asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped) happy_mawlid_nabi__prophet_muhammad_by_vafiehya-d9l5pvf

Home » somali news »

african geeridooda u doonatay mosco

african malakamowdMagaalada Sochi ee dalka ruushaka waxaa shir balaar uga furmay wadamada africanka ah,dawlada ruushka ayaa isugu yertay wadamo african ah, taasoo ay ku doonaysa inay xiriir la samaysato dadka ku nool qaarada africa, sidoo kale wadamada africanka ah ayaa ruusha ka filaya kaalmo ku daboolaan baahidooda joogtada ah, waxaa aad u kala fog waxa ay kala doonayaan ruusha iyo wadamada afrkaanka ahi, dawladah afrikaanka ahi marka laga reebo soomaaliya wax aqoon ah uma lahan ruushka, laakiin umada soomaaliyeed si wayn ayey u yaqaanaan ruushka, dawladaha  afrikaanka ahi waxaa laga yaabaa inay ruushka u qaataan sida usa ama uk ama canada ama jarmalka ama faransiiska iyo wadamo kale oo badan oo reer yurub ah oo marwalba kaalmeeya qaarada africa, dawlada ruushku wax shaqo ah kuma lahan bixinta kaalmada baniaadamka, dawlada ruuska waxaa laga helaa wixii dadka dila guryahana dumiya, dawlada ruushku waxaa laga helaa hubka wax gumaada noocyadiisa kala duwan, ruusha lagama helo wax dadka nooleeya,  geeska africa dalka ruushkaa waxaa u yaala taatiikh madow, dalka soomaaliya ayaa khasaaro wayn kala kulmay saaxiibtinimaii u layeeshay wadanka ruushka, wadanka ruushku waxaa uu soomaaliya ka sameeyey  arimo murugo mahadho ah ku reebay umada soomaaliyeed, dalka ruushku markii hore waxaa uu xiriir wanaagsan la lahaa  dalka soomaaliya, 1977dii ayuu ruushku xiriirkii wanaagsanaa u rogay inuu ku soo duulo soomaaliya, ruushku waxaa uu xasuuqay malaayiin ruux oo soomaali, ruushku waxaa uu dhulka iyo cirka kala dagalaamay umadii soomaaliyeed, ruushku waxaa uu lasafnaa cadawga xabashida, xiligaas ruushka wixii hub u yaalay moscow waxaa uu ku baneeyey dalka soomaaliya, waxaa taas dheer sheentarada soomaaliya waxaa ku dhagay masawiradii soviet vladimir lenin iyo marcos, ruushku wali kama garaabin dhibatadii foosha xumayd ee uu kula kacay umada soomaaliyeed, malaayiin ruux oo soomaali ah oo aqoon mutay oo ruushku laayey waalidiintood ayaa ku nool dalka soomaaliya, xiligaas uu ruushku xasuuqayey umada soomaaliyeed ma jirin wax nagala dhexeeyey haday noqon lahayd dal iyo dad ,qaarada yurub ayuu ruushku uga soo duulayey dalka soomaaliya, markii danbana  ruushka oo wata ciidamo cubo iyo liibiya iyo yemen iyo xabashi waxaa uu xurun ka samaystay adisababa,halkaas oo ay habeen iyo maalin duulaal uga soo qaadayeen umada soomaaliyeed, intaas oo dakano ah oo uu ruushku ka galay dalka iyo dadka soomaaliyeed uma malaynayo inuu moog yahay, ruushku waa u doqonimo in shirka qiyaanada ah ee ka socda SOCHI oo ugu yeero madaxda soomaaliyeed, si kastaba ha noqotee qoraalkaygu waa mid ku qotoma run iyo sida ay umada soomaaliyeed u arkaan wadanka ruushka, taariikhda soomaalida ayaa lagu qoray ruushka waligeedna waa ku qornaan doontaa,si ubadka na dhaxli doona  ay u ogaadaan wixii ruush ku falay umada soomaaliyeed, hadaba in ruushku uu xiriir saaxiibtinimo lasameeyo soomaaliya waa mid aan suurta gal ahayn waligeed,umada soomaaliyeed kuma qanacsada in safiir ka socda ruushka uu tago soomaaliya, umada soomaaliyeed ma jecla inay tagaan  ruushka, umada soomaaliyeed waxaa ay diyaar u tahay inay xiriir dhan walbo ah  la samaysato dawladaha caalamka intaan ka ahayn ruushka kubo libiya yemen, afartaan wadan danbi ayey ka galeen dalka iyo dadka soomaaliyeed, ugu danbayn africa waxaa kula talin lahaa inaysan ruush waxba ku darsan, maxaa yeelay ruush faaiido ma lahan ee waxyeelo ayuu lee yahay. by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :