asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped) happy_mawlid_nabi__prophet_muhammad_by_vafiehya-d9l5pvf

Home » somali news »

hambalyo halyeeyada umada soomaaliyeed

halyeeyo soomaaliyeedDalka soomaaliya waxaa dib loo soo nooleeyey qaar ka mid ah taariikhdii halyeeyadii u soo halgamay dalka iyo dadka soomaaliyeed, dawlada soomaaliya ayaa dib u taagtay taalooyinkii lagu xusuusan jiray geesiyaadii sababta u ahaa in soomaaliya ay noqoto dal xor ah oo leh bad iyo barri barwaaqo ah, taalooyinkaas waxaa horay u taagay dawladii dhexe ee soomaaliya, waxaana taalooyinkaas horay u bililiqaystay dad wax magarato ah oo aan taariikhda waxba ka aqoon, taalooyinka ay dawlada soomaaliya dib u hagaajisay waxaa ka mid ah taaladii halyeeygii waynaa sayid maxamad cabdile xasan iyo halyeygii axmad gureey iyo halyeeyadii  xaawo taako iyo halyeyii dhagaxtuur iyo iyo halyeeyadii SYL, geesiyaashaas taalooyinka loo suray dhamaantood waxaa ay ay ahaayeen kuwo dagaal kharaar la galay gumaystayaashii shisheeye ee reer yurub iyo xabashi, halyeeyadaasu waxaa ay ahaayeen kuwo baal dahab ah ka galay taariikhda soomaalida ,halyeeyadaasu waxaa ay casharo lama ilaawaan ah u dhigeen ingiriis iyo talyaani iyo xabashi, ilaa iyo hada habashi iyo ingiriis iyo talyaani ma rumaysna inay dhinteen halyeeyada aan kor ku soo sheegnay,walina waa ka baqayaan, taalooyinkaas ay dawlada soomaaliya dib u taagtay waxaa uu wadna xanuun ku yahay cadowga umada soomaaliyeed iyo kuwa u adeega, dalka soomaaliya halgankii cuslaa ee loo soo maray waxaa moog doqomada kenya , waxaana sabab u ah inaysan gaarin xabada iyo xanuunka soomaalida, kenya ma hunguriyeeyeen dhul soomaliyeed hadii ay ogaan lahaayeen wixii ku dhacay xabashi iyo ingiriin iyo talyaani iyo bootaqiis, kenya waa jiir haan ku waynaaday , waxaayse ay hurdada ka kici doonaan  waqti dhow insha alaah , si kastaba ha ahaatee taalooyinka laga taagay caasimada soomaliya waxaa ay farxad galinaysaa shacabka soomaaliyeed  ee jecel dalkooda iyo dadkooda, halkaan waxaan hambalyo iyo salaan u diraynaa dawlada iyo dadkii soomaaliyeed ee ka shaqeeyey inay dib u soo celiyaan taalooyinkii taariikhiga ahaa ee dalka soomaaliya, ugu danbayn soomaaliya hanoolaato, intii u soo halgantay dalka soomaaliya waxaan lee yahay danbigooda allaha dhaafo,janadiina allaha u kaso. aamiin

 by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :