asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

xagee ka socotaa dhibaatoo yinka lagu hayo dhadiga soomaaliya ?

kufsiWaxaa isi soo taraya  qaylo dhaanta ka soo yeeraysa dhibaatooyin joogto ah ee lagu hayo haweenka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka soomaaliya,  6dii bilood oo u danabaysay waxaa dalka soomaaliya ka dhacay tacadiyo aad u fool xun oo lagula kacay haween ku nool dalka soomaaliya, dhibaatooyinka lagu hayo haweenka waxaa ay isugu jiraan dil iyo kufsi iyo gubid, waxaana dhibaatada haweenka u gaysanayana ragga soomaaliyeed oo ka duulaya dhaqanka soomaalida, in ragu ay ku degdegaan dhibaataynta haweenka waxaa sahlay inaysan umada soomaaliyeed lahayn xeer u yaala oo qabanaya qofkii dhibaato u gaysta qof haween ah, sida xaqiiqada ah umada soomaaliyeed uma arkaan haweenku inay yihiin qof la mid ah ragga, oo hadii nin uu dilo haweenay aan loo qisaasi karin, kufsina warkiisba da, sharciga ay umada soomaaliyeed ku maasho haweenka ayaa ah xeer jijab aan wax xuquuq ah siinayn, waxaana taas maqaati ah malaayiinta haweenka ee sida joogtada ah soomaaliya wax lagu yeelay oo aan cidna waxba looga qaban.

Dhanka kale umada soomaaliyeed waxaa ay diideen inay fududeeyaan guurkii, gabar walba oo qoys u joogta waxaa ay lugta uga xiran tahay dhaqaalo fara badan oo laga doonayo nin raba inuu guursado gaba dhaas, dalka soomaaliyana waxaa ka jira shaqo la,aan baahsan,miyi iyo magaalo kasta oo soomaaliya ku taala waxaa ku sugan malaayiin rag ah oo doobab ah oo aan haysan dhaqaale ay ku guursadaan, waxaana dusha kala socdaan malaayiinta haweenka ah ee qaangaarka ah  ee gayaankoodka  ee subax iyo habeenka hortagaan ee ay u waayeen wax dhaqaalo ah ee ay ku guursadaan, taas ayaa keentay in ragu haweenka  tii u dagata ay  rag badan kuwada qamaamaan.

Hadaba 18ka gobol ee soomaaliya kufsiga iyo tacadiyada haweenka loo gaysto waa ku kala badan yahay,  gobolada koofureed sida bay iyo bakool iyo gedo iyo shabeelada hoose iyo jubada dhexe iyo jubada hoose iyo hiiraan aad ayuu ugu yar yahay kufsiga loo gaysto haweenka maxaa yeelay dadka ku dhaqan goboladaan aad iyo aad ayey u fududeyeen guurkii, ninku asaga oo waxba haysan ayaa lagu darayaa haweenayda , cid dhaqaalo karabtana ma jirto,gobolada qariban ee dadka degan ay gabdhaha dhaqaalaha ku doonaya ayaa ah gobolada galguduud iyo mudug, waana gobolada soomaaliya ugu kufsiga iyo tacadiyada badan, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa 20 jir mudug jooga ilaahay uma ceeb asturin, ninka reer muduga ahi hadii uu gabar kufsado ceeb loogama yaqaano goboladaas ee waxaa loo arkaa laba xaniinyood, waana mida keentay inay bataan haweenka lagu wax yeelaynayo gobolka mudug, dhanka kale ninkii reer muduga ah hadii oo ay gabari u dhalato waa u naxdin iyo anfariir oo waxaa uu og yahay in markii ay waynaato la kufsan doono kadibna lagubi doono, si kastaba ha noqotee umada soomaaliyeed waa iany ogaadaan in gabadha iyo wiilku isku xuquu yihiin oo hadii gabadha ladilo loo dilayo qofkii dilay,qofkii kufsadana la marinayo ciqaabtii uu mudan yahay, ma ahan in dhagaha iyo indhaha la iska tiro dhibaatada jooogtada ah  ee lagu hayo haweenka soomaaliyeed, waxaa kale oo aad ugaataan odayaasha u duuban inay difaacaan raga wax kufsaday inay yihiin ku daalimiin ah oo aan khayr lahayn,odoyaashaasu waxaa ay si joogta ah uga shaqeeyaan inay duudsiyaan gabar kasta oo tacadi lagula kacay, ugu danbay waxaa kula talin lahaa umadasoomaaliyeed inay wax la taaban karo ka qabtaan dhaqanka guracan ee haweenka lagu mooroduugayo iyo ragga cadaystay inay haweenka dhibaateeyaan. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :