asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

Zakaatul-Fidriga iyo sida loo bixinayo iyo waqtiaga la bixinayo

2. Zakaatul-Fidri oo bisha Ramadaan dhamaadkeeda la bixiyo ka hor intaan Salaada Ciidda la tukanin. Waajibnimada Zakaatul-Fidriga Wuxuu oranayaa Cabdulaahi Bin Cumar Binul-Khadaab inuu Nabigu waajibyeelay Zakaatul-Fidriga (Zagada Soonka) dadka oo dhan (Muslimiinta ah) taas oo ah Suus Timir ah ama Qamadi ama Sabiib, waxay waajib ku tahay qof walba oo xor ama addoon ah, Lab ama dheddig ah, ku yar ama wayn. Sidoo kale dhamaan iskuma diidana Culumada Islaamku inay waajib tahay.

Shuruudaha Zakaatul-Fidriga waa:
1. Inuu qofka bixinayaa yahay Muslim, kama marna dhinaca kale qofka la siinayo inuu yahay Muslim.

2. Qofka bixinaya inuu haysto wax ka badan cunnadiisa maalinta ciidda isaga iyo hadduu dad masaruufaba, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iwm.

3. In la siiyo ama ay gaarto miskiinka Zakadan intaan Salaada Ciidda la tukanin ka hor wixii uu qofku bixiyo salaada ciidda ka dib waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri sida uu Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee inooga sheegay xadiith saxiix ah.

Goormay waajib noqonaysaa in la bixiyo ?
Waxay isku waafaqeen dhamaan Culumada Islaamka in la bixiyo wixii ka horeeya Salaada Ciidda ka hor, intee laga hormarinayaa? Waxay ka yiraahdeen haddalo badan waxaase fiican dadkeena dibada ku nool in wakhti la gaarsiin karo masaakiinta aynu sii bilowno uruurinta waajibkaasi si aanu hubaal ugu gudano waajibkaasi Ilaah inagu waajib yeelay.

Waxaa dhacda inaanu aragno dadka dibada ku nool hooyo kaligeed ah oo wadata ilmaheedii, aabihiina uu dhintay ama ay kala tageen, xaaladeedu maxay noqonaysaa? Haddii ilmahaasi yihiin agoon isla markaasina ay hooyadaasi haysato xoolo waa inay Zakada ka bixisaa ilmaheeda ajar ayeyna ka helaysaa iyadoo ilmaheeda ay yihiin.

Haddiise uu aabihii nool yahay isla markaasi ay ilmihii haysato hooyadood aabahaasi waxaa ku waajib ah inuu bixiyo Zakaatul-Fidriga hadduusan bixin isagaa hor Allaah ku dambaabaya loona haystaa, markaasi ay sidaasi tahay hadday hooyadu ka bixiso waxay leedahay ajarkeeda.

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :