asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped) happy_mawlid_nabi__prophet_muhammad_by_vafiehya-d9l5pvf

Home » somali news »

master degree iyo phd laga qaatay soomaaliya xagee ka shaqeeyaan ?

master degreeFasahaada iyo qiyaanada iyo wax isdabamarinta mudada dheer ka jirtay soomaaliya waxaa ay saamaysay wax walba oo ka jira soomaaliya, 30 kii sano ee uu burbursanaa dalka soomaaliya waxaa bulshada soomaaliyeed ka dhaqan galay nidamdaro aad u xun oo shacabkii soomaaliyeed ku riday bohol ay bahalo ka  ka buuxaan, waxyaabaha ka dhashay dawlad la,aantii dheerayd ee ka jirtay soomaliya waxaa ka mid ah in umada soomaaliyeed kala garan waydo waxa ay wada lee yahiin iyo waxa uu qofku goonida u yeelan karo,  waxaa ka dhashay in shacabku ay ku tartamaan lahaanshaha dhulka iyo darajada ciidamada iyo darajada dhaqaatiirta darajada culumada darajada degriga darjada injineernimada, darajada ugaasnimada iyo darajooyin badan, darajooyinkaas ayaa soomaaliya ka noqday kuwo si sahlan lagu helo , qofka soomaaliya ku nool uma baahna inuu darooyinkaas aan kor ku soo sheegay uu  waxbarasho ku gaaro, si fudud ayaa laguugu keenayaa wixii darajo ah ee aad u baahn tahay, waxaana kaa xiga xoogaa lacag ah, hadii wax yar ka jaleecno wax barashada ka jirta soomaaliya ayaa ah mid ganacsi ah oo gacanta ugu jirta niman ku shaqaysta, ardayda wax ka barata iskuulaadaas ayaa bilwalba laga qaadaa lacag doolar ah, waxaana khasab ah in ardaygu wax walba ku baaso, kumaamum iskuul oo aan tayo lahayn ayaa laga furtay gudaha soomaaliya, dhamaantoodna waxa loo magac baxshay jaamacado, mana jirto cid wax ka waydiin karta tayadiisa wax barasho, cidii isku dayda inay wax ka waydiiso waxaa uu salka lagalayaa arimo qabiil, kadibna dawladu waxaa ay noqonaysaa kuwo ku xadgudbay meherad ay reer leeyihiin, dawlada soomaliya ayaa isku dayday inay midayso tayada iyo waxbarashada soomaaliya, waana laga hor yimid,imtixankii laga qaadi lahaa ardayda ayaa laxaday oo lagu faafiifay intarnetka, maxaa yeelay ardaydu ma ahan kuwo sidoo loogu tala galay wax loo baray, mudaharaadka kuwa abaabulaya ayaa ah kuwii iskuulada aan tayada lahayn wax ku cuni jiray, isku soo wada duub wax barashada soomaaliya ka jirta ma ahan ku socota sidii arday wax lagu bari jiray, dalka soomaliya waxaa laga helaa cunug 16 jir ah oo profiser ah oo dictor ah oo injineer ah oo dhamaantoodna ka haysta shahadooyin uu ka qaatay  iskuulada gaarka loolee yahay, hadaba waxaa is waydiin leh xagee dunida ka shaqeeyaan master degreega iyo phd ga laqaato soomaaliya? jawaabtu waa darajoojin ka shaqeeya gudaha soomaalya qaarkood, si kastaba ha noqotee ardayda wax barata iskuulada ganacsiga loo furtay ee ku yaala soomaaliya waxaa ay ka fiican yihiin kuwa aan waxba baran ee balwada iyo qorigasita, ugu danbayntii ujeedada qoraalkayga ayaa ah inaan ku muujiyo sidaa aan uga xumahay  kuwa ardayda waqtiga ka lumiyey ee mushaarka ku ilaalshanaya, oo hadana doonaya inuu qish ku soo barbaariyo ardayda uu lugooyey.

waxaan salaan  iyo sharaf hawada u marinaynaa wariirka waxbarashada soomaaliya mudane goodax bare.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :