dhagahana ha ka furaystaan kuwa liita ee doonaya inay qabiil ku awr kacsadaan,

Si kastaba ha haatee guuldarada siyaaseed ee soo gaartay soomaalida waxaa sababteeda iska lahaa shisheeya aan marwalba  ka daalayn inay habqabiil isaga horkeenaan shacabka soomaaliyeed, shisheeyaha soomaaliya walaaqaya waxaa ay gacanta ku dhigeen koox yar oo doqomo ah oo ay rabaan inay u adeegsadaan kicinta qabiilada, ugu danbayn umada soomaaliyeed waa inay kafogaataa wax kasta oo keeni kara habac sanaan iyo lugooyo  ku timaada dawladnimada soomaaliya, shacabka soomaaliyeed waa inay su buuxda u taageeraan dawlada soomaaliya, shacabku waa inuu wax ku qaataan dhinaatada joogtada ah ee ay argagixisadu ku hayso,  shacabka soomaaliyeed ha ogaadaan hadii ay dawlad waayaan inay noloshoodu ciriir galayso.

dawlad waa daawo.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :