asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

kenya oo ku qarwaysa dhul badeedka soomaaliya

 KENYA DREAMINGMaamulka wareersan ee ka amar qaata ahuru ee ka taliya narirobi ayaa si qaldan ugu qarway dhulbadeedka soomaaliya,  maamulka nairobi ayaa  u tafa xaytay isku day kasta oo ay ku dhici karaan dhulbadeedka soomaaliya, xukuumada musuqa ah ee kenya ayaa hunguri ka galay dhulka khayraadka badan ee ilaalahy ku manaystay  umada soomaaliyeed, maamulka ahuru ayey la noqotay inay si sahlan ku qaadan karaan dhulka soomaaliya, maamulka nairobi ayaan waxba kala socon taariikhaha uu lee yahay dhulka soomaaliya,  dhulka umada soomaaliyeed ma ahan mid si sahlan lagu degay, dhulka umada soomaaliyeed waxaa horay loogu halaajiyey  umado badan oo kenya ka ciidan iyo cudud iyo caqli badnaa, 19kii qarni ee u danbaysay dhulka soomaaliya waxaa ka socday dagaalo lagu hoobtay  oo lagu difaacayey qaranida umada soomaaliyeed, dhulka umada soomaaliyeed waxaa lagu halaajiyey  xabashi iyo botaqiis iyo ingiriis iyo talyaani iyo carab iyo cajab,xiligii ay umada soomaliyeed ladagaalamaysay  gumaystihii ku soo duulay qaarada afrika reer kenya waa la raran jiray, maamulka nairobi oo ah maamul aan si buuxda  xor u ahayn oo wali ingiriis si dadban u xukumo ayaa hawo ka gashay hanti aysan lahayn oo aflibaax ku jirta, waa og soonahay  cida beenta u sheegtay maamulka nairobi, shirkadaha shisheeye ee mafiya ee u soo bililiqo tagay khayraadka africa ayaa kenya qar ka tuuray , mana filayo inay kenya difaaci doonaan hadii dagaal ku bilowdo,  maamulka nairobi ayaa si qar iska tuurnimo ah ku weeraray khayraadkii badda soomaaliya, tan iyo intii ay maamulka nairobi bilaabeen gardarada ay ku maagaayaan khayraadka soomaaliya waxaa ay umada soomaaliyeed caalamka ogaysiinayeen gardarada qaawan ee maamulka nairobi uu wado, dacwada ICJ  lageeyey ma ahan mid ay umada soomaaliyeed ku qanacsan tahay, wax kasta oo ka soo baxa maxkamadaas  ma ahan mid quseeya dhulka iyo khayraadka soomaaliya, kenya ha ku tala gasho colaad daba dheeraata oo ay la gasho umada soomaaliyeed, waxaa loo baahan yahay in kenya la dhadhan siiyo gardaradu faaiida iyo qasaaraha ay lee dahay, umada soomaaliyeed waxaa ka dhaamay dulqaadkii ay u hayeen maamuulka nairobi, maamuulka nairibi waxaa mudo qarni ah ay  xoog ku haysteen gobolka ay soomaalidu lee dahay ee NFD, gobolkaas waxaa ay maamulka nairobi ka gaysteen gabood falo aad u baahsan, ayadoo ciiilkaas u qabno sawaaxiga ayey hadan u taalaabeen soomaaliya kana gaysteen dhibaatooyin badan, mar sadexaad waxaa ay sawaaxiga kenya isku dayeen inay boobaan khayraadkii badda soomaaliya,  hadaba waxaa buuxsamay sawaaxiga haantoodii, waxaana filayaa in dharbaaxo ay san filayn uga imaandoonto umada soomaaliyeed,  waxaa laga yaaba in sawaaxigi il lee yahay soomaaliya waa kala daadsan yihiin, laakiin arinku sidaas ma ahan, hadii dagaal dhaco u dhexeeya sawaaxilka iyo soomalida wa la ogaan doonaa cidii ka macaashta, hadii la is qabto waxaa meesha ka bixi doona shirkadaha shisheeye iyo soomaalida xun ee u adeega sawaaxilka, ugu danabyn maamulka wareersan ee fadhigiisu yahay nairobi ha ogaado damaca badda soomaaliya inay ka horayso malaayiin ruux sawaxili iyo soomaali ah oo nafta waaya, sawaaxigu ha ogaado inay xaadir yihiin dadkii soomaalida ahaa ee iska lahaa dalka soomaaliya .

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :