asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

walaalkaa oo dhunsan lama sii dhumiyo

cay iyo ceebDhawaanahaan waxaa umada soomaaliyeed ka dhex dilaacay dad badan oo ka tagtay xishoodkii iyo sharaftii aadamanimo, waxaana ay caado ka dhiteen inay ka shaqeeyaanyaan  waxyaalaha ay ka midyihiin ceebta iyo cayda iyo foolxumada iyo isku dirka qabayaala iyo waxkasta oo keeni kara inay bulshadu coloobaan, dhawr sano ka hor dadkaasu waxaa ay  ahaayeen kuwo qarsada wajiyadooda oo si dadban ayey internetka iyo taleefanada waxa xun ugu faafiya,laakiin maantay dadkaasu waxaa ay si bareer ah wajiyadooda u soo dhigeen  baraha bulshada ayaga oo aan cidna ka jixinjiaxayn, waxaana ay caayaan cid walba oo ah madax iyo masuul iyo culumo iyo caamo iyo marwo iyo mudanayaal muslimiinta soomaalida ah, mana jiraan cid ay nabadgaliyaan, habeen iyo maalin waxaa ay ka qaylinayaan youtubeka iyo facebooga, waxaana ay sheegayaana waa wax laga yaqyaqsoodo,arinta mucjida ah  ee aan layaabay ayaa ah inay jiraan dad badan oo soomaali ah oo taageeto buuxda u ah dadkaan daalinka ah ee internetka ka caytamaya, waxaana  ay caydooda ka bixinayaan comments ay ku amaanayaan kadibna like ayey saarayaan ka dibna subscribe ayey leeyihiin waana shere garaynayaan, hadaba qofkii daalinkii ahaa markii uu ogaado  in dadbadan oo taageero u ah  ay internetka ku jiraan waa uu ka sii darayaa oo waxaa uu marba marka danbaysa la soo baxyaan ceeba ceebta ay ka wayn tahay, dhanka kale keen danbi badan qofka ceebaha faafiya iyo qofka taageeraha u ah, labadoodu waa isku danbi oo aduun iyo akhiro camal wanaagsan uma yaalo, hadab tukayasha soomaalida ah ee youtubka ka iyo facebooga caytama inay yihiin kuwo ilaahay dunida ku duleeyey, noloshooduna malahan wax qaymo ah,cimrigooduna waa qasaaray, waxaana sidaas ka dhigay ceebaha  ay falayaan, ugu danbayn umada soomaaliyeed waxan ku waaninayaan inay ka fogaadaan dadka xun xun ee ceebta iyo cayda u duuban uu ka buuxa baraha bulsha soomaaliyeed, waa inaad dhagahiina  iyo indhahiina iyo qalbiyadiina ka duwdaan  shayaadiinta duloobay ee ka qaylinaya internetka,  umada soomaaliyeed waa inay dhanka wanaagsan internetka uga faaiidaystaan, waxana ogaataan daqiiqad ku dhaaftay kuguma soo noqonayso, wax kasta oo aad samaysan waa lagugula xisabtami, abaalkeedana waxaad ku heli aduun iyo aakhiro.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :