asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped) happy_mawlid_nabi__prophet_muhammad_by_vafiehya-d9l5pvf

Home » somali news »

madroodi 52 jir ah oo horay soomaaliya uga qaxay oo baqtiyey

somalia maroodiDalka soomaaliya waxaa uu hodon ku ahaan jiray ugaarta noocyadeeda kala duwan, ugaatii soomaaliya waxaa saameeyey qalaalsihii dabada dheeraaday ee ka jiray dalka soomaaliya ,malaayiin ugaar ah ayaa u qaxday wadamada dariska la ah soomaaliya, ugaarii u badnayd ee soomaaliya ka tagtay waxaa ay galeen wadanka kenya ,qaarkoodna waxaa ay u sii gudbeen tanzaania,ugaarta  u gudubtay dalka kenya waxaa ka mid ahaa maroodiga wiyisha shabeelka goroyada biciidka haramcadka lo, gisiga cawsha iyo ugaar kale oo badan, laba sano ka hor waxaa dalka soomaaliya dib ugu soo noqday qaarka mid ah maroodiyadii soomaaliya, waxaana ay yimadeen deegaanka u dhexeeya badhaadhe iyo buulo xaaji, hadaba dalka kenya waxaa ku baqtiyey mid ka mid ah maroodiyadii u horeeyey ee ka qaxay dalka soomaaliya, maroodigaas ayaa cimrigiisu ahaa 52 jir sida ay sheegeen askarta duurjoogta kenya, ugaar badan oo ku nool kenya ayaa quud daraynaya inay dib ugu soo laabtaan dalka soomaaliya, maadaama ay ku nabad gali waayeen dalka kenya, ugaanta ku nool dalka kenya waxaa qandaraas lagu ugaaranayo la siiyey wadamada thailand iyo china iyo wadamo kale,iliga maroodiga iyo wiyisha ayaa si toos ah looga dhoofooiyaa kenya, waana mid keentay in maroodi badan uu maciin bado soomaaliya oo ah halkii uu markii hore amaandaro uga cararay, si kastaba ha noqotee, ugaartii ku hartay dalka soomaalia waxaa hada duulaan cir iyo dhulba ah ku soo qaaday wadamada carbeed ee bariga dhexe, waxaa maalmahaan dekadaha iyo garoomada soomaaliya laga dhoofiyaa ugaar aad u abadan oo loo iib gaynayo emarete iyo sucuudiga iyo qadar iyo cumaan, ugu danbayn  in ugaarta la dilo oo hadana dhoofiyo iyo dhirta oo la jaro iyo in qabyaalada oo ladugsado waxaa kadhasha in la waayo  nabad iyo nolol.

by xaashi

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :