asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

run iyo rabi qof aan aqoon ayaa rug ka dhigata facebook

 hacker-stock-image-3Facebooga ayaa noqday xarun ay ku kulmaan aadanaha kuwooda ugu xun, waxaana ay isku dhaafsadaan macluumaad fool xun oo isugu jira been iyo ceeb iyo fawaaxish iyo dulmi, dadka wanaagsan ee adeegsada facebooga ayaa ah%5 ,waxaana ay soo galiyaan waxyaabo dadka anfaca, laakiin %95 dadka qariban ayaa facebooga ku taxan, waxaana ay soo galiyaan wax aan ku fiicnayn anshaxa iyo asluubta, hadii aan jaleecno habka ay umada soomaaliyeedu adeegsadaan facebooga ayaa ah mid ay ka muuqto foolxumo aad u badan, %99 umada soomaaliyeed waxyaalaha ay facebooga soogaliyaan ayaa ah wax ku salaysan aflagaado iyo qabyaalad iyo dulmi iyo isku dir, iyo kicin bulsho iyo dumin dawlo  iyo waxyaabo badan oo ceeb ah, iyo masawiro argagax leh, soomaalidu facebooga waxaa ay kadhigatay goob ay u doontaan fasahaadinta,  faceboogu waxaa uu soomaalida u noqday meelay siyaasada beenta ah u doontaan, facebooga cida adeegsata oo hadana wax ku qorta ayaa intooda badan yihiin dad nolosha kadhacay oo aan waxba isku falayn, waxaana marqaati ah sida ay xumaanta u share garaynayaan,

Dadka xunxun ee facebooga  dhex hurda ayaa isugu jira kuwo wajiyadooda qarsaday iyo kuwo banaanka is keenay, kuwa wajiyadooda qariyey ee wax soo galiya facebooga ayaa ah ku caanbaxay  anshax xumada, kuwaasu waxaa ay marwalba u taagan yihiin inay a facebuuga soo dhigaan sawiro video  iyo qoraalo fool xun oo ay ku argagixinayaan bulshada ku jirta facebooga, kuwaasi waxaa ay isu haystaan inaan la aqoon magaciisa iyo taleefankiisa iyo halka uu dunida uga nool yahay.

kuwa muuqooda iyo wajiyadooda soo galiya facebooga ayaa u qaybsan laba qolo,  qolo waxaa ay facebooga soo dhigaan waxyaalo anfac u leh bulshada oo xaqiiqo ah, waxaa ka mid ah cilmiga maadiga iyo diiniga iyo hidaha iyo dhaqanka suugaanta noocyadeeda kala duwan, iyo wax yaalo kale oo  uu ka mid yahay  cafimaadka.

kooxda kale ee wajidooda soo faliya facebooga ayaa ah kuwo shaydaanka u boqran oo afkooda ka siidaynaya hadalo aad u foolxun,kuwaasu waa kuwo aan ka xishoon ilaahay iyo umdiisa, waxaa ay ku caan baxeen ka shaqaynta fidnada iyo qabyaalada iyo faafinta cawrada iyo ceebaha, waxaa ay caayaan cid walba, kuwaasu wa kuwo nolosha ka dhacay oo aan wax caqibo danbe ah aan aduun iyo aakhiro midna ka lahayn,  waxaase kuwaas ka sii xun kuwa taxan oo ceeb hooda dhagaysta, si kastaba ha noqtee faceboogu ma, ahan meel loo doonto war run ah  oo xaqiiqo ah , waxyaalaha lasoo galiyo %90 waa wax been ah oo danbi kaa soo garayo, doqon iyo damiin iyo munaafaq iyo qofwaalan iyo ma xishoode iyo diinlaawe ayaa facebooga wax ku soo qoraya, marka looma baahna anaad maskaxdaada lagu abuuro khalkhal, marka danbana aad wax walba ogolaatid.

Hadaba sida ugu fiican ee looga nabadgali karo foolxumada ka socota facebooga ayaa ah, adiga oo masaxa oo delete ku sameeya acounka kaaga furan facebooga, hadii aad sidaas yeesho waxaa kuu soo noqonaya camalkaaga aduun iyo aakhiro, waxaa kuu noqonaya sumcadaadii, waxaa ilaalahay kuu furayaa irdaha rizaqa, waxaa ka cafimadaysaa cuduro badan oo ka soo raacay facebooga.

Ugu danbayn umada soomaaliyeed ha ogaato in afka soomaaliga ku hadalkiida iyo qoraalkiisa ay barteen malaayiin ruux oo an soomaali ahayn, kuwaas oo wax ku qora websideyada facebooga twitter instagramka youtubeka iyo madiya kasta oo ay soomaalidu isugu timaado, sababta ay ku waasu afsaamiga u barteen ayaa ah mid ay ka danbeeyeeen dawladaha ay ka soo jeedaan, waa mid laga lee yahay arigti fog, waa dad loogu tala galay inay maxkaxda umada soomaaliyeed wax ka badalaan, waana dad doonaya in soomaalida ku talaalaan arimo aan ka tarjumayn dhaqanka iyo dabeeca iyo diinta umada soomaaliyeed, waana inaan loo daymo la,aan qoraalkayga.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :