asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google

hassan-ali-khayre

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

isu soo noqod wanaagsan

BOOQQASHOWaxaa dib hawada u goo noqday webkii kii ilays.com oo howlo khaas u ahaa hawada uga  maqnaa, aniga oo ka ka mid ah maamulka ilays.com ayaa doonayaa inaan aqristayaasha la wadaago wixii aan ku soo arkay  socdal dheer oo aan ku kala bixiyey easta afrika sucuudi carabiya, sagfarkaygii ii gu horeeyey waxaan ku tagay dalka kenya oo aan ku lahaa saaxiibo waawayn, intii an joogay kenya kalama kulmin wax dhibaato ah, shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka kenya kuma faraxsanayn falalka guracan ee kenya ka wado gudaha soomaaliya, hadal haynta u badan ee ay shacabka soomaaliyeed la yaabanaayeen ayaa ahaa duulaanka qaawan ee ay kenya ku qaaday badwaynta soomaaliya, shacabka soomaaliyeed waxaana ay aad uga xumaayeen ciidamada kenya ee ku jira gudaha soomaaliya ,iyo go,doominta ay galiyeen gobolka gedo iyo jubada hoose, waxaana ay goboladaas ka jareen isgaarsiintii, waxaana ay qarxiyeed xarumahii shirkada isgaarsiinta ee horumuud, shacabku waxaa ay walaac ka qabeen sida ay dawlada kenya ugu dhiiratay inay dhibaatayso shacab ay dalkoodii ugu tagtay, mudo yar kadib waxaan u boqoolay dalkaygii hooyo ee soomaaliya aniga oo aad u faraxsan, markii aan galay hawada soomaaliya isla markiiba waxaa i saaqay udgoonka  iyo carafta ka soo baxaya ciida soomaliya, waxaa is furay dhamaan jirkaygii oo dhan, qalbigayga iyo wajigayga  waxaa soo fuulay farxad aan lakoobi karin, maskaxdayda waxaa ay dib ii xusuusiyey yaraantaydii meelaha aan ku ciyaarirey iyo saxiibaday  iyo isakuulaadkii aan wax ku bartay, in kastoo isbadal wayn ka muuqday hadana waxaan noloshayd kala qabsaday halka ay wax walba joogaan, habeen iyo maalin isku si ayaan ugu lugaynayey dalkayga dhexdiisa, majirin cid aan naftayda uga baqay, qof i yaqaan iyo mid aan i aqoon isku  si ayey ee qadirinayeen,, mudo ka dib waxaan u sii baqoolay dalka sucuudiga, halkaas oo aan u aaday inaan soo guto waajibaadka xajka, makka iyo madiina waxaan kula kulmay malaayiin muslimiin ah oo dunida oo dhan isaga yimid,una yimid inay  gutaan waajibaadka xajjka, dawlada sucuudigu si wanaagsan ayey u maamushay xujaydaas aadka u faraha badnayd, majirin xujay wax ku noqotay, ,maalaha taariikhiga ah ee booqday waxaa ka mid ahaa (masaajidkii nabiga csw ee ku yaalay madiina, qabrigii abuubakar iyo cumar rc oo ku garab aasnaa qabriga nabi muxamad csw, waxaa kale oo aan booqday qabuurihii baqiic, masjidkii quba, qabuurihii ay ku aasnaayeen umahaatul muumiin iyo awlaadii rasuulka, qabuurihiin asxaabtii badar ku shihiiday iyo kuwii  uxud ku shihiiday, waxaan kale oo soo booqday msaajidkii labad qiblo lahaa, waxaan soo booqday qabuutii ay ku xabaalnayd khadiija binti quwayla iyo laba ka mid ah caruurtii nabiga,waaxsoo booqday  buurtii carafa, waxaan kale oo soo booqday buuraha safa iyo marwa, waxaan booqday kabcadii iyo maqaamkii nabi ibraahim,waxaan kale oo aan soo booqday labada magaalo ee kala ah mina iyo mustalifa, waxaan booqday masjidkii caisha ee tanciin,iyo maalaayin kale oo taariikhi ah oo muslimiinta waajib ku ah inay tagaan, nasiib wanaag waxaan si wanaagsan ku soo dhamaysa gudashadii wajibaadka xajka, ka dib waxaan u kuurgalay  nolosha ayku nool yihiin soomaalida sucuudiya, qaarka mid ah oo aan waraystay xaalkooda aad iyo aad ayey uga dayrinyeen noloshooda, qofwalbana waxaa uu ka walwalayey inuu waayo lacagta uu siinayo ninka wakiilka ka ah, nin soomali ah oo sucuudiga deganaa in ka badan 30 sano ayaa ee shaagay inuu wali qoxooti yahay oo uusan lahayn wax sharci , hadii laqabtana loo tarxiilayo soomaaliya, si kastaba ha noqtee soomaalidii aan kula kulmay kenya iyo soomaaliya iyo sucuudiga waxaa u nolol fiicnaa soomaalida ku nool dalka soomaaliya , dhanka kale gudaha soomaaliya waxaaka jira nabadgalyo la isku halayn karo, gudaha somaaliya kama jiro shacab hubaysan oo jidadka maraya, qof hubaysan hadii aad aragto waa dawlad oo kaliya, soomaaliya kama jirto qaylaad , soomaalida ku nool gudaha soomaaliya ma ahan soomaalidii hore, waa dad ogaaday dhibaatada ay leedahay qabyaalada iyo colaadu, dadkaasu intii ay dawlad la,aanta ahaayeen waxaa ay samaysteen dhamaan adeega bulshada, waxa ay lee yihiin koronto iyo joogto ah isbitaalo iyo farmashiyeyaal marwalba furan, jidad cabiran iyo ganacsiyo ayey noloshooda ku maareeyaan, waxaana ay shacabkaasu wada taageersan yihiin dawlad soomaaliya, shacabka soomaaliyeed inta dawlada diidan waa %3  si kastaba ha nootee dalka soomaaliya waa ka badalan yahay waxa ay bbc iyo voa ay ka soo tabinayaan, dalka soomaaliya waxaa uu ka amaan iyo nolol badan yahay dalal ku yaalada yurub iyo afrika iyo asiya iyo laatiin amerika, umada soomaaliyeed waxan kula talin lahaa inay cadawga ka ceshadaan dalkooda waana inay u guuraan dalkooda hadna maalgashadaan, (lama huraan waa dalkaga hooyo) SOOMAALIYA HA NOOLAATO.

BY XAASHI

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :