asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

waa kuwama dadka iska leh dalka soomaaliya ?

lost peapleDunida aan ku nool nahay  iyo waxa kujira waxaa iska leh  rabigii samyey, marka xigta ilaahay adoomadiisa qaarba meel ayuu aduunyada uga abuuray, umada soomaaliyeed waxaa aduunka ilaahay uga abuuray geeska africa,khaasan wadanka soomaaliya, dhulka soomaaliya waxaa ilaahay ku karaameeyey khayraad aad u fara badan, dhulka ilaahay ugu deeqay soomaaliya waxaa uu leeyahay xeebta dunida ugu dheer, waxaa uu dhulkaasu lee yahay wabiyo waawaayn, dhulka soomaaliya waxaa uu lee yahay cimilo wanagsan , waxaa kalu oo uu lee yahay dhulbeereed balaaran, dhulka soomaaliya waxaa uu lee yahay shidaal iyo macdan aad u badan, dhulka soomaaliya waxaa uu lee yahay xoolo nool sida geela iyo lo,iyo ariga  diagaaga iyo ugaar aad u badan, dhulka soomaaliya waxaa uu lee yahay dekado waawayn,dhuka soomaaliya waxaa uu ku yalaa marin biyood caalami ah oo dunida oo dhan isku xira, dalka soomaaliya waxaa ilaahay daris uga dhigay xabashi iyo sawaaxli, umadii soomaaliyeed ii laahay ugu deeqay dalkaas barwaaqada ah waa ka baahan yihiin,umadii soomaaliyeed waxaa ay dhabarka u jeediyeen inay ka faaiisaytstaan khayraadka rabi ku manaystay dhulkooda, umadii soomaaliyeed waxaa ay shaqo ka dhigteen qabyaalad iyo is qoonsi iyo inay burburiyaan dhulkooda, umadii soomaaliyeed sharaftoodi iyo qaranimadoodii waxaa ay ka doorteen qaxooti iyo qabyaalad, umadii soomaaliyeed rubac qarni ayey qaribayeen dalkoodii hooyo, qabkii iyo qiimihii soomaaliyeed waxaa uu ku soo uruuray qolo iyo qolo iyo qabiil qabiil inay u noolaadaan, intii ay soomaalidu isku mashquulsanaayeen waxaa dalka soomaaliya ku soo duulay maafiyo badan oo shisheeye ah, waxaana la gurtay khayraadkoodii ku jiray soomaaliya, waxaana hada soomaalida  lagu haystaa dhulkoodii, mana muuqato soomaali midaysan oo u taagan inay difaacdaan dalkoodii, dalkii soomaaliya waxaa ku soo duulay dad midaysan oo u istaagay inay dhacaan dhulkaan buuxa oo baylahda ah, meelo badan oo soomaalidu degan tahay ayaan sahan ku tagay  wixii aan ku soo arakay ma ahayn wax lagu farxo, soomaali badan oo aan kala sheekaystay  duulaanka ku socda dalkii hooyo waxaa ay sheegeen inay difaacayaan qabiilkooda laakiin aysan dal difaacayn, xataa waxaan soomaalidii ka waayey dhiilo iyo wax ficilo ah, qurba joogtii aan arkay dibadaha waxaa ay ku mashquulsanaayeen daawashada show maalaayacni ah oo qabyaalad ku salaysan, si kastaba ha noqtee dalkii soomaaliya iska lahaa ee laga sugayey inay difaacaan uma muuqan kuwa rabay dalkoodii hooyo, qof walibana waxaa uu raadinayey qado maalin ah, qurba joogta soomaaliyeed %80 waxaa ay noqdeen kuwo shanta kulajira arimo duli ah oo aan u fiicnayn aduun iyo aakhiro, waxaan rabaa inaan wax yar idinka tuso waxa ay ku mashquulsan yihiin qurbajoogta soomaaliyeed ee ku nool woqooyiga ameerica daawasho wacan.

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :